15/07/2022
By Abwaan Maxamed Cabdilaahi Muuse
Arar kooban
Inagoo ku dabaqayna cinwaanka page keena
Ayaan jecleystay inaan idiin Soo dhigo Qormo Dheer
Oo ku saabsan Gabyaagii waynaa ee Raage Ugaas Warfaa
Sababtu waxay thy raage Ugaas wa qofka salka u dhigay suugaanta Soomaaliyeed uguna h**eeyay Cid gabayda kuna bilaabay gabayga habka quruxda badan ee uu u dhaco taas OO ah "Hooyaalayeey Hooyaalayeey Hooyee"
Taariikh nololeedkii Raage Ugaas warfaa
Raage Ugaas Warfaa waxa uu ahaa gabyaa raca h**e ku tirsan marqaatina waxa u ah tixaha tirada Yar ee iga soo gaadhay waxa uu ahaa maansoyahanadii qarngii 19aad kii ugu magaca waynaa sida aan aniga buuga qorayaa ku Mala waynahay ama taariikhda soomaaliyeedba ku xusan.
Raage Ugaas wuxuu ku dhashay ceelka Sasabane, meel u dhow magaalada Dhagaxbuur, Gobolka Soomaali Galbeed ee wadanka Itoobiya. Raage waxaa dhalay Ugaas Warfaa Faaraxa Samatar oo ahaa Ugaaska Beelaha ogaadeen ka waxaa la dhashay labo wiil oo ka weynaa kuwaasi oo kala ahaa Ugaas Xuseen iyo Xilkab.
Si kastaba ha ahaatee, Ugaas Raage wuxuu yaraantiisii ku soo caanbaxay tirinta gabayga, iyo helida ereyo aad u dhumuc weyn.
Raage ugaas waxaa loo Aqoonsanyahay in uu ahaa ninkii fadhiisinayay gabayga soomaalida oo waa ninkii gabayga ku bilaabay “ hooyaalaye hooyaalayeey hooyaalaye hooyeey”
Sidaana loo daayay ee ilaa maanta maansada qaybteeda gabayga looyaqaan loo curiyo.
Dhanka kale waxa uu raage jaangooyay Alanada meeriska gabayga ah lagu jaangooyo.
Waxa uuna ahaa boqorka maansada baroorta sida aad kol dhaw gabayadiisa ku arki doonto haduu Eebe idmo.
Raage gabayadiisa waxaanu ka soo qaadanay labo Gabay oo baroor ah waxayna kala yihiin :Sarsar igu bananaa iyo koorta yucub.
5.2GABAYADII RAAGE UGAAS WARFAA
5.3 KOORTA YUCUB
Gabayada Raage Ugaas Warfaa waxaa ka mid ah gabaygan tixdan hoose aan ka hayno. Wuxuu Raage gabaygan ka tiriyey geeridii xaaskiisii uu aadka u jeclaa, faadumo Nuur Yey oo libaax qaaday iyadoo habayn madow soo dheelmad ah.
Waa gabay baroordiiq iyo weyneyn isugu jira oo ina dareensiinaya qiimaha ay afadu ninka agtiisa ka lahayd. Wuxuu yidhi:
Sida koorta Yucub oo la sudhay, korommo buubaal ah
Shini kaaluf galay ama sidii koronkor Koo oomi
Ama koox arday ahoo quraan kaalibka u toostay
Ama beelo kaynaan ahoo kor u hayaamaaya
Ama geel kareeboo nirgihii Laga kaxaynaayo
Ama ceel karkaarada jabshay iyo wabi karaar dhaafay
Ama habar kurkii kali ahaa lagaga kaw siiyay
Ama kaal danley qaybsatiyo ku iyo dhal yaabis
Xalay kolola,aygii ma ladin kaamil reeruhuye
Kambalkii ardaagii miyaa laygu kaliyeeyay
Kumbuskii miyaa layga qubay kolaygii ii buuxay
Wixii rag igu kuunyay miyaa igu karaamoobay
Kob abaara meel dhexe miyaa koore ila meeray
Kub miyaan ka jabay biixi aan kabayo loo haynin
Maantana kataantii Miyaa layga kala tuuray
Kun iyo kow kurtood dumar hadii laysu wada keeno
Kolna waxaan la heli karayn haween faadumo oo kale ah!.
SARSAR IGU BANANAA
Gabaygan wuxuu Gabyaagu ka tiriyey geeridii walaalkii Ugaas Xuseen. Isaga oo Qoraxeey jooga oo reer uu gabadh ka qabay ina la yaal u ah, ayuu cuntadii diiday oo uu mar qudheeta goosan kari waayey. Gabadhii uu qabay oo Faadumo Nuur Yey la odhan jiray ayaa aabaheed u tagtay oo ku tidhi ninkii waxna iima sheegayo dheeftiina diid. Dadkii horre wax garasho iyo fahmo badan ayey ahaayeene, odaygii gabadha dhalay ayaa gartay in meesha wax ku jiraan oo uu Raage wax tabanayo. Gabadhii buu dabadeed wuxuu ku yidhi, haddaynine, kolba toosiyoo, isagaa hadli doonee wuxuu ku hadlo iisoo sheeg. Gabadhii baa aqalkedii kusoo noqotay oo taladii abaheed yeeshay.
Waxay u keentay sareen ay Inta sonkor ku bilbishay caano gadhoodh ahna ku gaacisay isagiina afka intuu ka duway ayuu goroda laad laadshey dabadeed intay ka qaaday ayay u keentay oodkac timir lagu jarjaray isagiina ma eegine dhinac buu iskaga duway hadana waxay ula soo gashay doobi caano ah markaasuu dhawrkan meeris isaga aamusiiyay waxa uu yidhi:
* Sonkor iyo sareen malable iyo sixin ku iidaaman
* Naa sabco saynabtii adari iyo timirtii reer saaxil
* Ha isiinin soortii shafaan lagu sadaadoone
* Igana seexo meel la isaraan seedi kaa go,ine
* Ama saadad nimadii haween saacad ba itoosi
Intaa markay maqashay ayay gabaygaa abeheed u geysayoo u sheegtay inuu raage isbadal wayni ku soo kordhay.
dabadeed waxa uu u diray labo nin oo kasoo ogaada gabadhu waxay ka soo ogaan wayday.
Markii ay utageen ayuu kala hor yimid siinley dan uu sida layaabka leh ugu muujiyay naxdintii dhimashada walaalkii waxa uu yidhi:
Sarfigiisa gabay waanigii waayo saamaxaye
Waakaan sadkaygii horiyo saamigii helaye
Waakaan sabciin iyo cashara suuto aayaraye
Sanjibaar halkii tagi lahaa seemad iyo hooli
Oon xalyto igu soo sur odhan goor saqdii dhexe ah
Eego sur dhagaxeed noqdiyo soocashi diidmo
Show lay salaaxee intay suqo yar baadhayso
Saldhadaan fadhiyey jaamacoow, la iga soo saarye
Salka in aanan dhigin baa, adduun laga sugaayaaye
Sidii surayo neef qali ayaan, suuqa taagnahaye
Haddaan geed siyaab looga dhigin, saar ma joogsado e
Suhayr ma arko labadii indhood, nimay sarseereene
Soofuhu birta haduu ka jabo saawir bay noqone
Gobanimo ragii sare ka lumay waa siraad dam ahe
Haduusan fariyo sooraac lahayn waa sakaar adhiye
Wax badan baan salaamiyo ahayn saafi nabadeed
Dhaaxaa sidii siiqda wabi saa naloo wadaye
Amba sida tan baydun noqon saabka kuma hayn
shir sasabane oo saa dambo ah ama see saakuuna
Suxulkaa ka Soo leef haduu badawgu sooyaamo
Ragii kala sabaalayn jiriyo say cadaa madhaye
Sanyaraan asaydiisa siday labo sabaanoode
Soo toosiyaa aadan cunay siqilkii gaabnaaye
Sooraame aar baa habsaday sararihii nuure
Sabaankii dhawayd yuusuf baan siigadii dhigaye
Sahal bay ahaayeen kuwaa saa u leeyahaye
Maantuu salaankii u jabay samatar fool jeexe
Sarsar igu bananaa mus iyo sud igu dayrnayde
Soo jeedahaan ku hurdi jirey sulubkii geeryooye
Sideen yeeli eeboow qalbigu iga siloonaaye!.
Halkan hadaad Soo qaadhay ha ilaawin inaad facebook-ga Folow noo saartid sidoo kle haday ku qancisay qormadu ha ilaawin inaad like noo saartid.
Mahadsanidiin