Tabiye online

Tabiye online Wakhtigo samadiyo runsan soo madegin reerku

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN WADATASHI AH LA QAATAY HOGGAANKA URURADA SIYAASADDA Muqdisho, Juun 4, 2025 – Madaxweyna...
04/06/2025

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN WADATASHI AH LA QAATAY HOGGAANKA URURADA SIYAASADDA

Muqdisho, Juun 4, 2025 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan wadatashi ah la qaatay hoggaanka Ururrada siyaasadeed ee isu diiwaangeliyey doorashada, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadanaya geeddi-socodka dimuqraadiyeynta dalka.

Kulankan oo diiradda lagu saaray hirgelinta doorashada qof iyo cod, ayaa Madaxweynaha waxa uu uga warbixiyey dadaallada baaxadda leh ee 20-kii sano ee la soo dhaafay lagu bixiyey si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan fursad ay si toos ah codkooda ugu doortaan hoggaan ka turjumaya rabitaankooda.

Madaxweynaha ayaa xusay in dowladdu ay ka go’an tahay in la dhameystiro hannaanka doorasho ee ku dhisan hal qof iyo hal cod, isagoo carrabka ku adkeeyey in wadatashiyada qaran iyo la-tashiyada lala yeesho daneeyayaasha siyaasadeed ay ka mid yihiin tiirarka muhiimka ah ee lagu xaqiijinayo hannaan doorasho oo daah-furan.

Dhankooda, hoggaanka ururrada siyaasadeed ee la kulmay Madaxweynaha ayaa bogaadiyey dadaalka iyo go’aanka dowladda ee dhammaystirka nidaamka dimuqraadiyadeed, iyagoo soo jeediyey in dowladdu ay kordhiso wacyigelinta dadweynaha ee nidaamka doorashada tooska ah.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Mohamed Dugoow,
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]
[email protected]

 : Wasaarada deeganka oo hugaaminayo Wasiirka Deeganka Mohamed Cabdirihaman faroole ayaa maanta Magalada Garoowe kabilaa...
04/06/2025

: Wasaarada deeganka oo hugaaminayo Wasiirka Deeganka Mohamed Cabdirihaman faroole ayaa maanta Magalada Garoowe kabilaabay Ololaha Nadaafada deegannka.

  puntland soomalia meel saan u qurxoon wadankeena laga helaa
27/09/2024

puntland soomalia meel saan u qurxoon wadankeena laga helaa

Address

Nugaal
Garowe
252

Telephone

+252904305581

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Tabiye online posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Tabiye online:

Share