Wehelka Nolosha

Wehelka Nolosha Informações para nos contatar, mapa e direções, formulário para nos contatar, horário de funcionamento, serviços, classificações, fotos, vídeos e anúncios de Wehelka Nolosha, Agência imobiliária, SP-062, Barranco, Taubaté/, Taubaté.

Su . aalQofka  Marki ladhaho Ma ficanthy  ?Mexe u yirahdan waa Ficanahay !!Ayaga Anan ficnen oo Dhibaato iyo Murugo bada...
26/03/2024

Su . aal

Qofka Marki ladhaho Ma ficanthy ?

Mexe u yirahdan waa Ficanahay !!

Ayaga Anan ficnen oo Dhibaato iyo Murugo badan hestan

Markaan adi kuu darsado  Kutebo awgaa damqado Indhaho ilmo daadiyaanAgtayda hareerta dayoAyaan dib usii naxaaWehelka Nol...
26/03/2024

Markaan adi kuu darsado

Kutebo awgaa damqado

Indhaho ilmo daadiyaan

Agtayda hareerta dayo

Ayaan dib usii naxaa

Wehelka Nolosha

Mahdiya iyo Maajid 💍❤️part:11 (Sheeko Jaceyl ah) Madiya Guriga Waxay Timid iyada oo Happy Ah, Faraxsan Oo jawi Fiican  S...
07/11/2021

Mahdiya iyo Maajid 💍❤️part:11

(Sheeko Jaceyl ah)

Madiya Guriga Waxay Timid iyada oo Happy Ah, Faraxsan Oo jawi Fiican Soo Qaadatay, Markay Sida u Timid ayay Hooyadeed Aragtay, Hadal Ayaa Laga Hor Geyay Xage Tagtay caawa, oo aad u Labisan tahay, Markas Ayay Dhahday Xaflad Ayan Qabtay, Markas ayay Hooyadeed ku Tidhi Oo Asad Maxaad U sii Wadan Wayday, Oo U Kaxaynsan Wayday,
Waxay tidhi Mahdiyi, Oo Xaflad Hablo Kaliya Ayay Ahayd, Oo Wiil Looma ogolayn.

Hooyadeed Hadalkii Run Ayay Moodoy, Way iska Aamustay Mahdiya Qolkeedii, ayay Gashay Kadib Maajid ayay Wacday, Iyado waydinaysa inuu Nabad Tagay, Haa wan nabad tagay ayuu dhahay Anaa ku soo wacaya inyar I sug, Okay ayay tidhi,

Asad ayaa wuxu is waydiinaya Labadan Hablood Ee Walalaha ah mid walba dhaqankeeda wuu Arkay Intu Joogayna, imtixaan Ayuu ka Qaadayay wuxuna arkay Marwa In Ay Ku Haboon Tahay inu Guursado, Iyada ayaa isaga soo Jiidatay, Mahdiyana Wuxuu ka dareemay Inay Qof Jeceshahay, Oo Anay Isaga Wakhti yar siinin, Oo Mar walba iska Fogaynayso.

Marwa Iyaduna Caawa Dadka Fikiraya Ayay ku jirtaa, Waxa Jiray Wiil Ay Wada Sheekaysan Jireen, Oo Ka Dhintay Marwa Sanado Ayay Qalpiga Ka Bugtay, oo Iyada Mar walba Qaada Heesta ( Kaan Aamine Aan Eegan Jiray Layga Oofsado Wan Nacay Aduun Wan Oyaya Laymana Armaxo Wan Oyaya Laymana Armaxo )🥺😢😭.

Xaaladaa Iyada oo Soo martay Ayan Hadana Laga Dareemin, Oo Wajigeeda Xata Laga Fahmin, Dareenka Xanuunka Badan ee iyadu Soo Martay Ayaa Manta Asad Qalpigeedu Ku Yar Qaboobaya,Hadana Maxay Kugu Taala Wiilkan Walalshed ayaa lala doonaya iyadna waxay isleedahay Malaha Nasiib Ma lihi.

Maajid wuxuu soo Wacay Mahdiya Wuxuu ku idhi Caawa La Kulankaagii Aad Ayuu I Badalay Damac Ayaa i galay ee waxan Raba Haday Macquul Tahay Ina Xidhiidh/xiriir /Sameyno Mahdiya Hadalka muday Sugaysay, Ileen Way Jeceshahay maajide Niyada ayay su’aalo iska waydiisay tolow maku adkaysa yaanu ku fahmine Mise wad iska ogolataa, markiiba Maajid ayaa ku dhahay maxad la aamustay Hadal Khaldan Ma ku Dhahay.

Markas ayay tidhi May Hadal khaldan maha, Ee Ma Ka soo Fikira Arinkaas / Haa Ayuu Dhahay, Dag-dag Ma jiro xiliga jeceshahay ayad i Jawaabi Karta, Lakiin Kaliya Hayga diidin, arinkaas aan kuso bandhigtay Mahdiya hoosta ayay ka leedahay sideen ku diida Anaa ku Rabe hh, Waxay ku tidhi Markan Ka soo Fikiro Aana jawabta ku siin Oky Ayuu dhahay mar kuu mobilkii ka ka Dhigay ayay Halkan Farxad gashay iyada Rumaysan la arinkan Hadana waxay is leedahay yaan laga dareemin, oo Ku Yara adkee isaga.

Subaxdii Markii La soo Kacay Ayaa Hooyadii iyo marwa ayaa ka Soo Hor Kacay, Markas ayay Hooyadii tidhi Hooyo Tii mahdiya soo kici baryahan intay shaqada ka joogtay xili danbe ayay soo kacdaaye, marwa haye ayay tidhi qolkii waxay tagtay mahdiya, wayna kicisay Markay marwa soo noqotay ayaa waxa ka soo hor Baxay Asad, Subax wanaagsan ayuu ku dhahay, iyada wajigiisa fiirin karin ayay ku tidhi subax lamid ah, wayna iska soo dhaqaqday.

Markii la quracday Mahdiya Bananka ayay u baxday Asadna Kubad ayuu iska ciyaarayaa, marwana Guriga kor ayay saran tahay, oo Gym ayay sameynaysaa asad, Ku badii ayaa guriga kor uga dhacday U soo Koray Wuxu u imid marwa, oo Gym Iska Wadata, Markas ayuu ku dhahay kaalay ila ciyaar, Kubada markas ayay ku tidhi may ma jecli ee iga dhaaf, Lakiin u ku adkeeyay inay la ciyaarto, wayna ka ogolatay.

Cabaar Markay La Ciyaartay Ayay soo xasuusatay wiilkii H**e ee ay xidhiidhka la hayeen Isaga aya jecla kubada Markas ayay istagtay, asad ayaa ku dhahay maxa ku helay markaas ayay tidhi Waxba Kaliya Wan Daalay Oky, Kaalay Soo fadhiso ayuu dhahay, meel ayay fadhisteen Biyo Ayay Cabtay Markas Ayuu Dhahay Marwa Adiga Bananka Uma Baxdiid Ee Maxqa Guriga u Dhex fadhidaa, Markaas ayay tidhi, Waa runtaa ma baxo Waayo Niyadba uma Hayo Markaas ayuu dhahay Caawa Hadan Is raacno ka waran.

Markas ayay tidhi may Mahdiya Kaxayso Ani Banan iyo waxas ma rabe Wuxuu dhahay wax ku dhibaya miya jira, Markas ayay ku tidhi Warkas inaga xidh, oo ina mari guriga Sidii Ayay Ku soo Kacen Showerka Ayay Tagtay, Biyaha Ayay isku Furtay, Oohin iyo Xasuustii Jacaylkeedii h**e iyo kan imika ay dareemayso waxay is leedahay kana xata hadad hesho armu dhinta, Marmarka qaar wax walba wad ku fikiri.🥺

-La soco Qaybta:12

-Si aad u fahanto Nuxurka Qisadan dib u akhriso Qormooyinkii H**e ee aan soo dhigay .

-ku marti Qaad dhawr Qof oo asxaabtaada ah Qisadan mahadsanid.

me si aad u noqoto Qofka ugu H**eeya ee akhriya Qormooyinka aan soo qoro mahadsanid.

W/Q:muhannad Tahir...

Mahdiya iyo Maajid 💍♥️ Part:10 (Sheeko jaceyl ah) Asad Habeenkii oo dhan  Waxa La Yaab Ku Noqotay Mahdiya Siday U Tahay ...
05/11/2021

Mahdiya iyo Maajid 💍♥️ Part:10
(Sheeko jaceyl ah)

Asad Habeenkii oo dhan Waxa La Yaab Ku Noqotay Mahdiya Siday U Tahay Qof Adag, Oo Xitaa Hadal Dabacsan Lahayn iyo Marwa Siday U Tahay Qof Aad U Wacan, Oo Soo Jiidasho Badan / Ma Aragtan Asad Marwa Ayuu Damac ka Galee.

Subaxdii Hooyadii ayaa Soo Kacday Mahdiya ayay kicisay Kac Qureecda Diyaari Mahdiya kulaha Hooyo Ani Ma Awal Qureec Diyaarin Jiray, Hurda I Haysa i Daa Kuwa Guriga Jooga U Dir, Markas ayay Hooyadii ku tidhi naa bal xishoo oo aan kugu soo Noqdo adoo diyaariyay Hooyadii ayaa iska baxday, Mahdiya Ciil Hurda Haysa Qureec maba Diyaarin karto.

Lakiin Marwa Ayay u Yeedhay Kaalay Marway Walal Quraacda Iga Diyaari, hurdo ayaa i haysee Marwana Waba Inan Aad Baari U Ah, Haye Ayay dhahday, Iyada Diyaarisay Asad ayaa ku dhahay maku caawiyaa may ayay tidhi anaa ku filin Intan, Kadib Hooyadii Meeshi Cuntada Lagu Diyaarinayay ayay timid waxay aragtay inay diyaar tahay Waxayna Moodaysa inay Mahdiya diyaarisay.

Kadib Cuntadii Ayaa La soo Waday oo Qof walba wuu imid miiskii waxa la arkay, Mahdiya oo ka Maqan U Yeedh Ayaa Lagu Dhahay Marwa, markii marwi u tagtay way soo diiday anu hadhow ayan qureecanaya Ee iska cuna, ayay tidhi Markay marwi u sheegtay inay tidhi hadhow ayaan cuni waxay is tidhi Hooyadii wiilka idinla yaaba hadad isku Qaylidan haye ayay tidhi.

Waa Xili Galab Ah Jawigu Aad U Qurux u Yahay Meel Wada Dhiira oo Indhaha u fiican, iyo Asad Oo Isna Quruxda Meesha U Shiday, Oo Kubad ku Ciyaaraya Ayaa Marwa Indhaha ku dhufatay, Aad Ayay ula Dhacday Indhaheedu Waxay arkayaan Cabaar Ayay Dawasho Ku Jirtay Hal Mar Ayay isku Naxday iyado leh.

Maxan Sameenaya Wiilkan Waa Wiilka Walashay Guursan Rabo Maxa Iga khaldan, kadib Way Dhaaqaqday Halka iyo Qolka fadhiga ayay tagtay, tvga ayay iska shidatay Iyado Filim Jacayl ah iska Dawanaysa, Ayuu Asad U imid Markas ayuu Dhahay Kaliga miya iska Daawanaya, Isaga oo dhoola cadeynaaya, waana wiil iska kaftan badan, Marwana Waxay Tidhi Kubad ayad Ciyaaraysay Cidna Guriga ma joogto Cidlada ayan isku Dhaafinayay.

Markas ayuu dhahay Sorry Aniga ayaa jooga maha inad cidloto Imikana Anna Tvga Kula Dawanaya, Waxooga Marku Fadhiyay ayay ku dhahday Caffe iyo Salool ayaan inoo soo sameynayaa i sug oky ayuu dhahay Way u keentay Halkii ayaa sheeko iyo Tvga daawasho lagu jiray.

Mahdiya ayaa Guriga timid markay sida u soo gashay Kijada Ayay tagtay, Cabitan ayay sameysatay marwa u timid iyado leh haye drs ugu danbeyn wad timid, Haa Qaalidaydii wan imid, Lakiin Mad cidlotay Markas ayay tiri May Asad aya ila Joogay, markas ayay dhahday haa wanba ilaw sanaa inu wiilkas joogo wa si fiican.

Maajid ayaa soo Wacay mahdiya isaga oo Xasusi naya cawa inay balansan yihiin, markas ayay ku tidhi waan ogahay wan is diyaarin marka annaa ku soo wici, qolkeedii ayay tagtay Wixi dhar u yaalay ayay soo gurtay, kolba mid ayay isku eegtaa hadana mid kale ayay soo qada, markii danbe toob madow ah iyo sheelad Casan ama Guudud ah ayay Xidhatay, iyo kabo Cas, Make up iyo perfun ayay dhac isku siisay Iyada oo quruxdeeda mid kale ku darsatay oo masha Alla ah,

Maajidna Isna Sidii Boqorka Ayuu U soo Labistay, Gaadhigi ayuu Soo Kaxaystay Mahdiya ayaa soo wacday, markas ayuu Inyar ayn kuu soo jira ee diyaar ma tahay Haa ayay tidhi, Markii Uu Guriga Soo Gadhay ee ay Albaabka ka soo baxday Wuxu la Ashqararay Qabkay U Taal abuurtani Quruxda iyo Labiska Indhaha yaa diidaya in laga le xiiyo, markay Gaadhiga soo kortay Ayuu dhahay Doctoradu Cawa Aad Ayay u shidan Tahay, Yaah Markas ayay ku tidhi Mar walba Wan Ahay sidan, markas ayuu dhahay been maha wale.

Markii La imid Meshi La Rabay, Intuu Ka soo Dagay gaadhiga ayuu iyada ka furay albaabka, markas ayuu gacanta u dhiibay iyaduna iska may waaline way qabsatay, Miis aad u qurux badan oo la sii Sharaxay Ayuu keenay Markay Fadhisteen Ayuu dhahay Caawa Wan Kugu Dawakhay hhh Calashaan Quruxdaada, 🥰

-La soco Qaybta:11

-Si aad u fahanto Nuxurka Qisadan dib u akhriso Qormooyinkii H**e ee aan soo dhigay .

-ku marti Qaad dhawr Qof oo asxaabtaada ah Qisadan mahadsanid.

me si aad u noqoto Qofka ugu H**eeya ee akhriya Qormooyinka aan soo qoro mahadsanid.

W/Q:muhannad Tahir...

Mahdiya iyo Maajid 💍♥️ part:9(Sheeko jaceyl ah) Hooyadii ayaa  kacday Mahdiya, Oo Qolkeeda Iska Joogta ayay u soo Gashay...
04/11/2021

Mahdiya iyo Maajid 💍♥️ part:9
(Sheeko jaceyl ah)

Hooyadii ayaa kacday Mahdiya, Oo Qolkeeda Iska Joogta ayay u soo Gashay waxay ku tidhi Adi Maxaa Dadka u soo Dhex Gali Laadahay Ee Qolkan Uun Ku Dhex Dhigay, kaalay Wiilka Martida ah La Joog, Oo La Sheekayso Waxani Waa Ceebe Is Fur Fur Waliga sidan Miyaad Ragga Uga Carari markas Ayay Mahdiya Tiri Hooyo Maxan Ugu Sheekeya Aniga Wad Ogtahay Wiil Ilama Dhalan Oo Lama Qabsan Wiil iyo waxaas Aabo hala Sheekaysto

Maxa 😏 Hooyadii ayaa Hadana Ku Tidhi Quruxlaydii Aan Dhalay Waxaas Intaad Iska Dhaafto Caawa Bananka U kaxee, Oo Dareensii In La Joogisteena uu ina joogo Lagu Faraxsan Yahay.

Mahdiya Yaab! Hadana Hadalka Hooyaded Ma Diidi Karto, Markas ayay ku tidhi Haye Anaa Cawa Bananka Gayn Hooyadii Haye wad Ducaysan Tahay Inantaydii, Way iska Soo Baxday Kadib Mahdiya Ciil Ayaaba Haya Ninkii Ay jeclayd ayayna meel u raacin oo xataa u sheegan kari ladahay Markas ayay wiil kale lagu leeyahay Wakhti sii. 🤦🏻‍♀️

Markii Ay Habeen Noqotay Ayay Mahdiya Is diyaarisay Kadib marwa Ayay Ku tidhi Asad u sheeg inan Diyaar ahay soo bax ku dheh, Haye marwana Sidii ayay sameysay Mahdiya, oo Guriga Banankiisa ku sugaysa Ayuu soo baxay Wayna is raacen, Markii ay dhexda sii socdeen Ayuu ku dhahay.

Markad Ciyaalka ahayd Qof Aad u kaftan badan ayaad ahayd, oo Naxariis badan, Marks ayay ku tidhi Wali wan naxariis badaney ee imika Waa La Waynaday oo hadalkii badnaa ma jiro, markas ayuu dhahay Haa Waa runtaa ee Lakiin Quruxdii ayaa ku sii siyaaday Markaas ayay ku tidhi adi Sidii Yarantaadi Ayd u Hadal badan tahay.😄

Hotel Dhalinyaradu ku Caweyso Ayay imadeen Markay Miiskii Fadhiisteen Ayay Mahdiya ku tidhi Haye Jawiga ka waran wuu Qurux badan Yahay ayuu idhi, Ee su.aal ma kuu waydin kara Haa soo daa ayay tidhi, Wuxu ku dhahay Ma jacayl ayad leedahay markas ayay ku tidhi Laga Yaaba,mahdiya Way u Dul Martay Hadalka Oo Ma lihi iyo wan leyahay midna may odhan.

Markas ayuu dhahay Malaha Su’al khaldan Ayan ku Waydiiyay Ee Sorry Dhib male ayay ku tidhi, Markas Waxay Waydiisay Wuxu Magaaladan Ka soo Doonay Isaguna Wuxu ugu Jawaabay Jawi Badalasho Waan gartay ayay tidhi,
Kadib Waxay isha Ku Dhufatay Maajid iyo Wiilal Kale Oo miis halkas ah Wada Fadhiya.

Way Naxday Cabsi ayaa Qabatay Haddu Ninkan kugu Arko Muxu Moodi Doona Intay Booday Ayay ku tidhi Asad Halkan Waan Ku Caajisay Ee Ina Mari Bada agteeda, Haye Ayuu Dhahay markay Soo baxayeen muu arag maajid.

Meeshi Markay Imaden Ayaa Roob Saa’ida So Da’ay, Baabuurkii Ayaa iska Soo Fuuleen Guriga Ayay imadeen Mahdiya markiba Qolkeeda ayay gashay, Marwa Oo Dusha Guriga Fushan Oo Roobkiina Ku Da’ayo Ayaa Asadna Roobka U Jecel Yahay Wuxu is dhahay Dusha Sare Iska Kor, wuu soo Koray Wuxuna Arkay Marwa Oo Roobka Dhex Tagan Magaladana halkaas ka Daawanaysa u soo Ag is taagay Isaga, oo ku leh Haye Marwa Adina Roobka Mad jeceshay.

Markas ayay haa Ku Tidhi Aad ayn u jeclahay Cabaar ayay Joogen Markaas ayuu dhahay u sii Badanaya Roobku ye Ina mari guriga, Mid walba qolkiisa ayuu tagay Kadib marwa Ayaa soo baxday Caffe ayay u sameysay asad Qolkiisa ayay ku garacday soo soco ayuu dhahay Wuxu arkay marwa oo Caffe u wada markas ayay tidhi Caffe ayn ku keenay maadama dhaxan ka timid, Isii ayuu dhahay wan u bahnaye wadna mahadsan tahay. 🤗

Maajid Oo mobilkiisa iska isticmaalaya Ayuu mahdiya Arkay inay onle tahay Markas Ayuu u Qoray mahdiya Seetahay Halkeed Qabatay Maalmahan kuma arag adiguna isma odhanaysid Buukaankagii ka War Doon.😄

Markay Aragtay Fariintas waxay isku Aragtay Dhoola cadeyn iyo Farxad badan Cabaar ayay Fariintii Eegaysay kadib Ayay u Qortay Waan Fiicnahay, Setahay aduu?

Lakiin Aniga mar hadu Buukaanku Gacantayda ka baxo Xaladiisa ma Ogan Karo, Markas Ayuu Dhahay Gacanta Mahdiya Qof Ay Daawo Siisay Miya Xanuun Lagu Arkayaa, 😄 Waxay tidhi Kaftanka ayad igu soo Gashay, Yaah hh Maajid Wuxu Ka Cod Saday Habeen Danbe Inay Kulmaan k**ay diidin Wan is arkaynaa ayay tidhi.

-La soco Qaybta:10

-Si aad u fahanto Nuxurka Qisadan dib u akhriso Qormooyinkii H**e ee aan soo dhigay .

-ku marti Qaad dhawr Qof oo asxaabtaada ah Qisadan mahadsanid.

me si aad u noqoto Qofka ugu H**eeya ee akhriya Qormooyinka aan soo qoro mahadsanid.

W/Q:muhannad Tahir...

04/11/2021

Qeybtii 3aad

Muqaal Anshax Xuma ah ayuu iga duubay wuxuuna igu xujeeyey 700 oo Doolar inaan dhiibo 😭Ikraan oo ka shekeeneysa xanuunka...
03/11/2021

Muqaal Anshax Xuma ah ayuu iga duubay wuxuuna igu xujeeyey 700 oo Doolar inaan dhiibo 😭

Ikraan oo ka shekeeneysa xanuunka haya iyadoo Ilmeynaysa 😢 ayaa waxay tiri waxaan isbaranay Sanad kaan Bilowgiisa wiil ku nool Dalka South-Afrika waxaana na dhex maray xirir jaceyl

Kadib waxaan ku balanay in uu Muqdisho yimaado si aan u aqalka galno labadeena Bishii 7 aad ee sanad-kaan ayuu yimid waxaana dhacday in maalin maalmaha kamid ah

Waxaan isku raacnay meel Maqaauad ah si aan cabitaan iyo cuno uga cuno anigu markaa waxaa ka cabay kaliya cabitaan waxaa dareemay daqiiqado kadib wareer iyo tabar dari waxaana iga tagay ogaalka oo waa miyir dabool may

Markiiba wuxuu isoo qaaday Gurigiisa aniga awood malaheen narkaas laakin.Wuxuu sameyey dharka ayuu iga dhigay ka dib video Anshax xumo ah ayuu iga duubtay oo anigoo Qaawan ah 🥲

Balse waxaan ogaday inuu video-gaas Qaawan iga duubay markuu South-Afrika u laabtay ayuu igu yiri waxaa kahayaa Video Oo adigoo qaawan ah waxaana karabaa lacag dhan 700 doolar hadii aad bixin waysana waan Faafinayaa .

Waxaa ku iri waxba igama heysid laakin wuxuu isoo diray anigoo qaawan wuxuu igu yiri bixi lacagta ama waa faafinaa ..

Meel walbo ayaa galay waxaa usoo helay 500 doolar hadana bishi kale ayuu igu yiri sidaa si lamid ah wixii aan heestay dhan waa u iibiyey waxaa siiyey 600 oo kale

Hada waa markii sadaxad uu lacag iga rabo 😭

Aniga lacag mahaayo isgana wuxuu iigu hanjabay inuu muqaalkas faafinayo aniga wax. Garab ah maheesto Marabin muqaalkaas oo kale leyga faafiyo ayey hadal keeda sii raacisay Ikraan 😭

Ikraan hada waxay dhibana u tahay wiilk-kaas ee Maxaa talo ahaan kula talinlaheyd ?

Mohamed Abdullahi page

Mahdiya iyo Maajid 💍♥️ part:7     (Sheeko Jaceyl ah) Mahdiya Maalmahan Waxay Joogtay Hospitalka,  si Ay Ula Socoto Xaala...
03/11/2021

Mahdiya iyo Maajid 💍♥️ part:7

(Sheeko Jaceyl ah)

Mahdiya Maalmahan Waxay Joogtay Hospitalka, si Ay Ula Socoto Xaaladiisa caafimaad Maajid Daal Badan Ayay Dareemaysa, Guriga Ayay Tagtay Si ay u soo yar nafisto, Markay Guriga sidaa u timid ayaa marwa ku tidhi Mahdiya hooyo iyo xaafadii ayaa ila soo hadlay wayna imanayaan halkan ayayna dagayaan.

Mahdiya waxay ku tidhi waa si fiicane Bari ayaynu wada sheekaysan Inaan yar seexdo rabaaye, Qolkeedii ayay timid shower ayay soo qaadatay si nafis ah ayay sariirteedii u timid, Markay madaxa dhulka dhigtaba dhoola cadeyntii maajid ayaa u sawirmata, Hadana dhanka kale ayay isku rogtaa, mise isaga ayuun baa hor tagan, Way fadhiisatay Shaydanka ayay iska naartay.

Jiifkeedii ayay Iskaga Noqotay iyada, oo Nafteeda ku leh wax anan awoodin Haygu Qasbin, Waxaan rajeynayaa in waxa aan dareemayo, inanu run noqon Wiilkasna Anan u dhawan sidii iyada oo iskula hadlaysa, ayay seexatay waxayna ku riyootay iyada, oo maajid meel Qurux badan la joogta jawi jacayl ay ku jiraan Waxba anay ka maqnayn.

Subaxdii ayay soo kacday, mise wixii riyo ayuu ahaa markas ayay tidhi Riyo xitaa muu igula joogaa, meel aan ka qabto garan mayo, Maajidna kolba Albaabka qofka uga soo gala Mahdiya ayuu moodayaa, Gabar kalkaaliso ah ayaa u timid, Waxayna ku tidhi drs Mahdiya way maqan tahay waa in aan anuu ku mudo, waayo waa xiligii aad qadan lahayd daawada, Markas ayuu ku dhahay may aniga cidan mahdiya ahayn ima mudi karto.

markay timaado iyada ayaa isiin daawada, Gabartii kalkaalisada ahayd haye ayay ku tidhi wayna iska baxday, mahdiya ayaa hospitalka timid kadib kalkaalisadii ayaa ku tidhi buukaanka qolkaa ku jiraa cidan mahdiya ahayn ima daawen karto ayuu dhahay, ee la soco Mahdiya ayaa tiri oky annaa u tagi hawshada iska wado.

Qolkiisii ayay tagtay markas ayuu dhahay Ilaa Saaka Waan ku sugaayay, Maxaa kugu dhacay? Markas ayay ku tidhi Guriga ku soo Dahay Ee maxad u diiday kalkaalisada, inay ku mudo
Markaas ayuu dhahay aniga gacantaada ayaanan Xanun ku dareemin 🤗

Maajidna waa wiil dhoola cadeyn badan, Oo furfuran micnaha dabeecad fiican, Markas ayuu mahdiya ku dhahay meeshan gorma ayaan ka baxayaa, waan caajisee, intay cabaar fiirisay ayay ku tidhi imikaba bax hadad rabto wayna ka baxday xafiiskeedii ayay gashay.

Kadib mahdiya Marwa ayaa soo wacday iyada, oo ku leh way imadeen hooyo iyo xaafadii ee hadhaw aad nala qadeyside noo kaalay, mahdiya haye ayay ku tidhi, waan idiin imanaya, maajid ayaa soo wacay mahdiya intay sida u eegtay ayay tidhi muxu iga raba talow k**ay qaban.

Shaqadii ayaa ku badatay, oo xiligay Xaafada la balantay ayaa la garay iyada, oo ag maraysa qolka maajid ayay aragtay isaga, oo biyo Cagad ku jira furi kari la sababta, oo ah gacan ayuu ka jaban yahay way u soo gashay keen ayay ku tidhi aan ku furee way u furtay, wayna u dhiibtay aad ayuu u eegay markaas ayay ku tiri maxaa sida iga soo fiirin.

Markas ayuu ku dhahay Naxariistaada. Ayaan ka helay waadna Mahadsan tahay, Wax hadal ah umay celin way ka soo baxday Walasheed ayay wacday waxayna u sheegtay inay caawa uun iman doonto, oo shaqo badan u taalo.
Habeennimadkii Ayay Guriga Tagtay Hooyadeed iyo aabaheed iyo walaaleheed ayay la caweysay, Markas ayay hooyaded ku tidhi, Mahdiya maxaa kugu dhacay waad dhuubatay maxa ku helay, markas ayay tidhi shaqada Baryahan igu Badnayd ee wax kale ma jiraan.

Hooyaded ayaa ku tidhi Sidan Ma qadan karo ee waa in aad fasax soo qaadato, oo aad nasato waana Amarkayga, mahdiya ayaa ku tiri hooyo ma sameyn karo, oo shaqada fasax k**a qadan karo,ee iga daaa, markas ayay Hooyadeed ku tidhi bari waxa iman doona Asad wiilkii Adeerkaa dhalay ee fasax qaado si aad wakhti Noola qaadato.

Mahdiya waxay ku tidhi waan eegi doona, bananka guriga ayay iska fadhiisatay, marwa ayaa ka soo daba kacday markas ayay ku tidhi arin ayaan raba inan kuu sheego, lakiin cidna imika ha ku qabsan, oo yaan lay ogaan inaan kuu sheegay mahdiya ayaa ku tiri ii sheeg arinkaa cidna qabsan maaye.

Markas ayay ku tidhi waxan maqlayay hooyo iyo aabo oo la hadlaya adeero asad aabihi, Waxayna ka hadlayeen in la rabo in laysku kiiin daro adi iyo asad mahdiya yaab! iyo naxdin markas ayay tidhi mayga hubtaa hadalkas haa ayay marwa tidhi.

-La soco Qaybta:8

-Si aad u fahanto Nuxurka Qisadan dib u akhriso Qormooyinkii H**e ee aan soo dhigay .

-ku marti Qaad dhawr Qof oo asxaabtaada ah Qisadan mahadsanid.

me si aad u noqoto Qofka ugu H**eeya ee akhriya Qormooyinka aan soo qoro mahadsanid.

W/Q:muhannad Tahir...

03/11/2021

Qeybtii 2aad

02/11/2021

Qeybtii 1aad xanoonka jaceyl ka

Mahdiya iyo Maajid💍♥️ part:6   (Sheeko Jaceyl ah) Markii La Keenay Hospitalka mahdiya Markiiba Dharkii Hospitalka ayay x...
02/11/2021

Mahdiya iyo Maajid💍♥️ part:6

(Sheeko Jaceyl ah)

Markii La Keenay Hospitalka mahdiya Markiiba Dharkii Hospitalka ayay xidhatay, Xaladiisa qofna Kuma Aaminayso, Iyadaa Gacanteeda Ku Daaweynaysa Waxay Aragtay Dhawac Sida U Sii Weyn Inanu Ku Dhicin, Kaliya Madaxa Nabar yar kaga dhacay Gacantana u Ka Jabay, Lakiin Koomo Ayuu ku jiraa.

Marwa, Oo Iyaduna Joogta Hospitalka Ayaa La Yaaban Mahdiya markay aragtay, Wiilkan Dhawaca ah sida ay isku Badashay dartiina ay safarkeedii u joojisay, Imikana ay Isaga u Daaweynayso.

Mahdiya Intay Agtiisa fadhiisatay Maajid, Ayay Gacantiisa Qabsatay Ayay Ku Tidhi "Si Walba Aan Kaga Cararo Runtaa Ah Inay wax jiraan Ama Jacayl kuu Qaaday Naftayda Iyada iga saxsan oo ii sheegaysa inaan ku Rabo Lakiin Ana Iska Indha tiraya dareen ayaa jira".

Maajid wali Koomadii ayuu ku jiraa, Oo waxan Ma Maqlayo ay Mahdiya sheegayso Iyado, oo Gacantiisa Haysata Madaxana Saartay micnaha Gacantiisa ku jiifta, ayuu maajid Soo Kacay Aayar ayuu indhaha kala qaaday wuxuna arkay inuu hospital jiifo qofka la joogo oo ah Mahdiya way sii jeedaa, oo wajigeeda arki mayo.

Markas ayuu dhahay Waa Qofma Intay Naxday Ayay garan wayday waxay sameyso, oo hoostana ka leh yaa! dhulka ila jara talow maxa sameeyaa ayuu hadana ugu celiyay i soo fiiri yaa tahay.

Intay iska Calool adaygtay ayay kacday markas ayuu dhahay mahdiya adi miya Haa ayay ku tidhi seetahay waan fiicanahay ayay ku tidhi, Markas ayuu ku dhahay halkan yaa i keenay waxay ku tidhi anna ku keenay, Jiidka ayaan kugu arkay adoo dhaawac ah, sida ayaan kugu soo kaxeeyay markas ayay ka baxday Qolkii uu jiifay .

Maajid wuxuu is waydiinayaa maxay gacantaada ugu jiiftay.? mida kale siday kugu soo heshay, oo halkan kuu keentay su'aalo badan ayuu is waydiinaya.

Marwa ayaa aragtay inay mahdiya qolka ka soo baxday, kadib marwa qolkii maajid jiifay ayay gashay, markaas ayay ku tidhi walaalo seetahay imika waan fiicanahay ayuu ku dhahay, maso gali kara ayay ku tidhi, Haa Soo Gudub ayuu ku dhahay.


marwa Waxay raadinaysaa sababta mesha taala, iyo waxa ka dhexeeya Mahdiya iyo wiilkan, Markaas ayay ku tidhi maanta illahay ayaa walashay kula kulmiyay, oo Markiiba iyadaa ku keentay halkan, markaas ayuu dhahay walasha mahdiya miya? haa ayay ku tidhi iyada, oo safar ah ayay dhawacaaga la kulantay safar keediina sidii ayuu kaga baaqday, marna kaamay dul tagin ee aqoon miyaad isku leedihin mahdiya.

Markas ayuu dhahay haa aqoon ayan isku leenahay, waanan uga mahadnaqayaa siday ii soo Caawisay, waana gabar runtii naxariis badan, adigana soo dhawow lakiin magacaa ayuu ku dhahay, marwa ayaa lay dhahaa okay anna maajid.

Marwa iyo maajid oo sidaa isku wareysanaya ayay mahdiya soo gashay, marwa ku tidhi wllshayay ileen wiilka wad is taqanen, mahdiya ayaa ku tidhi soo bax qofkan hadal loguma talo galine, waa qof xanuunsan, marwa way soo baxday mahdiya waxay dawooyin siinaysaa Maajid, lakiin maajid irbada wuu ka baqaa una neceb yahay marku arkay inay la soo baxday irbad ayuu dhahay.

May mahdiya aniga ma jecli in lay mudo, ee kiniino isii tan iga dhaf, intay eegtay ayay ku tidhi "waxan yar miya ka Cabsanaysa waa qasab inaan ku mudo" markaas ayay gacantiisa soo qabatay, irbadina way ku muday lakiin muu dareemin iyada ayuu fiirinayay.

Markas ayuu dhahay imika miya i muday, haa ayay ku tidhi markaas ayuu dhahay lakiin maan dareemin, markas ayay ku tidhi mid kale ma kugu mudaa aad dareentide 😃 markaas ayuu ku dhahay, lakiin waxa lay sheegay dartay inaad safarkaagii u joojisay, inaad i garab joogtay aad ayn kaga mahad celinaya markaas ayay ku tidhi Qof walba oo dhibtas ku jira intas wan u sameeyn lahaa, iyada oo is yara adkaynaysa.

Markas ayuu dhahay wax maka Codsadaa haa ayay tiri wuxu dhahay Qoyskaygii u sheeg xaladayda iyo inaan hospital, ku jiro okay ayay dhahday, Wayna u wacday Markaa ayay u imaden, Kadib maajid markii hooyadii iyo walalahi ku dhehen maxa kugu dhacay, siday wax kuso gadhen ayuu uga sheekeyay isaga, oo u raaciyay gabartan doctarada ah ayaa Iga soo Qaaday Meeshii shilku ka dhacay, xaladaydana la socotay.

Aabahi ayaa dhahay gabartan waa qof aad u fiican anigaba intay hospitalka joogay si fiican ayay ii daryeeli jirtay, Mahdiya ayaa xafiiskeedii ugu imadeen maajid Hooyadii iyo aabihii iyaga, oo uga mahad celinaya caawimada wiilkooda ay u samaysay, markaas ayay ku tidhi qof kale haduu booskyga ku jiri lahaa intan wuu u sameyn lahaa waana iska caadi.

-La soco Qaybta:7

-Si aad u fahanto Nuxurka Qisadan dib u akhriso Qormooyinkii H**e.

-ku marti Qaad dhawr Qof oo asxaabtaada ah Qisadan mahadsanid.

me si aad u noqoto Qofka ugu H**eeya ee akhriya Qormooyinka aan soo qoro mahadsanid.

W/Q:muhannad Tahir...

XALIIMO QORAAGA BOOKA FARIIN U REEB 🤣🤣
01/11/2021

XALIIMO QORAAGA BOOKA FARIIN U REEB 🤣🤣

Endereço

SP-062, Barranco, Taubaté/
Taubaté, SP
12040-000

Notificações

Seja o primeiro recebendo as novidades e nos deixe lhe enviar um e-mail quando Wehelka Nolosha posta notícias e promoções. Seu endereço de e-mail não será usado com qualquer outro objetivo, e pode cancelar a inscrição em qualquer momento.

Compartilhar