Abdullah Haider

Abdullah Haider Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Abdullah Haider, Real Estate, Hargeisa.

After 3 years back to my Land 🙌🙌🙌
11/04/2025

After 3 years back to my Land 🙌🙌🙌

  waa mid ka mid ah agaasimayaasha Aflaamta ugu guulaha badan taariikhda.Magacaygu waa Steven Spielberg dad badan ma oga...
07/09/2022

waa mid ka mid ah agaasimayaasha Aflaamta ugu guulaha badan taariikhda.

Magacaygu waa Steven Spielberg dad badan ma oga in yaraantaydi ​​uu igu dhacay cudurka DYSLEXIA taas oo macnaheedu yahay in aan dhib ka qabay akhriska iyo qoraalka ay sabab u tahay curyaanimada waxbarashadayda.

Caruurta kale ee dugsiga ayaa igu maadsan jirey iyo Macallimiintuna waxay ii arki jireen inan ahay arday caajis badan oo aan waxba isku dayin.

"Xaaladdeydan, gebi ahaantii ma awoodin inaan wax akhriyo ugu yaraan laba sano Dugsiga, Laba sano ayaan ka danbeeyay Fasalkayga.

Waxa aan soo maray qof walba waxa uu ku majaajilooday, waan ka xishooday in aan fasalka soo hor istaago oo aan casharka akhriyo.

Waxan isku dayey inaan si adag u halgamo si aan ula socdo fasalka waxaanan dareemay inaanan awoodin balse markii an dhalinyaro noqdey ayaan halgan badan daahfuray taaso gebi ahaanba badashay noloshaydoo dhan.

waxaan helay Camerad taas oo an la tacaalayey samaynta Aflaamta, samaynta aflaamtu waxay noqotay tii i badashey nolosheyda, aflaamtaana i caawiyey waxaana ay iga caawiyeen ceebtaydi.

Markan ogaadey inan ahay qof la fogeeyey, samaynta Aflaamtu waxay ii abuurtey xirfad fiican.
Waxan sameeyey Film yar markii aan ahaa 12 jir markii an 17 jir ahaa waxan sameeyey 4 Film.

Waxaanan aqbalay inay noloshaydu tahay Film sameeye oo aan noqonayo ka ugu fiican laakiin dadka kale igumay raacin.
Waxaan isku dayey inaan Film ka sameeyo dugsigayga waana layga diidey saddex jeer taaso sababtu ahayd inan ahaa arday imtixaanka dhici jirey.

Laakiin taasi imay niyad jabin waxan iska bilaabey Aflaam kale inaan matalo ay ka mid yihiin: Jaws, Indiana Jones, Jurassic park, E.T, Schindler's let iyo kuwo badan.
Waxaanan u sharaxnaa 17 jaamacadood oo Acaademiyad ah waxaanan ku guulaystey Saddex goor.

Waxaanan noqdey agaasimaha Aflaamta Filmada ka ugu wacan anigoo ah ardey jahliya oo aan awoodin inaan wax akhriyo ama wax qoro oo marar badan ku guuldaraystey imtixaanka schoolka iyo Aflaamtaydi igu horeysay.

"Whether in Success or in failure, I'm proud of every single movie I have ever directed"

"All good ideas start out as bad ideas, that's why it takes so long"

  jobs Qisadii Guushiisa asaasihii shirkada Macintosh ee AppleKhudbad uu ka jeediyey Stanford University ayuu yidhi:  Wa...
02/09/2022

jobs Qisadii Guushiisa asaasihii shirkada Macintosh ee Apple

Khudbad uu ka jeediyey Stanford University ayuu yidhi:

Waligay kuliyad kaman qalin jabin waxbarashada waxan ka dhacay 6dii bilood ee igu horaysay.

Waxanan ku soo koray nolol faqriya hooyaday waxay igu wareejisey qoys kale si ay ii koriyaan, waxaana la i geeyay jaamacada harvard.

6 bilood ka dib, waxaanan arkin faaidada ay ii leedahay jaamacadu waxan iskaga hadhay jaamacada, waxaanan joojiyey fasaladii aan faa'iido ii lahayn.

Sidoo kale mana lahayn qol aan seexdo waxaanan iibin jirey quraaradaha wax laga cabo si aan uga helo cunto.

Waxan ku biiray kuliyada Farshaxnimada hadaanan jaamacada ka hadhayn muu jireen Peronal Computer and Macintosh.

Waxan asaasay shirkada Apple waxaanu noqday shirkad hesha 2 bilyan iyo 4000 shaqaale oo ka shaqeeya.

Markii 30 jir noqday waxan soo saaray Computerkii ugu wacnaa balse shaqadii baa layga eryay.

Waxaana layga eryay shirkada anoo leh aniga iyo kooxdaydi waxan shaqaalysiinay qof aan u aragno inuu naga maskax badan yahay oo shirkada anfacaya sanad ka bacdi isagana laygu bedelay aadbaana lay fogeeyay, saaxiibaday way ka xumaadeen ficilkan sameeyey.

Markii layga eryey waxan bilaabay 5tii sano xigay shirkad la yidhaahdo Next iyo Pixar, waxan curiyey flimkii cartoonka ugu horeeyey oo la yidhaahdo Toy.
Toyna wxuxu noqday Studio Aflaamka Cartoonka ka ugu fiican.

Hal isbuuc ka dib Apple ayaa iibsatay shirkaydii Next shirkadaaso Apple ka hesho imika 400$ milyan waxaana dib laygu soo celiyey shirkadii Apple si an dib ugu maamulo.

Xaqiiqdii hadaanan Apple kusoo noqon waxaaso horumara may yimaadeen shirkada.

"Never stop dreaming"

Address

Hargeisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdullah Haider posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Abdullah Haider:

Share

Category