27/06/2025
WARCUSUB: Waxaa cabasho iga soo gaartay dhalinyarada booliska ah ee ku xaraysan dugsiga Carmo ee gobolka Bari kuwaas oo tabasho iyo dayac ku qaba dugsigga ay ku xeraysan yihiin.
Dhalinyarada ayaan ka qoray liiska waxyaabaha ay tabanayaan, si loo gaarsiiyo taliska ciidanka booliska, maadaama saraakiisha dugsigaas haysata iyo dadka kale ee loo xilsaaaray ay ka hoos-qaadi waayeen, waxayna ka cabanayaan:-
1: Mudo 7 bilood ah oo ay xeraysan yihiin waxay sheegeen inay mushahar heleen 1 bil oo keli ah.
2: Adeega caafimaadka wixii dhaafsiisan Panadol waxa uu qofka wacanayaa ehelkiisa.
3: Xaga aradtirka iyagga ayaa isku qaba oo iska bixiya.
4: Balan-qaadyo tira badan oo loo sameeyay, dhamaantoodna looga baxay taas oo ay ugu danbaysay in ciidkii Carafo la fasaxay, loona sheegay in lacag mushahar ah oo ciidka laga soo daba-diri doono, qaarkood oo rajadaas qaba ayaa xaasaskooda iyo qoysaskooda safaro dhaadheer u gallay, ilaa hadana wax mushahar ah looma dirin.
Dhalinyarada dugsigga ku jira ee loo diyaarinayo booliska cusub ee Puntland ayaa wajahaya niyad-jab la xariira rajadii ay qabeeen markii ay booliska ku biirayeen. Waxay taliska ciidamada booliska ku eedaynayaan hagrasho iyo inaysan helin mudnaantii ay lahaayeen maadaama ay u badan-yihiin dhalinyaro jaamacado ka baxay oo qaarkood xataa shaqooyin kale kasoo taggay maadaama ay ciidanimada jeclaayeen.