03/04/2026
Ethiopia dib u milicsi taariikheed :Qowmiyadaha xoog lagu amxaareeyay lana bedelay Jinsiyadoodii, dhaqankoodii, diintoodii iyo luqadoodii:
Etiyoobiyada aynu naqaano maanta wa mid ku dhisantay dhul balaadhsi, xasuuq, dil, barakicin, diin iyo dhaqan gedis, is adoonsi iyo kala sarayn. aynu eegno afartii boqor ee u dambeeyay.
1️⃣ Thodre wuxuu qaatay inuu cidhib tiro cid kasta oo haysata diinta islaamka wuxuuna ka dhigay muslimiinta Wollo, Yejju iyo Raya wax u dilay, wax uu xasuuqay iyo wax baxsaday.
2️⃣Boqorkii Yohaness wuxuu isagu qaatay talaabo ka duwan tii Thodre taas ah muslimiintii degeneyd woqooyiga kala dooran siiyay in ay qaataan diinta kristaanka ama ay ka qaxaan deegaamada ay degen yihiin.
🟥Yohaness wuxuu soo saaray 1878 degreeto boqortooyo uu ku amrayo muslimiinta in ay noqdaan kiristaan si ay nabad ugu noolaadan hantidooduna u badbaado. Go,aanka boqorku wuxuu u dhigna sidan ( ‘Now let all, whether Muslim or Galla [pagan] believe on the name of Jesus Christ! Be baptized! If you wish to live in peace preserving your belongings, become Chris tians’ (Caulk, 1972: 24).)
Qaar badan oo ka mid ahaa madaxdii wollo, Raya iyo Yejju waxay qaateen diinta kristaanka cabsi daraadeed. Qaar badana waxay u qaxeen Suudaan halka qar kale u qaxeen imaaradihii muslimiinta ee Jima, Harar iyo Guraagada.
3️⃣Menelik Wuxuu qaatay siyaasada amxaareynta, kristaaneenta iyo is dhex galka. Wuxuu soo saaray digreetooyin in Diinta kristaanku noqoto diinta rasmiga ee Etiyoobiya, in meel kasta oo la qabsado iyo magaalo kastaba laga dhiso kaniisado, in lagala fadilo dadka ku hadla luqada amxaariga iyo dadka ay ka muuqato dhaqanka amxaarada iyo qowmiyadaha kale. In la ihaaneeyo lana fogeeyo cida aan ahayn maxaaro ama aan kristanka ahayn.
Siyaasadani waxay keentay in dad badan ay amxaarobaan,bedelaan magcyadooda tusaale ahaan:
🟥 sida socdaale Igiriis ahi sheegay mar uu booqsho ku tegey Galla wuxuu sheegay in ku arkay isbedel aad u weyn oo xaga dhaqanka ah waxaa xukumey hogaamiyo la dhaho Gumsa markii abaasiiniyadu qabsatay wuxuu qaatay orthedeksa waxaana loo bixiyay Gebre Egzabhier.
🟥Tusaale kale wolle 1986 waxaa socdaalk tegey nin Ingiriis ah wuxuuna la kulmay dhalinaro rabay in ay Kristaan noqdaan, markuu weydiiyay sababtana waxay ku dhaheen waxaanu rabnaa in si wanaagsan woqooyigu ( abaasiinyadu) noola dhaqmaan.
🟥sida ay soo wariyeen socdayaal Talyani, Faransiis iyo Ingriis ah 1904 waxay sheegeen in Gofa , kafa oo ahaa dhulkii uu Menelik xooga ku qabsaday, gumaadka xunina ka dhacay ay masuuliyiintii xukumaysay ka tageen labiskoodii hidaha iyo dhaqana ahaa ayna xidhnaayeen dharkii amxaarda.
4️⃣Xayle Selaasana siyaasadii Menelik ayuu qaatay, waxaana bilaabantay:
🟥 in qoysas badan oo muslimiin aha ay bedelaan magacyadooda, sheegtaan in ay yihiin Amhaaro. Waxaan dhamaan magaalooyinka waaweyn ee Etiyoobiya ku beermay Amhaaro qaarkood asal ahaan ka soo jeedin laakiin sheegtay si ay u helaan faa,iidooyin dheeri ah.
🟥Waxaa kaloo dhacay is dhexgal guur iyo mid diimeed. Waxaad arki Nin iyo xaaskiisa oo labada diimood kala haysta. Waxaad kaloo arki walaalo qaarna muslim yihiin qaarna kristaan.
🟥Waxaa abuurmay in lakala sareeyo amxaaradu waxay aamineen in ay yihiin dad xaga alle laga doortay oo shucuubta kale ee Etiyoobiyana yihiin adoon iyagu u shaqaysa sida aad ka dheehan karto vediowgan aan soo dhigi doono.
xili dhamaadkii Xayle Salaase waxaa bilaabmay doodo ku saabsan Ethiopiyaanimada, yaa ah Etiyoobiyaan, maxaa kala fadilay dadkan waxaana abuurmay kacdoomo iyo in lagu dhiirado doodahan ilaa ay burburto boqortooyadii Xayle salaase, wadankana shuuciyad la wareegto.
waxaan ku soo gabagabyni Xusuus qor uu sameeyay Alexander Bulatovich oo ahaa captan ruush lana shaqeynayay ciidamada Menelik ee ku duulay koonfurta Etiyoobiya , kaasoo ka xumaa xasuuqa loo geeysanayo dadkaas dhulkoodii nabada ku joogey ee iyagoon cidna dhibaataynin la laynayo:
Xusuus qor 23 April, 1898:
[H]ow many victims had the conquest of this land cost? It seemed to me brim-full of violence and injustice. Murder always remains murder for us what ever goal it may accomplish and it is especially immoral in relation to these peaceful, industrious people who never did harm to us, whose land we now take away by force, using the superiority of our weapons (Bulatovich, ([1898], 2000: 370).
la soco maqaalka dembe ee doodii Ethiopiyaanimada ee 70 yeedii ka socotay Ethiyoobiya buuralayda dhexdooda:
WQ, Cabdiraxmaan M. warfaa