Codka Bulshada

Codka Bulshada Warbaahin cusub oo ka turjumeysa codka bulshada! Waxaan idiin soo gudbin doonaa warar, falanqeyn

Febraayo 23, 2026 – BeledweyneWafdi wasiiro ah oo ka tirsan Dowladda Hirshabelle State ayaa maanta gaaray magaalada Bele...
23/02/2026

Febraayo 23, 2026 – Beledweyne

Wafdi wasiiro ah oo ka tirsan Dowladda Hirshabelle State ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne.

Wafdigan waxaa hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Mudane Cabdiraxmaan Daahir Guure (Karoore), waxaana ka mid ahaa Wasiirka Amniga Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre, Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxiin Ciise Cadoow, iyo Wasiirka Caafimaadka Mudane Saadaq Maxamed Maxamuud.

Mas’uuliyiinta wafdiga ayaa waxaa garoonka Ugaas Khaliif Airport kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha degmada Beledweyne Mudane Cumar Cismaan Calasoow, Maayarka magaalada Mudane Nadar Tabaax Maalin, xubno ka tirsan maamulka iyo saraakiil ciidan.

Ujeedka socdaalka wafdiga ayaa la xiriira ka qeyb-qaadashada gurmadka qoysaska ay saameysay abaarta ka jirta deegaanada Hirshabelle, gaar ahaan gobolka Hiiraan, iyo dardargelinta howlaha shaqo ee maamulada.

Waxaa xusid mudan in afar-ta wasiir ee maanta yimid ay saddex ka mid ahi ka tirsan yihiin guddiga gurmadka abaaraha ee uu dhowaan magacaabay Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen, si loo qiimeeyo xaaladda abaarta loona hubiyo in shacabka reer Hirshabelle ay helaan gurmad ku filan.

Dhanka kale, waxaa muuqata in maanta uusan qeyb ka ahayn soo dhaweynta wafdiga Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Maxamed Carab. Lama oga sababta rasmiga ah ee uu uga maqnaa munaasabadda soo dhaweynta wafdiga heer wasiir, inkasta oo uu yahay mas’uulka ugu sarreeya maamulka gobolka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya inuu jiro khilaaf ka dhex taagan maamulka gobolka, iyadoo eedeymo dusha laga saaray Guddoomiyaha, isla markaana la sheegayo inuu ka xun yahay imaanshaha wasiirada oo qeyb ka ah dadaallada lagu heshiisiinayo dhinacyada maamulka ee is eedeynaya. Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo arrintan laga soo saaray.

Address

Beledweyn
Beledweyne

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Codka Bulshada posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share