06/05/2026
Xalay fiidkii, xarunta Golaha Dhalinta Ee Rays waxaa si habsami leh uga qabsoomay barnaamij muhiim ah oo cinwaankiisu ahaa “Modern Leadership for Young Generation”, kaas oo ay ka soo qeyb galeen dhallinyaro aad u xiisaynaysa horumarinta hoggaaminta casriga ah.
Barnaamijkan waxaa si qoto dheer u soo jeediyay Professor Cabdullaahi Shaafici Cabdullaahi, oo la wadaagay ka qeybgalayaasha aqoon iyo waayo-aragnimo ku saabsan hoggaaminta casriga ah, doorka dhalinyarada, iyo sida ay uga qeyb qaadan karaan horumarka bulshada.
Golaha Dhallinta Rays wuxuu sii wadi doonaa dadaallada noocan oo kale ah ee lagu horumarinayo aqoonta iyo kartida dhalinyarada.