21/02/2026
Isbedelka Cimilda oo noqday marka ay dhacdo dhibato ka dhalatay isbedelka cimilda xalka kaliya ee ay leedahay waa laqabsi, talaabada ugu muhiimsan ee lagag samatabixikaraa waa in laga fikiro sidii loola qabsan lahaa. Waxaa muhiima in dadka aqoonta leh cilmibadhaayasha, wasaaradaha ay qusayso ay ka hawl galaan qorshihii lagula qabsan lahaa saamaynta isbedelka cimilada oo ah meesha ay u dhimatay dhibkan cidkasta kaga qaylisay.
Dhibaatadu iyadaa dadka wax barta oo u macallin ah oo marka ay mushkilad timaado dadku waxay la yimaadan xal iyo sidii ay uga gudbilahayeen. Dadka Soomaaliyeed oo saamaynta abaaraha ay ugu bireen baraarug la'aant yo deeganka oo markii h**eba qalayle ahaa, waxad mooda inay qaadeen talabooyin wax ku oola ikasta oo aysan waxbadan daboolin.
Tusaale: nidaamka ka ganacsiga caanaha geela( barqo maalka) waa talaabo wayn oo baahiyo badan dabooshay. Beryihii h**e marka ay dhacan abaaraha sidan u wakhtiga dheer xaalufka deegaanka iyo biyo la'aan ma dhici jirin in caano laga helo magaaloyinka, dhanka kale boqolaal xolo ah ayay badbadiyeen uu iyaga noloshoda dib logu maareeya iyada oo ay ka dhigantahay in caanihisa loogu ibiyo biyo iyo calafba.
Dhanka kale: ka ganacsiga caanaha geelu waxay keentay dhibaato deegaan oo ay sababeen gaadiidka ka shaqeeya oo gebi haanba burburiyay deegaankii taas oo keni karta in dhulkii lumiyo caradii nafaqada lahayd ee nolayd, jarista dhirta oo lag dhigo xaabo cuntada logu kariyo xoolaha biyaha oo yarada madaaba xouhu ay isugu aruureen meelihi biyaha lahaa.
Maxaa gaab jiraa buzin u baahan?
Fursadaha aan laga faa'iidaysan: ma jirto cid somalida ah oo isku dayday beerista Calafka xoolaha ee adunku hada ka ganacsado dalkana dibada uga yimaada kaas oo ka bixi kara meelkasta oo dhulka Soomaalida ka mid ah, biyaha oo aan lala soo bixikarin. Dhulka Soomaalidu degto waxaa jira dhowr nooc oo cawsa ah (calaf) ah oo la xaqiijiyay inay la qabsan karaan, nafaqo badanna leh.
Tusaale.
Calafyada dalqabadka ah, faa'iido badan u leh Xoolaha ee aan isleyahay waa loo bahanyahay aan kula wadaago.
1. Caws Suudaaniiska (Sudan Grass) waa midka ugu caansan geyiga Soomaalida. Waa calaf si degdeg ah u baxa, xooluhuna aad ayay u jecelyihiin. Wuxuu leyahay mihiimado gaar ah sida.
A) in uu u dulqaadan karo kulaylka, waxaana la goyn karaa dhowr jeer sanadkii.
B) Wuxuu ka baxaa dhulka biyo-mareenka ah iyo meelaha waraabka leh waxaa loo isticmali karaa bacrimiyayaal dabeeci ah oo aan deeganka waxyeelo u lahayn lana heli karo.
2. Al-fa-alfa ama Lucerna grass waa kuwa ugu fiican xaga daaqsinka xoolaha sababtoo ah borotiinka iyo macdanaha ku jira ayaa aad u sarreeya. Faa'iidoyinkisa garka ah ee uu ku fiican yahay waxaa ka mida.
A) cawskani wuxu caan ku yahay caano badiye iyo koritaanka maqasha yayar iyada oo ay ku naaxaan xoluhu.
B )cawsakani Wuxuu u baahan yahay biyo joogto ah iyo carro nafaqo leh.
3. Caws Maroodiga afka qladna lagu yidhaa Napier Grass. Waa geed cawsaad dhaadheer oo caleemo waaweyn, aadna uga baxa dhulka godanka ah iyo tropical ka labadaba. Cawsakni waa mid aad u adkaysi badan tusaale.
A) Hal mar haddii la abuuro, sanooyin badan ayaa la goynayaa. Wuxuu leeyahay culeys badan iyo nafaqooyin badan.
Ugu dbayn biyaha ao laf dhabar u ah dhaman arimahan sare ayaan loga faa'iidysan siday ahayd, in kasta oo biyaha dhulka hose ku jira ( undergroumd water) ay yihiin kuwo aad u xadi badan islmarkan dhow hadana 90% dhulka soomaalidu waa oomane oo haraad aya logu dhintay.
Majiraan nidaam dawli ah oo ka faa,iidayn kara ama shirkado gaar loo leyahay oo arinkaa ka faa'iidysta oo intay riigag qotaan calafkana beeraan ka ibbsada dadka xoolalayda ah hakii ay dibada ka soo dhoofsan lahayeen galay iyo qamadi dhacay ismarkana sumaysan. Tani waa faa'iido laba dhamac leh degaankii oo laga faa'iiday oyo dhaqale abuur lacagtii aysan dalka ka bixin.