13/09/2026
Hambalyo, Hambalyo, Hambalyo!
Waxaan halkan hambalyo iyo bogaadin uga diraynaa walaalkeen Korneyl Khaalid Ciidow oo loo magacaabay Taliyaha NISA ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, iyadoo magacaabista uu sameeyay Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad.
Korneyl khaalid ciidow ayaa h**ey uga soo shaqeeyay xilka Agaasimaha Xarumaha Dowladda ee NISA, waxaana maanta mar kale loogu aaminay xilkan muhiimka ah.
Waxaan Alle uga baryeynaa inuu xilka cusub u fududeeyo, una waafajiyo gudashada waajibaadkiisa, isla markaana uu ugu adeego dalka iyo shacabka Soomaaliyeed si hufan oo daacadnimo leh.
Hambalyo Korneyl Khaalid Ciidoow. Guul iyo gobannimo ayaan kuu rajaynaynaa.