28/12/2025
*الحمد لله أولاً وآخراً، ظاهراً وباطناً*
Marka h**e, *Ilaahay baa mahad leh* ee na soo gaarsiiyay heerkan wanaagsan ee mashruuceenna. Sannadkan 2025 wuxuu ahaa mid muhiim ah oo guulo badan la gaaray, dadaalkii wadajirka ahaa awgii.
*Rasuulka (SCW) wuxuu yiri:*
*"مَنْ لاَ يَشْكُرِ النَّاسَ لاَ يَشْكُرِ اللهَ"*
*(Qofkii aan dadka u mahadnaqin, Ilaahay uma mahadnaqo)* – Tirmidhi
Sidaas darteed, waxaan si gaar ah *ugu mahadcelinaynaa dhammaan macaamiisheena qiimaha leh*, asxaabta na garab taagnaa, iyo kooxda Golden River Homes oo dadaal joogto ah muujisay. Ilaahay ha idinka abaalmariyo.
Sanadka soo socda ee 2026 waxaan rajeyneynaa horumar, wada-shaqayn, iyo in si wadajir ah loo dhammeystiro hamigeenna dhismaha iyo horumarinta deegaanka.
*Golden River Homes – Wadajir Waan Ku Guuleysaneynaa, Inshaa’Allah.*