08/05/2024
Kusimaha Madaxa Xafiiska Dakhliga ahna Xidh/socodka/Xadaynta iyo Dabagalka Canshuuraha Degmada Hadhagala Abdi Hassan Shire.
Xubin leh khibrad shaqo oo dhanka Dakhliga ah waa shaqsi dhidibadda u taagay soo xeraynta Dakhli ee baaxaadda wayn leh ee ka socota Degmada Hadhagala.
Waa shaqsiga kaliya ee Xafiiska Dakhliga si Kusime ah u hogaaminayo markii labaad taariikhda isagoo aanan ahayn Madax Xafiiseed rasmi ah Gobolka Sitti.
Wuxuu ahaa Kusimaha Madaxa Xafiiska Dakhliga laga soo bilaabo sanadii 2020 ilaa 2022 kadib haddana wuxuu Kusime noqday dhamaadkii bishii 10aad sanadkii 2023 ilaa haddana waa Kusimaha Xafiiska Dakhliga Degmada Hadhagala.
Waa xubinka soo saaray Dakhliga ugu badan ee taariikhda Degmada Hadhagala inta la ogyahay. Wuxuu ku sifaysan yahay ka go'naansho shaqo iyo in lasoo saaro Dakhli fara badan wuxuuna awooddaa inuu abuuro Ilo-Dakhli oo cusub si looga gun gaadho soo saarita Dakhli sanadeedka u qorshaysan Degmada.
Xubinkan oo dhawaan la filayo inuu si rasmi ah ula wareego Xafiiska Dakhliga ee uu hadda Kusimaha ka yahay waa arrin dhamaan la wadda sugayo.
Hogaamiyaha da'da yar waxaa lagu yaqaanaa Fir-fircooni shaqo iyo ka go'naansho.