13/05/2026
Xaflada shaacinta Musharax Xildhibaan kursiga Hope 060 oo deegaan doorashadiisu tahay gobolka mudug Ayaan Xasan Siyaad (Bulbulo) oo maanta ka qabsoontay magaalada Muqdisho
Xafladan waxaa ka soo qaybgalay Odayaasha dhaqanka golaha Beesh Sacad, Nabadoonada, Salaadiinta, Boqorada, Ganacsatada, Culimada, Saraakiisha, Siyaasiyiinta, wakiilka Xisbiga Karaama ee Galmudug Sh/muxiyadiin Yuusuf Barre ,wakiilka xisbiga tawfiiq ee Galmudug Cawil Nuur Cali, gudoomiyaha Maxkamada Wisil She/c/laahi agaasimayal ka tirsan gobolka Banaadir, iyo XFS,dhalinyarada iyo haweenka Beesha Sacad.
Masuuliyiin kala duwan oo Xafalada ka hadashay ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyey Musharaxnimadq Xildhibaan hope 060 Ayaan Xasan Siyaad , waxay alle kaga baryeen in kursiga uu ku guuleeyo.
Ugu danbeeyn Mushara Ayaan Xasan Siyaad oo hadalka qaadatay ayaa sheegtay in kursiga aysan xoolo u soo doonan , waxayna bulshada Beesha Sacad ka codsatay in kursiga ay ugu hiiliyan oo codkooda siiyaan.
Caduun media