14/12/2025
Jilaaga iyo lagdamaaga reer Maraykan ciyaarana cayaarta WWE John Cena ayaa habeenkii sabtida ku dagaalamay (kulagdamay) magaalada Washington dagaalkii ugu dambeeyay ee 16-kii ciyaar ee uu ciyaaraha ka fadhiistay, isaga oo soo afjaray waayihiisa ciyaareed ee 24-sanno oo loo arkayay mid ka mid ah xiddigaha ugu waaweyn ee legdinta ee ciyaarta WWE.
48-jirkan ayaa ku dhawaaqay inuu shaqada ka fariistay bishii Luulyo 2024, isagoo u sheegay taageerayaashiisa waqtigaas in "jidhkiisa uu xanuunayo" uuna "soo gaba gabeeyay hadalkiisa asagoo oynaayo".
Si kastaba ha ahaatee, waxaa la xaqiijiyay inuu ka sii mid ahaan doono qoyska WWE, ka dib markii uu saxiixay heshiis shan sano ah oo ah inuu noqdo safiir.
Taageereyaasha ayaa Cena u sacab tumay dhamaadkii ciyaartii sabtida,waxana uu ka baxay masraxii,waqtigii u dambeeyay,ayadoo sacab sare ah lotumay fadhigana looga kacay.