CDM Media

CDM Media CDM Media

Ninkaan iyo Xasan waxa ay isu jiraan inta cirka iyo dhulku isu jiraan. Xasan, waa nin oggol in laga horyimaaddo, lala do...
27/02/2026

Ninkaan iyo Xasan waxa ay isu jiraan inta cirka iyo dhulku isu jiraan.

Xasan, waa nin oggol in laga horyimaaddo, lala doodo, wax na lagu diido.
Deni waa kelitalis aan xammil u lahayn kala aragti duwanaanta.

Xasan waa nin aan mucaaridka hub kala hortegin, dhammaystirka dastuurka na halqof aan wax u yeelin, beddelkeeda Deni waxa uu Garoowe ku dilay 60 qof si uu dastuurka PL wax uga beddelo.

Xasan, waa nin cid walba albaabkiisu u furanyahay. Dood, isqancin iyo wadahadal na oggol, dhinaca kale, Deni waa ninka keliya ee aan cid arki kartaa jirin, Garoowe na inta qol isku soo xidho bil dhan la raadiyo.

Madaxweyne Hassan Sheikh iyo Team Mucaarad
22/02/2026

Madaxweyne Hassan Sheikh iyo Team Mucaarad

22/02/2026

Villa Somalia shirka Golah mustaqbalka Somalia iyo Dowalaad dhexe

20/02/2026

Qaramada Midoobay oo ku baaqday in is-afgarad lagu dhameeyo shirkii Dowladda Federalka iyo Golaha Mustaqbalka uga bilowday Muqdisho.

Hawlgalka Kaalmo-siinta Ku-meel-gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) ayaa sheegay in kulanka Muqdisho dhex maray Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka uu ahaa tallaabo wax ku ool ah oo loo qaaday dhinaca xallinta ismari-waaga daba dheeraaday ee doorashooyinka.

Dowladda Iiraan ayaa warqad rasmi ah u dirtay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres, iyadoo ka digtay caw...
20/02/2026

Dowladda Iiraan ayaa warqad rasmi ah u dirtay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres, iyadoo ka digtay cawaaqib halis ah oo dunidu galayso haddii weerar lagu qaado.

Warqadda Iiraan ayaa lagu yiri “Haddii nala soo weeraro, dhammaan saldhigyada, xarumaha iyo hantida ciidan ee xoogga cadawga ah ee ku sugan gobolka waxay noqon doonaan bartilmaameed sharci ah, iyagoo qayb ka ah jawaabta difaaca ee Iiraan.”

Iiraan waxay intaa ku dartay, “Maraykanka wuxuu qaadi doonaa mas’uuliyadda buuxda oo toos ah ee dhammaan cawaaqibka aan la saadaalin karin isla markaana aan la xakameyn karin ee ka dhalan kara jawaabcelinteena.”ayaa qoraalka Tehran lagu yiri.

Macnaha Siyaasadeed
• Tani waa digniin toos ah oo heer caalami ah oo ka timid Tehran.
• Iiraan waxay caddeyneysaa in dagaal kasta uusan ku ekaan doonin hal goob, balse uu saameyn doono dhammaan saldhigyada Maraykanka iyo xulafadiisa ee gobolka.
• Hadalka “unpredictable and uncontrolled consequences” wuxuu tilmaamayaa ballaarin colaadeed oo ka gudbi karta xuduudaha Iiraan.

18/02/2026

Afur wangsan

XALANE: Golaha Mustaqbalka ayaa galabta yeelanaya shir gaar ah oo ay kaga arrinsanayaan go’aannada doorashada iyo dastuu...
18/02/2026

XALANE: Golaha Mustaqbalka ayaa galabta yeelanaya shir gaar ah oo ay kaga arrinsanayaan go’aannada doorashada iyo dastuurka dalka, kaddib markii shalay uu Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud ku adkeeyey in wada-hadalladu ka qabsoomaan Villa Somalia.
Wararka laga helayo dhinacyada ayaa sheegaya in arrintaas aan la diidin, kaddib markii Madaxweynuhu oggolaaday in si toos ah loo guda-galo doodaha ku saabsan nooca doorasho ee dalka ka dhici kara. Mas’uuliyiin ayaa sidoo kale tilmaamay in shirka ugu horreeya la filayo inuu Khamiista ka dhaco Madaxtooyada Qaranka.
Dhinaca kale, maamulada Puntland iyo Jubbaland waxay qabaan in muddada kooban ee hadhay lagu gaari karo keliya doorasho dadban oo la mid ah tii 2022, halka madaxda Dowladda Federaalka ay doorbidayaan doorasho qof iyo cod ah.
Waxaa sidoo kale jira siyaasiyiin kale oo soo jeediyey qaabab doorasho oo ka horumarsan kuwii h**e, kuwaas oo ay ku jiraan xubno ka tirsan Madasha Samatabixinta.

Mohamed Yusuf Cabdile News

Ramadan karm All muslim in The 🌎 and in Somalia
17/02/2026

Ramadan karm All muslim in The 🌎 and in Somalia

Soomaaliya mar h**e ayay si rasmi ah ugu biirtay Bulshada Bariga Afrika (EAC), balse hadda waxaa la soo bandhigay baasab...
17/02/2026

Soomaaliya mar h**e ayay si rasmi ah ugu biirtay Bulshada Bariga Afrika (EAC), balse hadda waxaa la soo bandhigay baasaboorka cusub oo la jaanqaadaya heerarka iyo naqshadaha dalalka xubnaha ka ah EAC.

Tallaabadan cusub waxay muujinaysaa horumarka Soomaaliya ee dhinaca socdaalka, aqoonsiga muwaadiniinta, iyo isdhexgalka gobolka. Baasaboorka cusub wuxuu sahlayaa:
• Socdaal fudud oo dalalka EAC ah.
• Fursado shaqo iyo waxbarasho oo badan.
• Xiriir ganacsi iyo dhaqaale oo sii xoogeysanaya.

Soomaaliya waxay sii xoojinaysaa booskeeda Bariga Afrika, iyadoo la jaanqaadaysa horumarka iyo isdhexgalka gobolka. 🇸🇴🌍

16/02/2026
Tarique Rahman oo 60 jir ah ayaa ku guuleystay doorashadii u horreysay oo ka dhacday dalka  Bangladesh , kaddib markii k...
16/02/2026

Tarique Rahman oo 60 jir ah ayaa ku guuleystay doorashadii u horreysay oo ka dhacday dalka Bangladesh , kaddib markii kacdoon dhallinyaro oo ay billaabeen ardayda lagu beddelay nidaamkii kaligii taliska ahaa ee ay hoggaaminaysay haweenayda Sheekh Xasiina, isagoo noqonaya ra’iisul wasaaraha dalkaa , markii xisbiga qaran ee Bangladesh (BNP), ay ku dhawaaqeen inay ku guuleystay doorashada.

Rahman, oo ay iska dhaleen Zaiur Raxmaan oo soo noqday madaxweynaha Bangladesh oo toogasho lagu dilay sannadkii 1981 iyo hooyadii Khaalida Zia oo labo mar Ra’iisul wasaare ka noqotay Bangladesh, oo isbitaal ku geeriyootay bishii December,2025 ayaa dib ugu laabtay Bangladesh 17 sanno oo masaafuris uu ku joogay dibadda, markii xabsi uu ugu xirnaa nidaamkii Xasiina laga sii daayay,wuxuuna dib ugu laabtay Bangladesh markii isbeddelka uu ka dhacay.

Maxay ka dhigantahay doorashadan ?

Doorashadan waxay tilmaam u tahay sida bulshada ay dib gacantooda ugu soo celin karaan ayaahooda, haddii ay xataa ka hortagayaan nidaam awood leh , sida Sheekh Xasiina oo gacan adag ku heysay nidaamka Bangladesh. Dhallinyarada lagu yeero jiil Z , oo ay ardayda u horreeyaan ayaa ka kacay musuqa iyo ku takri-falka awoodeed ee nidaamka Xasiina , taa oo dhalisay inay isaga baxsato dalka.

Intaa ugama harin dhallinyarada waxay diideen inay cid kale si fudud xukunka gacantooda ugu dhaco, iyagoo xataa ka hortagay iskuday milatariga uu ku doonayay inay xukunka la wareegaan,markaa oo guddi ay dhallinyarada kacdoonka hoggaaminayay sameysteen ay u yeereen ganacsadaha Muhammad Yunus oo xilligaa dibad joog ahaa , si uu dalka doorasho u gaarsiiyo.

Waxa xigay xaaladan in xisbiga qaran ee Bangladesh (BNP) oo muddo 20 sanno ah siyaasadda Bangladesh ka maqnaa inuu dib usoo laabto, taa oo ay ka dhalatay doorashada dhacday inuu ku guuleysto Tarique Rahman, markii uu soo bandhigay qorshayaal la jaanqaadaya baahida dhallinyarada ay ka bannaanbaxayeen. Wuxuu ballanqaaday inuu dastuurka ku dari doorano labo muddo xileed ka badan inan la qaban karin xilka Ra’iisul wasaaraha oo ah jagada ay awoodda ku aruursantahay, waxaa kaloo uu soo bandhigay qorshayaal sharraxaad cad leh oo uu sheegay inuu wax kaga qabanayo horumarinta wax soo saarka gudaha , si dhaqaalaha Bangladesh uu noqdo mid ka mid ah kuwa ugu sarreeya koonfurta Aasiya iyo taageerro la siinayo qoysaska saboolka ah si dadka Bangladesh ay uga soo kacaan xariiqda saboolnimada. Arrimahan kale ee waxtarka ah oo si faahfaahsan uu usoo bandhigay waxaa ka mid ah siyaasadda arrimaha dibadda inay noqonayso mid ku dhisan danaha Bangladesh, oo meesha laga saarayo siyaasad ku tiirsan Hindiya , taa oo dhalisay in doorashadiisa hambalyo ka hesho Pakistan iyo Mareykanka.

Waxaa lagu sheegay doorashada Bangladesh, mid taariikhi ah , sabab la xiriirta sida doorashadan ay tusaale ugu noqotay inay dadweynaha badbaadin karaan qarankooda,waxayna dadka Bangladesh iyagoo aan sugin beel caalam iyo siyaasiyiin danahooda ka hormariya tan qaranka u kaceen oo ay adkeysi u yeesheen dhimasho kasta oo ay la kulmeen , illaa ay xaqiijiyee aayaha qarankooda inay gacanka ku dhaliyaan. Tan oo ah wax ku filan bulshada Soomaalida ee ku jira wareeg dheer oo aan isbeddel lahayn oo ka dhalanaysa dalka inuusan lahayn shuruuc gacmaha qabata hoggaamiyeyaasha oo ay weheliso inaysan jirin cid xambaarsan qarshayaal qaran oo baahiyaha dalka la jaanqaadaysa inaan xukunka lagu simin, sabab la xiriirta hoggaamiyeyaasha Soomaalida waxay soo bandhigaan ballanqaadyo afka barkiis ah oo aan lahayn qorshayaal , mana jirto falcelinta bulsho oo xafiisyada musuqa , ku takrifalka iyo awood ku dhaqanka caadeystay ay u welwelayaan, taa oo dhalisay nidaam kasta inuu waqtigiisa ku qaato iyadoo wax walba si gaabis ah ay ku soconayaan illaa hadda faragelinta dibadda ay noqotay mid ka soo tagtay waraaq oo joogitaan milatari isku beddelaysa, taa oo tilmaam ka bixinaysa sida madax bannaanida iyo jiritaanka qaranka uu halis ugu jiro. Ummadaha iyagoo doorta ku dhex jirka burburka iyo ku noolashaha qaran sharaf leh oo ka dhalan kara marka dadku fahmaan inaysan jirin cid meel kale uga imaanaysa oo u dhiseysa qaran awood leh.

Madaxweyne Cirro ayaa amar Madaxweyne ku mamnuucay dhammaan Xafladaha, Munaasibadaha iyo Barnaamijyada Abaal-marinta Sha...
16/02/2026

Madaxweyne Cirro ayaa amar Madaxweyne ku mamnuucay dhammaan Xafladaha, Munaasibadaha iyo Barnaamijyada Abaal-marinta Shaqaalaha Dawladda, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 15-ka Feb 2026, ilaa amar dambe laga soo saaro.

Go’aankan waxa uu Madaxweynuhu u qaatay isaga oo tixgelinaya Xaaladaha Abaaraha ba’an ee ka jira qaybo badan oo ka mid ah dalka, kuwaasi oo si muuqata u saameeyey nolosha iyo dhaqaalaha bulshada Jamhuuriyadda Somaliland Somaliland.

Address

Benadir Regional
Mogadishu
NOTPOSTCODE

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when CDM Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category