Marjaan Reale State-MRS

Marjaan Reale State-MRS Iibinta Guryaha, Kireynta Guryaha, Iibinta Dhulka Iyo Baabuurta, Iibinta Beeraha Wixii la mida

20/06/2024

Waxaanu ku haynaa aqal iib ah oo ku yaala Xaafada Massalaha, gaar ahaan Masaajidka Carafa ayuu dhinaca Galbeed ka xigaa

๐Ÿ  Qiimaha aqalku waa:$75,000 Dollar
๐Ÿ“ ๐†๐จ๐จ๐›๐ญ๐š: masalaha
๐Ÿ“ ๐‘ญ๐’‚๐’‚๐’‰๐’‡๐’‚๐’‚๐’‰๐’Š๐’๐’•๐’‚ ๐’…๐’‰๐’Š๐’”๐’Ž๐’‚๐’‰๐’‚
๐Ÿ“๐‚๐š๐›๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐ก๐ฎ๐ฅ๐ค๐š : 12mx 18m :
๐Ÿ๐Ÿฅ—๐ŸFadhi iyo cunto,
๐Ÿ›๏ธ4 bedrooms
๐Ÿšฝ3 Suuli.
๐Ÿ”ชkitchen,
๐’๐ž๐ซ๐ฏ๐ข๐œ๐ž ๐ซ๐จ๐จ๐ฆ๐ฌ :
๐Ÿ”ช store, laundry, and๐Ÿšฝ Toilet.
๐Ÿš˜park
โ˜Ž๏ธ๐…๐š๐๐ฅ๐š๐ง ๐ง๐š๐ ๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐ข๐ข๐๐ก.
๐Ÿ“๐‡๐ž๐š๐๐ช๐ฎ๐š๐ญ๐ž๐ซ:๐Ÿ“žโจ 63 4474849/ 0634102350/634548612
๐Ÿ“ ๐Ž๐Ÿ๐Ÿ๐ข๐œ๐ž: Hargeisa,

Macmiil waxaan ku hayna Gurigan oo kiro ah๐Ÿก                            4 Qol, 2 Suli kitchen &dayr gaadhi gal leh.      ...
24/02/2024

Macmiil waxaan ku hayna Gurigan oo kiro ah๐Ÿก 4 Qol, 2 Suli kitchen &dayr gaadhi gal leh. Location:Taliska guud ee ciidanka kirada 175$ phone โ˜Ž๏ธ0634548612
Phone....04473032

Noocyada Adeeyada Ay Shirkadda Marjaan Reale State-MRS Ay Bixinayso waxa ka mida.1. Iibinta dhulka iyo guryaha.         ...
24/02/2024

Noocyada Adeeyada Ay Shirkadda Marjaan Reale State-MRS Ay Bixinayso waxa ka mida.

1. Iibinta dhulka iyo guryaha. 2. Iibinta iyo kireynta baabuurta. 3. Kireynta Guryaha iyo dhulka. 4. Qurxinta iyo dayactirka Guryaha iyo Baabuurta.
5. Gelinta Guryaha Laydhka, Biyaha iyo kamaradaha CCTV.
6. Ilaalinta Nabadgelyada Guryaha.


Phone: 0634548612
Phone: 0634473032

22/01/2024

17 Maalmoood ayuu Wariye Maxamed Ilig ku xidhanyahay Magaalada Hargaysa, iyada oo aan wali la horkeenin Maxkamad Ray'id ah, marka laga reebo in mar la hor geeyay Maxkamad Militery .

22/01/2024

oo dib ugu soo celiyey golaha Guurtida xeerarkii Doorashooyinka is barkan ee Madaxtooyada iyo Ururada Siyaasada

Ujeeddo: Jawaab-celin Codsi Soo-celin Xeerar (Xeer Lr. 91/2023 ivo Xeer Lr. 14/2023)

Mudane Guddoomiye,

Tix-raaca qoraalka Guddoomiyaha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland ee summaddiisu tahay Ref- GG/JSL/05/01/2024, kuna taariikhaysan 21/01/2024, ujeeddadiisuna tahay Soo-celinta Xeerar aan Dhammaysan Jaran-jarooyinkii Sharci-dejinta, kuwaas oo ay ahayd in loo gudbiyo Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland si waafaqsan Qodobka 78aad, Faqraddiisa laad, Xarafka (T) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidaa darteed, anigoo tix-gelinaya codsiga Golaha Guurtida, waxaan halkan dib idiinku soo celinayaa labada Xeer ee ujeeddada sare ku xusan.

Allaa Mahad Leh
RECEIVED House of Rapresentativa
OK recieved
President
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland *
22/01/20215

28/09/2022

Dr. Jaamac Muuse Jaamac Oo Ka Hadlay Jihada Somaliland u Socoto

Hargeysa ( ) - Dr. Jaamac Muuse Jaamac oo ah aasaasaha Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, ayaa sawir ka bixiyey isbeddelada dhanka Horumarka ee dunida ka socda, doorka Somaliland ka qaadanayso iyo sida loogu baahan yahay in dhallinyaradu u diyaar garoobaan.

Jaamac Muuse Jaamac oo khudbad dheer oo khusaysa Mustaqbalka Somaliland iyo jihada uu dalku u socdo u jeediyey Arday ka qalin-jebisay Jaamacadda Admas ee Magaalada Hargeysa, ayaa tusaaleeyey Dhalinyarada fursadaha jira iyo waxa loota baahan yahay, si ay ula jaanqaadaan horumarka casriga ah ee aqoonta lagu hagayo.

"Dalka Somaliland wuxuu soo jiidan doonaa dhallinyaro badan oo kula fac ah, waxay la iman doonaan Hal-abuur, waxay la Iman doonaan lacag, markaa waxa lagaaga baahan yahay inaad barato Caymiska, waayo? Caymisku wuxuu noqon doonaa waxyaabaha ugu qaalisan ee ah sida dalka looga shaqaynayo." Sidaa ayuu yidhi Dr. Jaamac Muuse Jaamac.

Dr. Jaamac Muuse wuxuu dhiirigeliyey dhallinyarada Jaamacadaha iyo kuwa kale ee u heellan inay xirfadahooda xoojiyaan, waxaanu yidhi; "Waxa lagaaga baahan yahay inaad xoojiso aqoontaada ku salaysan Tiknoolajiyadda iyo isgaadhsiinta, waayo? Waxay noqon doontaa halka wax xukumaysa. Dalka waxa ka dhalanaya Warshado yaryar oo faro badan, tii ugu dambaysay waata Kalluunka qasaacadaysa ee dhawaan Berbera laga Daah-furay, halka loo gudbayaa waa halkaa, ciddii ka shaqayn lahayd, ciddii maamuli lahayd, ciddii u shaqayn lahayd ee maskax ugu shaqayn lahayd waa adiga.."

Dr. Jaamac waxa uu intaas ku daray; "Fursaddaad haysataa waxay kaaga dhawdahay inanka ama Inanta Kenyaanka ah ama Itoobiyaanka ah ee xirfaddaada oo kale leh ee u soo shaqo tagaya, waad uga dhawdahay haddaad tartanto oo aad halkaa isa sii taagto, waxaad fursad u haysataa dalkaagii oo fursad shaqo oo weyni ka soo baxday inaad Hal-abuur la timaaddo, la timaaddo Tiknoolajiyaddu waxay tahay, waayo? Waa halkaa halka Adduunyadu u socotaa."

"Nolosha bulshada waxa samaynaya Warshadaha, waxaad fursad u haysataa inaad Maskaxdaada hoggaanka ugu qabto kacaanka cusub ee dhashay siduu uga faa'idaysan lahaa dhaqaalaha faraha badan ee ka amuurmaya.." sidaa ayuu yidhi Dr Jaamac Muuse Jaamac.

28/09/2022

"Wax la aqbali karo Maaha in Deegaamo ka tirsan Gobalka Hawd la soo raaciyo Gobalka Maroodijeex." Siyaasiga Axmed Cabdale Digaale.

Waxa wax lala yaabo ah qoraalkii uu soo saaray Wasiirka Wasaarada arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo uu ku sheegay in deegaamo ka tirsan Gobalka Hawd la soo raaciyay Gobalka Maroodijeex.

Maxamed Kaahin shuruucda dalka u taala kuma socdo waxa uu ku socdaa khalad,waxaana aan usoo jeedinayaa Madaxweynaha in uu wax ka qabto sharci darada Maxamed Kaahin deegaamo ka tirsan Gobalka Hawd ku soo raaciyay Gobalka Maroodijeex taas oo ah arin mid aan la aqbali karin in deegaamada Gobalka Hawd

Waxaaana aan usoo jeedinayaa shacabka Gobalka Hawd in jawaab ka bixiyaan arintaa faragalinta ee Wasiirka arimaha Gudaha Maxamed Kaahin ku soo qaaday xuduudda Gobalka Hawd ee deegaamo ka tirsan ku soo raaciyay Gobalka Maroodijeex.

Iyadoo khikaafkii doorashooyinka dalka ka taagan yahay waxa ay u muuqataa in khalkhal labaad oo siyaasadeed dalka lagu galinayo in faragalin lagu sameeyo xuduuda Gobalka Hawd.


28/09/2022

Address

Hargeisa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Marjaan Reale State-MRS posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Marjaan Reale State-MRS:

Share