03/08/2026
Ololaha Dhir-beerista Bilaha Xagaaga oo laga Fuliyay Degmada Birqod ee Gobolka Jarar.
Maanta waxaa Degmada Birqod ee Gobolka Jarar si guul leh looga fuliyay ololaha dhir-beerista bilaha xagaaga, kaas oo qayb ka ah hawlaha tabarucaadka ee dalka ka socda.
Dhirtan ayaa lagu beeray goobaha adeeg bixinta iyo xafiisyada dowladda, iyadoo ujeeddadu tahay qurxinta deegaanka, ilaalinta khayraadka dabiiciga ah iyo xoojinta dadaallada lagula tacaalayo isbeddelka cimilada.
Ololahan dhir-beerista ayaa si isku mid ah looga fuliyay guud ahaan dalka, waxaana qorshuhu yahay in la beero 800 milyan oo geed, si loo helo dal iyo deegaan cagaaran, loona xaqiijiyo horumar waara.
Geed kasta oo maanta la beeraa waa maalgashi u yaalla jiilasha berri. Aan wada ilaalinno geedaha aan beeray si ay u noqdaan dhaxal waara.