21/06/2024
Waxaan u mahad celinayaa maamulka iyo shacabka deegaanka Dawgaab ee Gobolka Mudug, sida xilkasnimada iyo isku tashiga ah ee ay ugu istaageen badbaadinta deegaanka Dawgaab. Mudanayaal waxaad tihiin geesiyaal taariikhdu qoridoonto, mana ahan markiinii koowaad ee marar badan ayaad is hortaagteen Burcad geedeed.
Waxaad mudantihiin amaal marin. Waxaa kaloo jira deegaanada Sadex Higlo, Dagaari iyo meelo kale oo tilaabo ka qaaday Burcad Geedeedka Xaalufka caadaystay iyo deegaano kale la dagaalamay xaalufka. Xaalufku wuxuu Mudug hadda ku haray deegaanada Xaaro, Dhidhin, Dhambayl iyo dhulka u dhexeeya Xeero dahab, Gawaan iyo aaga Wisil. Deegaanadaas waxay hoos tagaan masuuliyiin loo magacaabay waxaana looga baahan yahay in ay xilkooda gutaan oo ku daydaan deegaanada mamnuucay in dhirtooda la xaalufiyo, waxaa jira in dhirta lajaray qaarkood ay marin ka dhigteen degmada Afbarwaaqo oo ay meelo kale ugasii gudubto arinkaasna lama aqbali karo. waxaa jiri doona isla xisaabta masuuliyadeed mid aduunyo iyo mid aakhiro.