21/11/2025
JAANISKAAGII WUU YIMID
Xarunta Afafka Qalaad ee ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (Center for Foreign Languages at SNU) waxay qaadanaysaa fasallo cusub oo ah "English Skills Program", kuwaasoo bilaaban doona bisha Diseembar.
Barnaamijkan waxaa loogu talaggalay ardayda doonaysa inay horumariyaan xirfadahooda afka Ingiriiska ee:
Kuhadalka (speaking),
Dhegaysiga (listening),
Akhriska (reading),
Qoraalka (writing),
Inta lagu jiro koorsadan, waxaad ka faa-iidaysan doontaa oo aad la kulmi doontaa macallimiin khibrad sare u leh baridda afka Ingiriiska kuwaasoo kuu hagi doona qaab casri ah oo wax ku ool ah.
Isdiiwaangelintu way furantahay!
Soo booqo Xarunta Afafka Qalaad oo ku taalla xarunta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee KM4 si aad isu diiwaangeliso oo aad u hesho xog faahfaahsan oo ku saabsan jadwalka iyo heerarka kala duwan ee koorsada, talabixin ku saabsan heerkaaga luqadeed, qiimaha iyo fursadaha isqorista.