Comunidad de Somali en España somalida spain

Comunidad de Somali en España somalida spain Page Resmiga ah Jaaliyada somaliyeed ee spain

27/06/2026
27/05/2026

Dhamaan waxan lenahay umada somaliyeed ciid wanaagsan ilahay haynaku garsiyo ciida ciideda nabadqab iyo cafimaad garahaan somalida España kuwii guleysta ale haynaka dhigo kuwii iskuxirada alehaynakadhigo ciidka ciidkisakale waxan rajaynayaa inaan ahano kuwa waxbadan ku guleysta oo maanta inaka qabyo ah isuguna yimada farxad kabadan tan maanta Insha alaah farxad ku ciida insha alaah dhamantiin

24/04/2026

Inalilahi wainaa ileyhi rajucuun ilahay hawnaxariisto inta dhimatay

Waxan ogaysinaynaa dhamaan umada somaliyeed. Arimaha dhinaca tahriibta

Waxa nasogartey in doon aysarayeen dadsomaliyeed oo kasobaxday dalka. Aljeriya. Inay ku degtey badweynta. Waxajira in markab marayey bada uu helay 5 qof. Oo meyda uuna keenay dalka España waxan iskudaynay inaan laxiriiro cidamada gacanta kuhaya meydadkaas. Welina noma suurtagelin inaan helo wax kabaxsan tiradoda iyo inay somali yihiin. Sababa sharci awgood waxan isku deyi inaan lakashano cidkasta ama buuxino xujakasta siaan warbuuxa uhelo

Dhanka kale waxa lasheegay. In dhinaca Aljeria laga helay meydad dhan 17 qof oo somali ah

Waxan ku hawlanahay inaan helno xoga dherada iyo sidaan ulawadagilahayn familadii waxkasa oo cadayna oo aan kahelo dadkaas

Waxkasta oo xog ah waxan idinkula soo wadagidonaa Halkan

Marlabaad waxan lenahay inalilahi waina ileyhi rajucuun ilahay hawnaxariisto inta dhimatay

14/04/2026

Ogaysiis waxan ogaysinaynaa bulshada kudhaqan dalka españa

dhaman tood iyo umada Somaaliyeed ee kunool dunida dafeheda wararka sheegaya in wadan ka España fududeeyey sharciga degananshaha inaytahay shekadasi mid peenah ama warbixin si qaldan loo turjumey aysana khusayn Umada Somaliyeed

waxajira warbixin dawlada España soo sartay oo ah in sharciga deganaanshaha loo fududeeyey lagana khafiifiyey shuruudihii saraa dadka kasoojeeda wadamada nabadu kajirto dadkaas oo aan loo ogolayn sharciga Asiilo waxay wadamadas dadka ka soojedaa xaq ulahayeen sharciga loo yaqaan ARAIGO

waxayna xaq uyelan jireen markay wadanka jogaan mudo dhan 2 sano ilaa 3 sano ah waxay kaloo xujadu ahayd inay xiligaas haystaan shaqo markasay dalban kareen sharci shaqo oo halsano ah waana dadkaas dadka dawladu ka hadashay lana ansixiyay in laga dulqaado xujooyin kii si kumel gaara ayna dalban karaan sharci hal sano ah shuruud laan ama hab kafudud sidii h**e

Hadaba dadka somalida ah waxay kujiraan wadamada loo ogolyahay sharciga ASIILO oo 5 sano ah waxayna dalban karaan xilikasta kumana xirna waxshuruudah wuxu leeyahay shuruuc ugaara iyo habraac loomaro waxna lagama bedelin intaan ognahay in balantu adkaato iyo inay fududaato waxay ku xirantahay marba cadad ka Qaxootiga ee soo gala wadanka xiligaas

Sidaas darteed waxan Bulshada soomaaliyeed ushegaynaa melkastay jogto inaan waxba iska bedelin wax kasta oo khuseeyey Dhinaca shurrcda ina khuseysa Ka Somali ahaan ama sharciga ASIILO

isla socod wanaagsan melkastaad jogtaan
SOMALIA HANOLATO. ESPAÑA HORUMAR

04/04/2026
Soomaaliya oo ka Qaybgashay Shir-madaxeedka 11-aad ee OACPS ee ka Dhacay dalka Equatorial GuineaMalabo, 28 Maarso, 2026 ...
29/03/2026

Soomaaliya oo ka Qaybgashay Shir-madaxeedka 11-aad ee OACPS ee ka Dhacay dalka Equatorial Guinea

Malabo, 28 Maarso, 2026

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali , ayaa magaalada Malabo uga qaybgalay Shir-madaxeedka 11-aad ee Hoggaamiyeyaasha iyo Madaxda Dawladaha ee Ururka Dalalka Afrika, Karibiyaanka, iyo Baasifigga (OACPS).

Wasiirka oo matalayay dowladda Soomaaliya ayaa madasha ka jeediyey khudbad muhiim ah oo uu diiradda ku saaray qorshayaasha hortebinta u leh Qaranka. Waxa uu si gaar ah u iftiimiyey ahmiyadda ay Soomaaliya siineyso iskaashiga dhaqaalaha iyo xoojinta ka qaybgalka fagaarayaasha caalamiga ah si loo kobciyo fursadaha horumarineed ee dalka.

Intii uu shirku socday, Wasiir Cabdisalaan waxa uu kulan doceedyo sidoo kale la yeeshay dhiggiisa dalalka kale ee xubnaha ka ah ururka, isagoo kala hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga dhinacyada badan leh. Kulamadan ayaa qayb ka ahaa dedaallada ay Soomaaliya ku doonayso inay ku xoojiso xulufooyinka caalamiga ah.

Ugu dambayn, Wasiirka ayaa xaqiijiyey in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay si dhow ula shaqayso dhammaan dalalka xubnaha ka ah OACPS si loo xaqiijiyo aragtida fog ee ururka, taas oo ku dhisan nabad, barwaaqo, iyo iskaashi dhab ah oo dhex mara Waddamada ku yaalla saddexda Qaaradood.

Wixii faahfaahin dheeraad ah kala xiriir:
Mohamed Mahmud Allaale
Waaxda Warbaahinta
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Email: [email protected]
Twitter:
Bogga Af-Ingiriska: Ministry of Foreign Affairs of Somalia

Kulan Taariikhi ah iyo Maamuus Sare: Maamulka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Espanya, gaar ahaan Katalunya, ayaa qaabilay Ma...
27/03/2026

Kulan Taariikhi ah iyo Maamuus Sare: Maamulka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Espanya, gaar ahaan Katalunya, ayaa qaabilay Madaxda Qaranka
​Dhammaan xubnaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Katalunya iyo hareeraheeda, waxaan halkaan idinkula wadaageynaa salaan qiimo badan oo aan idinkaga sidno Madaxda Qaranka, iyo sawirradii kulankii aadka u muhiimka ahaa ee dhex maray Maamulka Jaaliyadda iyo wafdi sare oo ka socday Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya intii ay ku jireen booqashada Espanya, gaar ahaan magaalada Madrid.
​Waxay noo ahayd sharaf weyn inaan la kulanno madaxdan kala ah:
​1️⃣ Mudane Cali Maxamed Cumar – Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah (WAD & IC).
2️⃣ Ambassador Mohamed Alinur Hagi – Safiirka JFS ee dalka France ,Espanya Portuqiiska iyo Munako.
3️⃣ Agaasime Maxamed – Agaasimaha Waaxda Yurub iyo Ameerika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
​Nuxurka kulanka iyo sodhoweynta madaxda Qaranka
Wadatashi dheer oo kuso idlaaday jawi is-faham iyo qodobo mira dhalah, waxaan madaxda la wadaagnay warbixin dhammaystiran oo ku saabsan xaaladda Jaaliyadda, waxaanan si qoto dheer uga wada hadalnay sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga dhex mara dawladda Soomaaliyeed iyo muwaadiniinta dalka dibadiisa ku nool.
​Hadalladii dhiirigelinta lahaa iyo talooyinkii wax ku oolka ahaa ee ay madaxdu nala wadaageen waxay dhiirigelin weyn u tahay Maamulka Jaaliyadda, si loo sii amba-qaado hawlaha muhiimka ah ee aan u hayno muwaadiniinta ku nool España.
​Waxaan mar kale ugu mahadcelineynaa madaxda qaranka waqtigooda qaaliga ah ee ay noo hureen iyo sida hufan ee ay u dhageysteen codka Jaaliyadda. Waxaan u rajaynaynaa guul iyo horumar shaqada diblomaasiyadeed ee ay qaranka u haysaan.
​Guul iyo horumar Soomaaliya! 🇸🇴🇪🇸

Dirección

Calle Artesania
Barcelona
08042

Teléfono

+34663044502

Página web

Notificaciones

Sé el primero en enterarse y déjanos enviarle un correo electrónico cuando Comunidad de Somali en España somalida spain publique noticias y promociones. Su dirección de correo electrónico no se utilizará para ningún otro fin, y puede darse de baja en cualquier momento.

Atajos

Compartir