OYSU office in Somalia

OYSU office in Somalia Waa Boga Rasmiga ah Ururka OYSU unugta Mogadishu-Somalia

21/05/2026

Is jacayl kii ciidankii Jwxo

📸 𝗦𝗔𝗪𝗜𝗥 - 𝗦𝗢𝗢𝗠𝗔𝗔𝗟𝗜𝗬𝗔 - 1993-diiCiidamo ka tirsan cutubka baarashuudka ee dalka   kuwaas oo ka mid ahaa ciidamadii nabad ...
25/04/2026

📸 𝗦𝗔𝗪𝗜𝗥 - 𝗦𝗢𝗢𝗠𝗔𝗔𝗟𝗜𝗬𝗔 - 1993-dii

Ciidamo ka tirsan cutubka baarashuudka ee dalka kuwaas oo ka mid ahaa ciidamadii nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay ayaa ku kacay falalkaan argagaxa leh ee idiin muuqda.

Dhalinyaro soomaali ah ayay gubayaan , qaarbay ku kaadinayaan halka kuwa kale ay wajiyada kaduubeen iyagoo hubin in maradu naqaska ku celinayso iyo in kale.

Waxaa la sheegay in dambiyo badan ay geysteen ciidamo ka tirsan Qaramada Midoobay mudadii ay soomaaliya joogeen. Cid walba oo falalkaas arkaysay ama qiraal bixisay oo soomaali ah waxay waqtigaas mudanayeen dil.

Sidookale waxaa la sheegay in wiil yar lagu xiray konteenar muddo laba maalmood ah isaga oo aan helin cunto iyo biyo taas badalkeedana abaal looga dhigay jawi kulul oo neef qabatin leh ilaa uu codkiisii daciifay ugu dambayntiina uu dhintay.

Arrin layaab leh ayaa lagu tilmaamay in markii sawirradu ku faafeen Belgiumka dacwad lagu soo oogay askarta balse maxkamada militariga ay sii daysay, isla markaana warbaahinta lagu eedeeyay inay sameeyeen olole sumcad dil ah oo aan sax ahayn.

Dambiyada iyo falalka xun ee ay ku lug lahaayeen ciidamadii nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay ayaa la sheegay inay jireen tan iyo 1980-meeyadii iyo 1990-meeyadii, waxaana badanaa qaata waqti dheer in sawirradaas loo soo bandhigo warbaahinta.

Waxaa badan inta aan wali war baahinta soo gaadhin.

xigasho Mucaad Media.

Sandullayn!Aniga oo baadhaya sawirro laga reebay wixii gumaystaha Caddaanku ku dhigay Madowga ayuu sawirkani iga soo hor...
24/04/2026

Sandullayn!

Aniga oo baadhaya sawirro laga reebay wixii gumaystaha Caddaanku ku dhigay Madowga ayuu sawirkani iga soo hor baxay. Runtii wuu i hakiyay oo iga fikirsiiyay! Waa sawirka ninkan u eg Biitarkii la Karbaashay (the Whipped Peter). Waxaa sawirka la qabtay abbaaro 1863kii.

Garo oo markii ay qabsadeen ayuu iskacaabbin tabartiis ah ku waajahay dadkii dadnimada yaraa ee usoo dhoofay addoonsiga iyo bahdilidda.
Garo oo nin mayal adag oo xoog badan buu ahaaye ugu danbayn waxay miciinsadeen tabtii caanka ahayd ee lagu muquunin jiray noolihii loodsami waayaba: Sandullayn!

Haddaba, waa maxay sandullayntu?

Sandullayntu waa qasbid iyada oo noolihii hoggaansami waaya laga qabanayo meelo jidhkiisa ka mid ah oo aan xanuunkooda la xammili karin. Lo'da ayaa ugu caansane saca aan la lisi karin ee toodka loo yaqaanno ayaa lasoo qabanayaa, waxaa laga duleelin carjawda fidsan ee labada dul kala teedda, waxaa laga galin birta hadda inoo muuqata ama xadhig, deedna labada gees ayaa dib loogu galin amase waaba lagu hoggaamin. Sacaas waa la sandulleeyay. Mar alla markii la doono in la liso ama beerta lagu qodo —dibiga—, xadhiggii ayaa, haddii uu geesaha u gashanaa, dib loo soo qaban, ama h**e baa loogu hoggaamin.

Caddaankii waa kuwan tabtii ka yeelay qofkaas aadane! Way sandulleeyeen! Intaas kagama hadhin ee qoorta oo iyaduna xubin nugul ah waa iyagaa geed kaga qarqarsiyay mid kalena labada farraaq ugu afxidhay! Intaas kuma daynnin ee waa iyagaa gacantii midigna qoortiisa ugu shakaalay!

Waxaan erayo lagu dhigi karin waxa ka muuqda wejiga, dhafoorka, indhaha, afka iyo jidhka inoo muuqda oo dhan!

07/04/2026

JWXO WAA AAYAHA OGADENIA

Itoobiya ayaa noqotay dalka kaliga ee diiday in la cambaareeyo xad gudubka IsraIl ay ku heyso reer Falastiin gaar ahaan ...
04/04/2026

Itoobiya ayaa noqotay dalka kaliga ee diiday in la cambaareeyo xad gudubka IsraIl ay ku heyso reer Falastiin gaar ahaan dhul balaarsiga sharci daradda ah ee dadka Yuhuudu ka wadaan dhulka reer Falastiin.

Qaraar UN-ka la hor keenay ayay Itobiya waxay tiri IsraIl xaq ayay u leedahay iney barakiciso reer Falastiin.

04/04/2026

Yaa Ethiopian ah iyo doodihii 60yeedii iyo 70 yeedii ka dhex qarxay buuralayda: (qaybtii 1aad).

Ethiyoobiyada cusub ee maanta la yaqaano oo ka soo bilaabmaysa Menelik waxaa ka jira 3 araktiyood oo ku saabsan Etiyoobiyaaninada.

Dooda yaa Ethiopiya ah waxay aad u soo baxday 60 deeyadii ilaa iyo 70 yeedii. waxaana aad u soo dhigay kacdoonkii ardayda oo ku salaysnaa nidaamkii shuuciga ahaa. 3 araktiyood waxay ahaayeen:

1. Qolo aaminsan in Etiyoobiya iyagu abuureen ayna midayso dhaqan, diin iyo luqo. Diintu ay tahay kiristaan. luqada iyo dhaqankuna yahay Amxaari . waxaana hal ku dhig u ahaa Ethiopia waa hal (One Ethiopia ). Waxay aaminsan yihiin dowlad dhexe oo awood badan. (hoos ka daawo Ambasador Yilma Taddese safiirka Ethiopia u fadhiya Midiwga Afrika oo 1957 isagoo arday ah ka hadlaya siday Amxaaradu uga sarayso qowmiyadaha kale ee ku nool Ethiopia).

Waxaad kaloo dhamaadka maqaalka ka akhrisaa qoraal uu qoray guddoomihii kacdoonkii ardayda Mokenen 1969. Maqaalkani wuxuu bambaani qaraxday ku noqday mujtamaca Ethiopia

2. Ethiopiya waxaa ku wada nool, qiwmiyado la cadaadiya iyo kuwo wax cadaadiya. Qoladan waxay aaminsan yihiin inaan Etiyoobiya lakala jarin . Waxay aaminsan yihiin in Etiyoobiya ay ku nool yihiin qowmiyado badan oo kala dhaqan kala af iyo kal diin ah. Loona sinaado wax walba qolo walbana xuquuuqdeeda hesho.

3. Qolo aaminsan in la guumeesyto, xoogna lagu haysto xalka keliyana uu yahay inay xornimadooda helaa. waana Soomaalida, Ereterida ( 1991 ayay qaadatay xirninadeedii) iyo qaybo ka tirsan Oromada. Eeg vidowga Abwaan Singub oo ka hadlaya Ethiipiyaanimada iyo Soomaalida.

hadalkii Mokenen hogaamiyihii kacdoonka ardayda 60 yeedii:
" To be a "genuine Ethiopian" one has to speak Amharic, to listen to Amharic music, to accept the Amhara-Tigre religion, Orthodox Christianity and to wear the Amhara-Tigre Shamma in international conferences. In some cases to be an "Ethiopian", you will even have to change your name. In short to be an Ethiopian, you will have to wear an Amhara mask (to use Fanon's expression). Start asserting your national identity and you are automatically a tribalist, that is if you are not blessed to be born an Amhara. According to the constitution you will need Amharic to go to school, to get a job, to read books (however few) and even to listen to the news on Radio "Ethiopia" unless you are a Somali or an Eritrean in Asmara for obvious reasons" by Walleligne Mekonnen Nov. 17, 1969

La soco qaybaha dambe doodaha Deegaanka iyo Ethiopiyaanimada iyo araktiyaha kala duwan.





WQ. MD, Cabdiraxmaan m. warfaa

Ethiopia dib u milicsi taariikheed :Qowmiyadaha xoog lagu amxaareeyay lana bedelay Jinsiyadoodii, dhaqankoodii, diintood...
03/04/2026

Ethiopia dib u milicsi taariikheed :Qowmiyadaha xoog lagu amxaareeyay lana bedelay Jinsiyadoodii, dhaqankoodii, diintoodii iyo luqadoodii:

Etiyoobiyada aynu naqaano maanta wa mid ku dhisantay dhul balaadhsi, xasuuq, dil, barakicin, diin iyo dhaqan gedis, is adoonsi iyo kala sarayn. aynu eegno afartii boqor ee u dambeeyay.

1️⃣ Thodre wuxuu qaatay inuu cidhib tiro cid kasta oo haysata diinta islaamka wuxuuna ka dhigay muslimiinta Wollo, Yejju iyo Raya wax u dilay, wax uu xasuuqay iyo wax baxsaday.

2️⃣Boqorkii Yohaness wuxuu isagu qaatay talaabo ka duwan tii Thodre taas ah muslimiintii degeneyd woqooyiga kala dooran siiyay in ay qaataan diinta kristaanka ama ay ka qaxaan deegaamada ay degen yihiin.

🟥Yohaness wuxuu soo saaray 1878 degreeto boqortooyo uu ku amrayo muslimiinta in ay noqdaan kiristaan si ay nabad ugu noolaadan hantidooduna u badbaado. Go,aanka boqorku wuxuu u dhigna sidan ( ‘Now let all, whether Muslim or Galla [pagan] believe on the name of Jesus Christ! Be baptized! If you wish to live in peace preserving your belongings, become Chris tians’ (Caulk, 1972: 24).)

Qaar badan oo ka mid ahaa madaxdii wollo, Raya iyo Yejju waxay qaateen diinta kristaanka cabsi daraadeed. Qaar badana waxay u qaxeen Suudaan halka qar kale u qaxeen imaaradihii muslimiinta ee Jima, Harar iyo Guraagada.

3️⃣Menelik Wuxuu qaatay siyaasada amxaareynta, kristaaneenta iyo is dhex galka. Wuxuu soo saaray digreetooyin in Diinta kristaanku noqoto diinta rasmiga ee Etiyoobiya, in meel kasta oo la qabsado iyo magaalo kastaba laga dhiso kaniisado, in lagala fadilo dadka ku hadla luqada amxaariga iyo dadka ay ka muuqato dhaqanka amxaarada iyo qowmiyadaha kale. In la ihaaneeyo lana fogeeyo cida aan ahayn maxaaro ama aan kristanka ahayn.

Siyaasadani waxay keentay in dad badan ay amxaarobaan,bedelaan magcyadooda tusaale ahaan:
🟥 sida socdaale Igiriis ahi sheegay mar uu booqsho ku tegey Galla wuxuu sheegay in ku arkay isbedel aad u weyn oo xaga dhaqanka ah waxaa xukumey hogaamiyo la dhaho Gumsa markii abaasiiniyadu qabsatay wuxuu qaatay orthedeksa waxaana loo bixiyay Gebre Egzabhier.

🟥Tusaale kale wolle 1986 waxaa socdaalk tegey nin Ingiriis ah wuxuuna la kulmay dhalinaro rabay in ay Kristaan noqdaan, markuu weydiiyay sababtana waxay ku dhaheen waxaanu rabnaa in si wanaagsan woqooyigu ( abaasiinyadu) noola dhaqmaan.

🟥sida ay soo wariyeen socdayaal Talyani, Faransiis iyo Ingriis ah 1904 waxay sheegeen in Gofa , kafa oo ahaa dhulkii uu Menelik xooga ku qabsaday, gumaadka xunina ka dhacay ay masuuliyiintii xukumaysay ka tageen labiskoodii hidaha iyo dhaqana ahaa ayna xidhnaayeen dharkii amxaarda.

4️⃣Xayle Selaasana siyaasadii Menelik ayuu qaatay, waxaana bilaabantay:
🟥 in qoysas badan oo muslimiin aha ay bedelaan magacyadooda, sheegtaan in ay yihiin Amhaaro. Waxaan dhamaan magaalooyinka waaweyn ee Etiyoobiya ku beermay Amhaaro qaarkood asal ahaan ka soo jeedin laakiin sheegtay si ay u helaan faa,iidooyin dheeri ah.

🟥Waxaa kaloo dhacay is dhexgal guur iyo mid diimeed. Waxaad arki Nin iyo xaaskiisa oo labada diimood kala haysta. Waxaad kaloo arki walaalo qaarna muslim yihiin qaarna kristaan.

🟥Waxaa abuurmay in lakala sareeyo amxaaradu waxay aamineen in ay yihiin dad xaga alle laga doortay oo shucuubta kale ee Etiyoobiyana yihiin adoon iyagu u shaqaysa sida aad ka dheehan karto vediowgan aan soo dhigi doono.

xili dhamaadkii Xayle Salaase waxaa bilaabmay doodo ku saabsan Ethiopiyaanimada, yaa ah Etiyoobiyaan, maxaa kala fadilay dadkan waxaana abuurmay kacdoomo iyo in lagu dhiirado doodahan ilaa ay burburto boqortooyadii Xayle salaase, wadankana shuuciyad la wareegto.

waxaan ku soo gabagabyni Xusuus qor uu sameeyay Alexander Bulatovich oo ahaa captan ruush lana shaqeynayay ciidamada Menelik ee ku duulay koonfurta Etiyoobiya , kaasoo ka xumaa xasuuqa loo geeysanayo dadkaas dhulkoodii nabada ku joogey ee iyagoon cidna dhibaataynin la laynayo:

Xusuus qor 23 April, 1898:
[H]ow many victims had the conquest of this land cost? It seemed to me brim-full of violence and injustice. Murder always remains murder for us what ever goal it may accomplish and it is especially immoral in relation to these peaceful, industrious people who never did harm to us, whose land we now take away by force, using the superiority of our weapons (Bulatovich, ([1898], 2000: 370).

la soco maqaalka dembe ee doodii Ethiopiyaanimada ee 70 yeedii ka socotay Ethiyoobiya buuralayda dhexdooda:




WQ, Cabdiraxmaan M. warfaa

10/03/2026

Xilih**e

06/03/2026

Calanka jwxo

05/03/2026

the struggle of the ONLF and sacrifices they went Through in their fight to free their country and their people is not to Reach the presidential seat only ti seamis now some people only they went to chaire.

Address

Mogadishu
2526

Telephone

+252612183342

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when OYSU office in Somalia posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category