NABAD dhoraha baladxawo

NABAD dhoraha baladxawo security

وَلَا تَقُوۡلُوۡا لِمَنۡ يُّقۡتَلُ فِىۡ سَبِيۡلِ اللّٰهِ اَمۡوَاتٌ ؕ بَلۡ اَحۡيَآءٌ وَّلٰـكِنۡ لَّا تَشۡعُرُوۡنَ ۞''Mow...
18/10/2024

وَلَا تَقُوۡلُوۡا لِمَنۡ يُّقۡتَلُ فِىۡ سَبِيۡلِ اللّٰهِ اَمۡوَاتٌ ؕ بَلۡ اَحۡيَآءٌ وَّلٰـكِنۡ لَّا تَشۡعُرُوۡنَ ۞

''Mowdka oo Sariirta iigu yimaada, Waxaa iiga Kheyr badan anigoo sababsada Gantaalada Cadoowga." Shahiid Halyeey, Yaxye Ibraahim Xassan Sinwaar.

Illahay S.W.T Naxariistiisa Jannatul-Firdowsa ha Siiye, Maanta oo ay Taarikhda ku beegan tahay 17-ka Oktoobar Sannadka 2024-ka ayuu Eebbe Weyne S.W.T u Rumeeyay Riyaddiisii uu Muddada dheer ku taa'maayaay.

Waxaa uu Dunidan Khariban ee ay Mushrikiinta gacanta sare leeyihiin, Dhibaatadeeda ka nastay asaga oo uu Illahay S.W.T Jaceyl Xad-dhaaf oogu beeray Qalbiyada Laba Bilyan oo Muslimiin ah oo Dunidan dusheeda saaran.

Waxaa uu ahaa Wiil-Hoog, Geesi, Mayal-Adag, Mar La-arag ah oo Nafsadiisa u hibeeyay Daddkiisa dulman ee ay isku soo bahaysteen Cadoowga arxanka daran.

Dharbaaxadii, 7-dii Oktoobar ee Sannadkii tagey ee 2023-kii uu ku dhuftay Cadoowga, Waxaa ay aheyd mid kamid ah Dharbaaxooyinkii tirada badnaa ee kulalaa ee uu Qalbiyada Cadoowga ku argagax geliyay oogana dhigay nabara daran oo aan Qalbiyadooda si fudud ooga bogsoonin, Sannada badan oo dambe na baaqi ku sii ahaada.

Address

Baladxawo
Baardheere

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when NABAD dhoraha baladxawo posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category