Mahad Tooye

Mahad Tooye News Personlity

05/05/2026
Waligaa Ha Mudan CeebWaligaa Ha Mudan CiilWaligaa Ha Mudan CaroWaligaa Ha Mudan CayCaloosha iyo CarabkiyoAfkeygaan Duco ...
24/04/2026

Waligaa Ha Mudan Ceeb

Waligaa Ha Mudan Ciil

Waligaa Ha Mudan Caro

Waligaa Ha Mudan Cay

Caloosha iyo Carabkiyo

Afkeygaan Duco Kaaga

Curiyee Caadilkey Dhib
kuma tuuso.

11/04/2026

Dheegow Howl kaadhamataa iidhalatay Cawee.

Wareegtadii magacaabida Kusimaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed.Cabdicasiis Laftagareen oo uu wehliyo Gudoomiyihii lala do...
30/03/2026

Wareegtadii magacaabida Kusimaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Cabdicasiis Laftagareen oo uu wehliyo Gudoomiyihii lala doortay Cali Fiqi iyo xubno katirsan howlwadeenadiisii ayaa ka duulay Baydhabo, iyagoo tagaya mid kamid ah caasumadaha deriska.

25/03/2026

“Welcome the new future, and let go of the past.”

👀👀👀👀👀👀👀👀
25/03/2026

👀👀👀👀👀👀👀👀

WAR-SAXAAFADEED: Is-Casilaadda Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP)Waxaan maanta oo ay taariikhdu tahay  25 March 202...
25/03/2026

WAR-SAXAAFADEED:

Is-Casilaadda Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP)

Waxaan maanta oo ay taariikhdu tahay 25 March 2026 aan si rasmi ah isaga casilay xilka Xoghayaha Guud iyo waliba xubinnimadii xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP).

Iscasilaadan waxaa sabab u ah kala aragti duwanaansho qotodheer oo in muddo ah igala dhaxeysay Guddoomiyaha Xisbiga JSP, ahna Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Xasan Sheekh Maxamud. Kala ra’ayi duwanaantaasi waxa ay salka ku haysaa qodobada soo socda:

1. In madaxweynuhu talada dalka iyo tan xisbiga ka dhigay mid isaga ka billaabata kuna dhammaata, isaga oo diiday inuu tixgeliyo ra’yiga ka duwan midkiisa isla markaana uu la tashado kooxdiisa siyaasadeed, guud ahaanna diiday talada dhammaan hay’adaha dowladda

2. ⁠Wax-ka-beddelka dastuurka dalka: waxaan isku dayay inaan madaxweynaha ka qabto hannaanka loo maray wax-ka-beddelka dastuurka oo ahaa mid kala fogeynayay ummadda Soomaaliyeed iyo in la saxo qaar ka mid ah qodobbada taabanaya midnimada, wadajirka iyo mabaadi’ida federaaliga ah ee uu dastuurku ku qotomo.

3. ⁠Hannaanka doorashada: waxaan madaxweynaha ku kala ra’ayi duwanaannay nidaamka doorashooyinka dalka. Madaxweynuhu wuxuu ku adkeystay inuu sameeyo nidaam doorasho oo uu natiijadiisa isagu xakameyn karo, aniguna waxaan qabaa in doorashadu noqoto mid ay heshiis ku yihiin saamileyda siyaaasadda dalka, maadaama uu dalkeennu yahay mid u nugul colaad siyaasadeed iyo burbur bulsho oo soo noqnoqda.

4. Burburinta dowlad goboleedyada: waxaan aad uga diiday Madaxweyne Xasan Sheekh siyaasadiisa burburinta dowlad-goboleedyada dalka, maxaa yeelay dowlad-goboleedyadu waa astaanta iyo heerka labaad ee aasaaska u ah dhismaha nidaamka federaalka dalka iyo weliba wadajirka bulshada Soomaaliyeed.

5. Xannibaadda xildhibaannada: waxaan aad uga dhiidhiyey xannibaadda soo noqnoqotay ee loo geysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalka gudihiisa iyo dibadda u socdaalaya. Si gaar ah, waxaan kasoo horjeestay in xildhibaan qaran oo xasaanad leh laga hor istaago safar, arrintaas oo ah gaboodfal sharci oo aan qiil loo heli karin, ku xadgudub madaxbannaanida baarlamaanka dalka iyo karaamada bani’aadamka ee Alle ilaaliyey.

Qodobbadaas, iyo kuwa kale oo aanan halkan ku soo koobi karin oo aan ku kala aragti duwanaanay, ayaan maanta go’aansaday inaan siyaasadda ku kala baxno aniga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo aan siyaasad wadaag soo aheyn muddo dheer.

Hadaba, maanta wixii ka dambeeya, waxaan abbaari doonaa jiho siyaadadeed oo ka duwan tii aan muddada dheer ku soo jiray, aniga oo guntiga u xiran doona inaan bahwadaag noqonno cid kasta oo aan ka midoobi karno mabaadi’ida Soomaalinnimada iyo ilaalinta midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Soomaaliya waxaan u rajeynayaa mustaqbal ummadeed oo ifaya.

Koonfur Galbeed oo degmooyinka G/Banaadir u magacaawdey guddoomiyayaal. Waxaad fahmeysa in dowladnimadeenna dheeldheel t...
24/03/2026

Koonfur Galbeed oo degmooyinka G/Banaadir u magacaawdey guddoomiyayaal. Waxaad fahmeysa in dowladnimadeenna dheeldheel tahay rajada laga qabana ay tahay mid liidata .

"Aragtida nacaska” waa mid ku kooban ilbiriqsiga hadda jira waxay ku qiimeysaa xaalad kasta dareenka waqtigaas taagan, i...
23/03/2026

"Aragtida nacaska”

waa mid ku kooban ilbiriqsiga hadda jira waxay ku qiimeysaa xaalad kasta dareenka waqtigaas taagan, iyadoon eegayn wixii ka horeeyay iyo waxa ka dhalan kara mustaqbalka. Waa aragti aan dhisin, balse dumisa, aan xisaabin, balse degdeg u xukunta.

Nacasku ma arko waxa fog, mana fahmo xidhiidhka u dhexeeya maanta iyo berri. Wuxuu ku farxaa guul yar oo degdeg ah, isagoo indhaha ka qarsanaya khasaaraha weyn ee ku soo wajahan. Halka caqligu leeyahay: “Sug, eeg, ka fiirso,” aragtida nacasku waxay tiraahdaa: “Hadda go’aan qaado!”

Bulsho aan lahayn arag fog waxay ku wareegtaa goobo isku mid ah qalad shalay dhacay ayaa maanta lagu celinayaa, berri-na la sugayaa.

Xigmaddu waxay leedahay: “Qofka maanta wax kasta ku qiimeeya, berri waxba ma qiimeyn karo.”

Haddaba su’aashuwaxaytahay Waaqicaas iyo Aragti Nacaskaas Maantay makusuganahay: waayo waxaan Arkaynaa Aragtiyo Aan Horay usoojitaabinay ayaa maantayna loosabacabo tumayaa 1991.wali mataagantahay.?

SHeekadii, Hashii Maandeeq iyo Sadexdii DOQON.

Sanbaloolshe "Xaaladda siyaasadeed ee dalka, sida lagu wado sax ma ahan, haddii aan wax laga beddelin dad horay iskula s...
21/03/2026

Sanbaloolshe "Xaaladda siyaasadeed ee dalka, sida lagu wado sax ma ahan, haddii aan wax laga beddelin dad horay iskula socday kuma sii wada socon karaan sidaan."

Nin weyn ayaa caawa macsalaameeyay kooxda Xasan.

Wax waliba waxeey u socdaan sidii October 2021.

20/03/2026

Ciid wanaagsan.

Address

Al Moussals Hay Al Asher
Cairo
11528

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mahad Tooye posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category