Dr janagalle

Dr janagalle Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Dr janagalle, Hargeisa.

bogan DVM-Dr Abdisalam professional experience

DVM abdisalam Media, reporter

Senior reporter

Please join us and follow this page, you will find something useful.

30/07/2026

Mudane Madaxweyne, arrimaha dibadda waa muhiim, balse shacabka guduhu waxay mudan yihiin mudnaan ka weyn. U yara jeeso xaaladda dadkaaga; booqo magaalooyinka iyo miyiga, u kuur gal nolol maalmeedkooda, dhegayso cabashadooda, kana shaqee xal u heliddooda.

Masuuliyadda ummaddu waxay saaran tahay garbahaaga, shacabka ayaana indhahooda kugu haya, Alle SWT-na wuu ku eegayaa. Hoggaamiyaha wanaagsan waxaa lagu xusuustaa sida uu u garab istaagay dadkiisa xilliga ay adagtahay. Ilaahay ha ku waafajiyo caddaalad, daacadnimo, iyo daryeelka shacabkaaga.

30/07/2026

MRI ma radiation ayu bixiyaa
wakaa agaasimaha guud ee caafimadka 😂

Fariin ku socota Madaxweynaha SomalilandMudane Madaxweyne,Tan iyo intii aad xilka la wareegtay, baraha bulshada waxaa si...
29/07/2026

Fariin ku socota Madaxweynaha Somaliland

Mudane Madaxweyne,

Tan iyo intii aad xilka la wareegtay, baraha bulshada waxaa si joogto ah looga arkayay cabashada dadka qaba xanuunnada kelyaha, gaar ahaan kuwa kelyuhu fadhiisteen ee loogu maydho Cisbitaalka Weyn ee Hargeysa.

Dadkaasi lacag iyo dano gaar ah kaa ma dalbanayaan. Waxay codsanayaan oo keliya adeeg caafimaad oo nafahooda badbaadinaya, waana xuquuq ay muwaadiniin ahaan leeyihiin.

Maanta markii ay si nabad ah cabashadooda u muujiyeen, waxa habboonayd in lala kulmo oo la dhegaysto. Nasiib darro, arrintoodii waxaa loo rogay arrin siyaasadeed. Qofka xanuunsan wuxuu u baahan yahay gargaar, daryeel iyo naxariis, ee uma baahna in bukaan kale uga jawaabo cabashadoodii.

Sidoo kale, hadalladii ka soo baxay Wasiirka Caafimaadka waxay qalbi jab ku noqdeen dad badan oo xaaladdan la tacaalaya. Waxaa taas ka sii murugo badan eedeymaha sheegaya in qaar ka mid ah dadkii maanta cabashadooda soo bandhigay fiidnimadii laga hor istaagay in loo qabto adeegii sifaynta kelyaha. Haddii arrintaasi run tahay, waxay u baahan tahay in si degdeg ah wax looga qabto.

Waxaan kaa codsanayaa, Mudane Madaxweyne, inaad la kulanto dadkaas, aad dhegaysato baahidooda, isla markaana inta ay awoodda dawladdu gaadhsiisan tahay loo fududeeyo adeegyada ay u baahan yihiin. Adeegga sifaynta dhiiggu waa adeeg naf badbaadin ah, mana habboona in laga dhigo arrin siyaasadeed.

Sidoo kale, waxaan bulshada Somaliland ugu baaqayaa inay garab istaagaan dadkaas, loona sameeyo sanduuq u gaar ah oo lagu taakuleeyo ama lagu caawiyo dadka u baahan daawaynta iyo sifaynta kalyaha. Maanta iyagaa dhibban, berrina cid kasta ayay noloshu imtixaan ku noqon kartaa.

Alle SWT wuxuu Qur'aanka Kariimka ah ku yidhi:

«﴿وَمَنْ أَحْيَاهَا فَكَأَنَّمَا أَحْيَا النَّاسَ جَمِيعًا﴾»

"Qofkii badbaadiya hal naf, wuxuu la mid yahay sidii uu u badbaadiyey dadka oo dhan."
(Suuratul Maa'idah: 32)

W/Q: Abdiraxmaan Deik

XOG-OGAAL​Aniga oo ku xidhnaa Dhakhtarka Guud ee Hargeysa muddo ilaa lix  bilood ah, gaar ahaan qaybta kelyaha oo aan xo...
29/07/2026

XOG-OGAAL

​Aniga oo ku xidhnaa Dhakhtarka Guud ee Hargeysa muddo ilaa lix bilood ah, gaar ahaan qaybta kelyaha oo aan xog-ogaal buuxa u ahay, bal aan laba eray ka idhaahdo dhibkaa halkas ka jira.

​Maxay yihiin adeegyada uu dhakhtarku bixiyo ee sifeynta kelyuhu?
​Dhakhtarku wuxuu leeyahay mashiinno bilaash ah (free) balse aan ku filayn bukaannada, saddex (3) kaadh oo shaybaadh oo bilaash ah halkii mar (shift)—kuwaas oo ku kooban shaybaadhka dhiigga—iyo irbadda dhiigga xinjirta ka ilaalisa ee Heparin.

​Maxay iibsadaan bukaannadu?
​Bukaannadu waxay soo iibsadaan:
​Faleembooyinka
​Gooska iyo shiliishka
​Dawooyinka matagga/caabuqa (infeekshanka)
​Irbadda dhiigga kordhisa ee Epoetin
​Gacmo-gashiga dhaymaha (Sterile gloves)
​Xabagta nabarka lagu daboolo iyo agab kale.

​Sidee ayayna mashiinnadu ugu filnayn bukaanka?
​Bukaanka kelyaha loo sifeeyo wuxuu sida xeerka caafimaadku dhigayo u baahan yahay inuu helo usbuucii saddex (3) jeer, oo halkii marba ay tahay afar (4) saacadood—taas oo u dhiganta 12 saacadood usbuucii.

​Imisa maalmood/saacadood ayay helaan bukaannada ku xidhan Dhakhtarka Guud ee Hargeysa?
​Hargeysa, qofka ugu fursadda fiican wuxuu helaa usbuucii laba (2) jeer, oo halkii marba ay tahay laba (2) saacadood ilaa saddex saacadood iyo badh (2 - 3.5 saac), sida badanna saddex (3) saacadood.
​Taasi waxay ka dhigan tahay: qofka usbuucii hal mar helaa wuxuu helaa 3 saacadood; kan laba jeer helaana wuxuu helaa 6 saacadood—isaga oo u baahnaa 12 saacadood usbuucii.

​Maxaa dhacaya haddii uu qofku heli waayo usbuucii saddexdii jeer ee uu u baahnaa?
​Waxa dhacaya:
​Qofku wuu bararayaa, wuu xanuunsanayaa.
​Qashinka dhiigga ku jira ayaa isbiirsanaya oo xanuunno hor leh keenaya.
​Cunto ma cuni karo, cabitaan hadalkiisaba daa.
​Naqaska ayaa qabanaya, ma seexan karo, mana jiifsan karo.
​Jidhka ayay biyo galayaan, ugu dambayna wuxuu noqonayaa xaalad u dhexaysa nolol iyo geeri, iyadoo ay u dheer tahay inaanu joogin dhakhtar takhasus ah.

​Maxay u baahan yihiin bukaannadu?
​Mashiinno ku filan: In ay helaan usbuucii 3 jeer oo markiiba 4 saacadood ah.
​Dhakhtar Takhasus ah: In la helo dhakhtar kelyaha ku takhasusay (Nephrologist).
​Taageero Dhaqaale iyo Agab: Kaabis dhaqaale, agab, iyo dawooyin bilaash ah.
​Kaadh Caafimaad: In qof kasta oo u baahani uu si dhib yar ku heli karo.

​Si guud, intaasi waa baahiyaha aasaasiga ah ee cabashadu ka taagan tahay. Inta ogaalkayga ah, ma jirto siyaasad kale oo dabada ka riixaysa ee dadkaas waxa ka hadliinaga waa naf , waxayna u baahan yihiin gurmad bini-aadanimo oo degdeg ah!
​Xogtaasi waa sida aan ku ogaa dhawr usbuuc ka hor, cabashaduna waxay taagnayd wakhti dheer. Marka, idinka ayaa ka jawaabi doona: Ma siyaasad ayaa ku jirta dadkaas, mise wasiirka ayaan xog-ogaal ahayn, mise waa loo badheedhayaa?!

29/07/2026

"Mar haddii bukaankii
Lagu yidhi bukaan kale
Beenee warkiisii
Allaylehe badbaadooy
Qof ku doonaybaa ba’ay." Abwaan Saar.

Fariinta Xisbiga KAAH Mudaharaad 6-da Gobol Ee Somaliland
29/07/2026

Fariinta Xisbiga KAAH Mudaharaad 6-da Gobol Ee Somaliland

29/07/2026

Ilaahayow, Adigu waxaad tahay Cadaalad Badane, naxariis iyo dembi-dhaafna leh. Kuwa xilka loo dhiibay ee dulmiga ku haya dadka tabaalaysan, ee xaqooda dayaca, hantidoodana si aan caddaalad ahayn uga faa’iidaysta, quluubtooda ku hagaaji xaqa. Haddii ay dulmi ku sii adkaystaanna, xaqa u hiili, dulmana soo afjar. Dadka nugulna u fur albaabbada raxmaddaada, u sahal noloshooda, kana dulqaad culays kasta oo haysta. Aamiin.

22/10/2025

madaxwaynaha nabada

16/10/2025

nin intu fooshay ka fibna dhalay yaab🤦‍♂️

08/10/2025

dumarka iyo lacagta mxa kala hysta

Address

Hargeisa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr janagalle posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Dr janagalle:

Shortcuts

Share