05/06/2026
🔥 Xarshin Oo Ka Hor Timid Faragelin Siyaasadeed — Guushii Mowliid Cabdi Oo Gilgishay ONLF!
Loolankii ugu adkaa ayaa ka dhacay degmada Xarshin, kadib markii laba garab oo siyaasadeed ay foodda is dareen doorashadii golaha deegaanka.
Suldaan Xuseen Cabdiqaadir ayaa si cad u garab istaagay musharaxa shacabka aqlabiyaddu taageersaneyd ee Mowliid Cabdi Muxumed, kaas oo ka sharaxnaa xisbiga FEEB, halka Iid Jiciir Aw Axmed uu watay musharaxa ONLF, Naasir Jiciir Axmed.
Wararka gudaha degmada laga helayo ayaa sheegaya in Mustafe Omar uu maamulka degmada Xarshin ku cadaadiyay in la taageero musharaxa ONLF, balse shacabka degmada ayaa si adag uga horyimid qorshahaasi.
Xarshin ayaa noqotay degmada kaliya ee si weyn uga hor timid cadaadiska siyaasadeed, iyadoo codkii shacabka uu ka adkaaday awoodihii la adeegsanayay.
Guusha uu helay Mowliid Cabdi Muxumed ayaa noqotay fariin siyaasadeed oo culus, taasoo muujisay in shacabka Xarshin aysan aqbaleyn in codkooda lagu hago dano siyaasadeed oo dibadda ka imanaya.