Ugaas Axmed Ugaas Aadan Ugaas Faarax

Ugaas Axmed Ugaas Aadan Ugaas Faarax Page Ugaas Axmed

Alxamdulillaah, waxaa sharaf iyo farxad weyn ii ahayd inaan si rasmi ah uga qeyb galo xafladda gunaanadka iyo qalin-jabi...
05/07/2026

Alxamdulillaah, waxaa sharaf iyo farxad weyn ii ahayd inaan si rasmi ah uga qeyb galo xafladda gunaanadka iyo qalin-jabinta Dufcadda 2-aad ee مؤسسة الفاتح للعلوم الشرعية, taas oo ka dhacday Degmada Baxdo (2025/2026 – 1447/1448).
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan ardayda qalin-jabisay. Waxaan Alle uga baryayaa inuu cilmigiinna idiin barakeeyo, idiinkana dhigo kuwo cilmigooda ugu adeega diintooda, dalkooda, iyo bulshadooda.

Ciidul Adxaa Mubaarak!Ilaahay ha inaga aqbalo acmaasha, hana inagu gaarsiiyo ciiddan iyo kuwo kale annagoo caafimaad qab...
26/05/2026

Ciidul Adxaa Mubaarak!

Ilaahay ha inaga aqbalo acmaasha, hana inagu gaarsiiyo ciiddan iyo kuwo kale annagoo caafimaad qabna.

🌙✨ Ciid Mubarak ✨🌙Waxaan hambalyo diirran u dirayaa dhammaan ummadda Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan gaar ahaan uma...
19/03/2026

🌙✨ Ciid Mubarak ✨🌙
Waxaan hambalyo diirran u dirayaa dhammaan ummadda Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan gaar ahaan umada soomaliyeed. Ilaahay ha inaga aqbalo soonkii, salaaddii iyo camalkii wanaagsan ee aan soo gudanay bisha barakeysan.
Ciiddaan ciiddeeda kale ku gaara bashbash, nabad, caafimaad iyo barwaaqo.
🎉 Ciid Mubarak dhammaantiin! 🎉

بسم الله الرحمن الرحيمBishan barakeysan ee Ramadaan waa bil naxariis, iscafis iyo isu naxariisasho. Waa waqti aan ku xus...
20/02/2026

بسم الله الرحمن الرحيم
Bishan barakeysan ee Ramadaan waa bil naxariis, iscafis iyo isu naxariisasho. Waa waqti aan ku xusuusanno qiimaha walaalnimada, sabirka iyo garab istaagga dadka tabaaleysan.
Maanta umaddeenna Soomaaliyeed waxay wajahaysaa abaaro culus oo saameeyay noloshii dadka iyo duunyada. Hooyooyin iyo carruur ayaa biyo iyo cunto la’aan la ildaran, halka xoolihii ay ku tiirsanaayeen ay dabar go’ ku dhow yihiin. Tani waa imtixaan Alle inooga yimid, balse sidoo kale waa masuuliyad ina wada saaran.
Aan Ramadaankan ka dhigno mid aan ku muujinno naxariis dhab ah – aan is garab istaagno, wixii aan hayno aan wax ka wadaagno, aan u duceyno walaalaheenna dhibban, kuna dadaalno midnimo iyo nabad.
Ilaahayow roob khayr leh na sii, abaaraha naga dulqaad, qalbiyadeennana midee. Dadka dhibaataysan u fududee, umaddeennana ku astur nabad iyo barwaaqo. Aamiin.
Ramadaan Kariim 🌙

Dhammaan Ummadda Muslimka ah, gaar ahaan Ummadda Soomaaliyeed waxaan ugu tahniyadaynayaa bilashada bisha barakaysan ee R...
17/02/2026

Dhammaan Ummadda Muslimka ah, gaar ahaan Ummadda Soomaaliyeed waxaan ugu tahniyadaynayaa bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan.

Fadliga bishan annagoo ka faa'iidaysanayna waxaan is xasuusinaynaa innaan badinno Cibaadada, kaalmaynta dadka dan’yarta ah.

Ramadaan Kariim.

Asc Habeen wanagsan qaraabo dhamaantiin meelkasto aad joogtan.
01/02/2026

Asc Habeen wanagsan qaraabo dhamaantiin meelkasto aad joogtan.

Address

Mogadishu
252

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ugaas Axmed Ugaas Aadan Ugaas Faarax posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category