24/10/2023
"NASRIGII ALLAA MUUQDA IYO, GUUL AGAASIMAN "
Walaw ay goblaminta iyo gaaguun tirku qarnigii ugu dambeeyayba ay ka socdeen arliga xoogga lagu saanyaday ee reer Falstiin, haddana inteena wuxuun adduunyada kala socotaa, waxa aynu si' dhaw indhaha ugu haynay, isir sifaynta iyo ficillada argagaxa leh, ee ka socday magaalada Qaza ee lagu xero ootay walaaleheen reer Falastiin.
Iyaga oo markooda horaba uu ku yuururay saxal barriinsaday iyo cadaw silloon oo baabah ka yeelay, ayaa haddana waxaa isugu habar wacday, baha gaalaad iyo kaalilayayaashoodii oo dhan.
" Rag waa goob xun joog " waatii horay loo yidhiye, waxaynu aragnay haddii ciqaab adduun amaba cadaab kawni ihi uu jiro in la mariyay dadkaas.
Waxaa sida roobka ku hoobanaya Sawaariikh aad u daran iyo saanad wixii ay awoodeen cadawgii meeshaa ku habsaday, waxa aynu wadnaha farta kaga haynay talaw sidee ayaa uu wax noqon doonaa, qofka in uun dareen islaanimo, amaba digigixo banii Aadamnimo ay ku jirtay, wuu ka uur xumaa waxa dhaca waanu ka afrariirsanaa sida wax loo wado ( illeen itaal kale ma haynee ).
Walaw masaakiin badan la halaagay loona diray halkii loo badnaa ( Aakhiro ) kuwa kalana ay la damacsanyihiin Raxmaanku u rumaynmaayo inshaa Allaahuye. haddana wali cadawgu sidii uu rabay iyo waxay saadaalinayeeni ma dhicin.
Aan u daadago biyo dhaca aan hadalkaygee, marka la qiimeeyo sida wax u socdaan, awoodaha kuloolamaya gobolka, iyo sida ay uga adeegeen dadyaw kala masaalix ihi, sida Iiraan iyo xulafadeeda ( Jabhada ay taageerto ), Ruush iyo China, oo midiba arrintiisa gaarka ah uu wato, reer galbeed iyo Sahyuuniyadda Yahuudeed oo isku daaban, barigii dhexe oo ay hormuud u yihiin, Turkey, Masar, Sucuud iyo Joordan, oo ogaaday in halka wax usocdo iyo dhagarta la karkarinayaa inta ay la egtahay iyo in aanay ku ekeyn Falastiine ay ka qota dheer tahay waxaa caddaatay in reer Galbeed iyo Israa'iil ay isku dhufsadeen xisaab aan isu daboolayn sidii ay malaynayeen.
Taasi waxa ay sababtay walaac xoogan oo ay qabaan abaabulayaasha dhagartu waa reer galbeede iyo fuliyayaasha masiibadu waa Yahuud iyo inta la waddee.
Waxaa billadaw Israa'iil gudaheeda, gadood ciidan, dhaawac maskaxeed, khalkhal millatari iyo yuclul shacab iyo calool xumo bulsho oon dhammaad lahayn, afkaar ururinta laga sameeyay shucuubta caalamka ee caafimaadka qaba, oo taageero u muujiyay Falastiiniyiinta, sidoo kale Israa'iiliyiinta caalamka oo iyaguna ka baqanaya in lagu gabraarsado ficillada ay samaynayan walaalahooda reer Talaabiib, qodobbadaa iyo kuwo kale oo is biirsaday waxa ay keeneen, niyad jab, walaac, warwar iyo walbahaar. illeen iimaan xakameeyaana meesha ma yaallee.
Walaalohoodii ka waawaynaa waa maraykan iyo gacan yarayaashiisiiye waxa ay billaabeen digniino horle iyo dayro walaahaw xambaar.
Isku soo wada duube kollayba ibtilo ma yarayn hadda se ifafaaluhu ma xuma, Alla bariga haloo badiyo in walaaleheen reer Falastiin. In Allaah swt uu badbaadiyo, cadawgaasna Rabbi uu jebiyo.
Rabbi nimu u ciidamay ayaa, caawimaad hela'e.
Casiisaw na kaalmee adaan, ku cuskanaynaaye.
Cadawgana Allaw naga dulqaad, cabatay ruuxdiiye.