KAAH PARTY

KAAH PARTY Urur siyaasadeed. Isku haynta Dalka iyo Dadka.

Waa caadada kubadda inaad badiso, ama lagaa badiyo. Ciyaartii xalay waxay ahayd mid leh xiiso badan iyo xamaasad xoog le...
16/07/2026

Waa caadada kubadda inaad badiso, ama lagaa badiyo. Ciyaartii xalay waxay ahayd mid leh xiiso badan iyo xamaasad xoog leh.

Aniga iyo dad badan oo kaleba waxaannu jeclayn inay badiso xulka kooxda Ingiriiska. Rejadaa goblantay haddii ay dhici lahayd, guul weyn bay u noqon lahayd reer Ingiriis. Dhinaca kalena, aargoosi taariikhi ah bay u noqon lahayd guuldarradii afartan guuradii ciyaartii dhex martay labada xul 1986-kii.

Tartannada nolosha ee kala duwan, ma aha gef culus in aad guuldarraysato. Laakiin, waxaa guuldarro ah in aad garan weydo sababta guuldarradaada. Haddaba, markaan qalinkayga ku cabiro qiimaynta ciyaartii xalay, waxaan ku soo koobi lahaa qormadan hoos ku xusan.
Macalinkii wanaagsanaa, wadajirkii kooxda ee weerarka u badnaa, iyo waayo-arragnimadii kabtankoodii weynaa, ayaa xalay wiiqay wiilashii xulka Ingiriiska.

Hambalyo reer Argentina, Hambalyo taageerayaashii Argentina.

11/07/2026

Ku soo dhawaada Xisbiga KAAH, Xisbi kaafin doona Dadka iyo Dalkaba! ✋️🟥

02/07/2026

xaashi:Annagu ma nihin mucaarid wax dibindaabyeynaya ama wax dal-daloolinaya siday iyagu shalay u dhaqmayeen

28/06/2026

Xisbigii talada hayey ee Waddani wuxuu xaqiijin kari waayey isbeddelkii laga sugayey ee uu bulshada u ballanqaaday

27/06/2026
20/05/2026

Waxaan hanbalyo iyo tahniyad bilan u dirayaa kooxda faca weyn leh ee Arsenal iyo guud ahaan ba taageerayaasheeda balaadhan ee habeenkii xalay ahaa ku guulaystay horyaalka Boqortooyada Ingiriiska muddo 22 sanno ah kadib.

Kooxda Arsenal waa koox ka mid ah kooxaha ugu sooyaalka fog islamarkaana ugu sumcadda weyn kubadda cagta. Waa koox muddo dheer ku soo jirtey halgan adag iyo hayaan dheer si ay mar kale u hanato horyaalka dalkaasi, oo markii ugu danbaysay ay ku qaadday guul-darro la'aan horyaalkii 2003/2004. Geeddigaa dheer ee kooxda Arsenal ay u soo gashay dib-u-hanashada horyaalkani waxa ay marag-madoon u tahay in guushu ku xidhan tahay dedaal aan joogsi lahayn iyo doonis dhab ah oo la la yimaado.

Ugu danbayn, xisbiga KAAH waxa ka go'an taageeridda iyo tabantaabinta bahda sports-ka qaybahooda kala duwan. Waxaan aamminsanahay in ciyaaraha kala duwan oo si buuxda loo horumariyo ay teed uga tahay dhalinyarada balwadaha xun xun ee ragaadin kara mustaqbalkooda nololeed.

Address

London

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when KAAH PARTY posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category