10/08/2026
Aleele lagu hungoow
Hankii qarankani qasaar
Dalkii huwan baa heshoo
Hilinkii noo muuqday iyo
Halyeygii noo dhintoyo
Wixii loo Soo halgamay
Habeen baa lagu tirtirtay
Aqoonsigii waynu helnoyo
Soomaaliya Laga hadhii
Hadeer beenoow dayoo
Humaag weeyan damee
Bulshooy yaan lagugu hodin