Abdirisak Ali

  • Home
  • Abdirisak Ali

Abdirisak Ali Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Abdirisak Ali, Real Estate, .

16/03/2023

Malin Wngsan

14/02/2023

Jamhuuriyada Barida Wayn Waatan Dadka Reer Sool Argagixisada Ku sheegaysee Iyagu Markay Hargaysa Kula Dagaalamaayeen Dawladii Milteriga Ahyd Ee Soomalia( Dawladii Kacaanka ) Ma Argagixiso Bay ahaayeen Ilaa Iyaguba way Soo Mareen Dagaal kan La mid ah ?

Guul: SSC Down: Jam. B. Wayn

Markay ciidamada xaq udirirka ah iska caabiyeen waxay rabaan inay ku ciil baxaan maatada iyo Guryaha.Garaad Cabdullaahi ...
13/02/2023

Markay ciidamada xaq udirirka ah iska caabiyeen waxay rabaan inay ku ciil baxaan maatada iyo Guryaha.

Garaad Cabdullaahi Garaad Saleebaan ayaa hadda hadlay.

Bidhaan Media

05/11/2022

Depression ama isku buuqu waa xaalad nafsi ah oo qof walba ku dhici karta lknse ka dabaalashada ayaa lagu kala duwan yahay dadka qaar anfariir baa u raaca ama waxa afka qalaad lagu yidhaahdo "panic" kaas oo dhamaanba ka leexinaya qofka inuu dhiiranaado ama wajaho(focused) arimaha markaa uu tabanayo.

Haddii aad xaaladan mar uun la Kulanto ama aad ku jirtaba qodobo dhowra ayaan tallo ahaan kuu siin lahaa

1. Illaahay isku xidh.
2. Naftaada ogow inaad keligaa masuul ka tahay ma jiro hal qof waalidkaana dhahoo oo kula dareemi kara waxa aad dareemayso waa adiga iyo naftaada xasuusnow inaad naftaada u tudho.
3. Aduunka ma jiro wax aan xalismin ta kale dhibta ku haysa ha buunbuunin kaliya intay tahay ku koob wlhi way dhamaanayaan wax walba oo aad ku gudo jirto kaliya is deji.
4. Caawimo hadaad rabto cid walba ha ka sugin cida ku caawinaysi ismaba qarisee hadaad weydana haba ku daalin waayo Illaahay kawnka dhan abuuray ayaad haysataa muxuu tari karaa ibnu aadam daciifa oo laga yaababa inuu isagiisan aad sugayso kaa sii liito.

Ugu danbayntii jeclow naftaada, la sheekayso, casuum oo keligeed gee meelaha aad jeceshay in cid ku geyso, xidho dharka aad jeceshay oo iska xaragoo, samayso walaal/walaashayey jawi aad farxad ku dareemayso jawiga aad cid uun ka sugto inay kuu samayso adigu samayso.

Wallaahu aclam.

Jidka Sodonka Magaalada Garowe
03/11/2022

Jidka Sodonka Magaalada Garowe

Garacad Port
03/11/2022

Garacad Port

Puntland oo Boocame dib ula wareegtay!Madax Puntland oo iskugu jira Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil Ciidan iyo maamulka ...
03/11/2022

Puntland oo Boocame dib ula wareegtay!

Madax Puntland oo iskugu jira Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil Ciidan iyo maamulka gobolka Sool ayaa gaarey degmada Boocame, halkaas oo maalmo kahor Somaliland ciidamo gaysey.

Puntland ayaa qorshenaysa sidii gacan-buuxda ay ugu qaban lahayd Boocaame oo marar kala duwan ay gaareen ciidamo Somaliland katirsan.

Degmadaan waxay kamid tahay meelaha Puntland la sheegay in laga qabayo doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee qof iyo cod.

29/10/2022

INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN allh how naxariisto intii ku dhimaday intii ku dhaawacantayna caafimaad deg deg ah baan rabi uga baryayna qaraxyadii is xig xigay ee maantay nabad diidku ka gaysteen magaalada muqdisho.
Falkii maantay ka dhacay magaalada muqdisho oo lagu gumaaday dad aan waxba galabsan
Waxa uu soo gaabin doonaa ama soo afjari doonaa nolosha kuwa nabad diidka ah ee caadaystay dhiiga shacabka somaliyeed.
Hana loo koco Shacab iyo dawladba sidii logu soo afjari lahaa waqti gaaban kooxda yar Ee Ugus.

Balanteenu waa inagoo ku soo biirna halkanka dalka dib loogu xoraynaayo laguna Gumaadaayo kooxda ugus.
Halganku haduu labo lixaadsaday

15/10/2022

Makhrib wanaagsan

29/08/2022

Ku soo dhowoòw pagekeena

18/08/2022

Dabkaan ayaa ka kacay Deeganka Dhaxan oo hoostaga Degmada Qardho

18/08/2022

Madaxweyne Deni waxaa ka go’an inuu wax ka bedelo nidaamka siyaasadeed ee Puntland.
Garoowe (PP) ─ Muddo ku dhow hal sano kaddib markii ay Dowladda Puntland ku guuleysatay inay doorashooyin heer deegaan ah ka qabsoonto saddex degmo oo loo qoondeeyay, ayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta waxay shalay daahfurtay hindise lagu xoojinayo Ururrada Siyaasadda. Xarunta horumarinta cilmi baarista Puntland iyo xarunta Oslo ayaa si wada jir ah u kormeeri doona hindisaha uu ku tilmaamay wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad in ay qeyb ka tahay in ay naga go’an tahay in Puntland ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa todobaadkii h**e isugu yeeray shir-madaxeedkii ururada siyaasadda, waxaana uu dajiyey qorshaha in si buuxda loo daadejiyo awoodaha degmooyinka iyo tuulooyinka, si shacabka ay u doortaan xildhibaanada iyo Madaxweynaha marka la gaaro Janaayo 2024. Nidaamka siyaasadeed ee Puntland ee hadda jira wuxuu siinayaa madaxtooyada siyaasad aan lala xisaabtamin. xilka loo igmaday oo xildhibaanku aanu u shaqaynayn danta deegaanka uu isagu magacaaban yahay ee ay tahay hay’adda fulinta ee dawladda oo iyaduna gacanta ku haysa sharci-dejinta.

Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa shalay daah-furay hindise loogu magac daray ‘Xoojinta Ururada Siyaasadda Puntland’.
Ururada siyaasadeed ee Puntland ayaa barnaamijyadooda siyaasadeed ku salaynaya "Daadejinta iyo la xisaabtanka" si ay u hubiyaan in degmo kasta ay awood u yeelato in ay maamusho miisaaniyadeeda iyada oo loo marayo nidaam hanti-dhowr oo madax-banaan.

In kasta oo Puntland ay hormuud ka ahayd una ololaysay hirgelinta nidaamka federaalka ee heer qaran, haddana waxay ku dhaqmaysay qaab maamul-goboleed taasoo keentay dib-u-dhac siyaasadeed iyo mid dhaqaale. Ajendaha maamul daadejinta ayaa meesha ka saaraya doorka odayaasha ee soo dooranaya xildhibaanada ay u arkaan kaliya Madaxweyne xilka haya.

© xigasho Puntland Post, 2022

Address


Telephone

+252906081490

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdirisak Ali posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Abdirisak Ali:

  • Want your business to be the top-listed Realtor/realty Service?

Share