09/03/2026
Ku: Prosperity Party - ብልፅግና, Abiy Ahmed Ali, MW. Mustafa Omer, Laamaha kala duwan ee Dawlada dhexe ee Ethiopia iyo DDS
Beesha Jaarso waxay 9 sano tabanaysa nabad la’aanta sii jiitamaysa iyo dib-u-dejinta la’aanta muwaadiniintooda barakacay. Tabashadani waa mid ka dhalatay xaalado dhab ah oo soo noqnoqday, kuwaas oo sababay barakac, amni darro, iyo burbur ku yimid noloshii bulshada.
Waxa la gaadhay wakhtigii si dhab ah oo masuuliyad leh laydiin kula xisaabtami lahaa arrimaha la xidhiidha nabad la’aanta iyo dib-u-dejinta muwaadiniinta barakacay. Dad badan oo rayid ah ayaa weli wajahaya xaalado adag oo amni, hoy la’aan iyo nolol hubanti la’aan ah, halka waajibaadkiinna dastuuriga ahi yahay ilaalinta nolosha, sharafka iyo hantida shacabka.
Nabadu ma aha hadal keliya oo lagu dhawaaqo; waa masuuliyad u baahan tallaabooyin muuqda, qorshe cad iyo fulin joogto ah. Sidoo kale, dib-u-dejinta barakacayaashu ma aha kaliya in meel loo raro, balse waa in la hubiyo amnigooda, helitaanka adeegyada aasaasiga ah sida biyaha, caafimaadka, waxbarashada, iyo in ay helaan nolol sharaf leh oo waarta.
Waxaan idinka sugaynaa:
Qorshe cad oo nabad waarta lagu xaqiijinayo.
Dib-u-dejinta barakacayaasha si ammaan iyo sharaf leh.
La xisaabtan hufan oo ku saabsan sababihii keenay barakaca iyo tallaabooyinka la qaaday. Iyo cidii ka dambaysay oo wali qaarkood xukumada DDS xilal ka hayaan.
In codka iyo cabashada dadka dhibaatadu gaadhay si toos ah loo dhegeysto.
PM. Abiy Ahmed Ali, Madaxwayne Mustafe Cagjar iyo Shimelis Abdisa iyo Mas’uuliyaddu idinka ayay idin saaran tahay. Shacabku waxay xaq u leeyihiin nabad, cadaalad iyo nolol deggen. Waa waajib dowladeed in aan la dayicin xuquuqdaas, lagana jawaabo baahiyaha degdegga ah ee jira.
Waa waqtigii ficil la arki lahaa.
Jr.JigJigawi ✍🏽