08/04/2025
"Sareeyaa hoosee".
Sawirkan hoose wax weyn ayuu inoo sheegayaa, hadal hadii la qoro bogag qaadan lahaa ayuu inoo soo koobayaa.
Shinbirtaasi shalay markii ay tamarta iyo awooda haysay qudhaanjada iyada ayaa sidii firri hadhuudha u guranaysay, maantana markii ay talax gabtay ee ay geeriyootay is la qudhaanjadii ayaa raashin ka dhigatay, farqigu waxa weeyaan awoodii ayaa dhinaca kale u wareegtay.
Intuu dooniba ha noolaadee nafluhu mar lay waa kii geeriyooda, haduu tamar is bido noocuu dooniba ha ahaadee waa kii tamar dareeya aakhirka, awooda nafluhu is bidaa jaadkay dooni ha ahaato waa tii mar uun soo gaabata, ha ahaato awood jidheed, mid maamul, maaliyadeed iyo wixii la hal-maala, awooda makhluuqu ma waarto.
Qur'aanka waxa uu Rabi in badan inoogaga waramay inay jireen umado inaga xoog badnaa jidh ahaan, dhinaca cimriga inaga wakhti dheeraa, xadaarado ama ilbaxnimooyin lahaa, kuwo saldanad iyo awoodo maamul is biday balse si yar oo fudud gurigood u ba'ay oo wakhti yar lagu rogay, maantana war mooyaane wax ka hadhay aanu jirin, sheekadoodu inaga ayey cibro iyo wax-ku-qaadasho inoo tahay si aynaan uugu dagmin dhalanteedka iyo nolosha ifka ee gaaban.
"Hadii aad maanta wacantahay ma ku waari doontaa?".