Darwiishka Nool

Darwiishka Nool Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Darwiishka Nool, Real Estate, Mogadisho.

20/12/2025

Abwaan Cumar Budul gabay cajiib ah.

Taariikhda Daraawiishta Qaybta 3aad- 21 Dec 2025—28 Jamad-Saani 1447Sayidku waxa uu soo maray magaalada Burco oo waagaas...
20/12/2025

Taariikhda Daraawiishta
Qaybta 3aad-
21 Dec 2025—28 Jamad-Saani 1447

Sayidku waxa uu soo maray magaalada Burco oo waagaas ceelal biyaha laga cabbo ahayd. Oodwayne markuu waayo joogay waxa uu u jahaystay geesta ceelka Caynaba. Meel lagu magacaabo Qoryowayn ayaa uu ugu tegay beelaha Muuse Abokor (Habarjeclo). Halka waxa uu ka sameeyey xurunta diinta lagu barto. Muddo markii uu halkaa dadka wacdi iyo waano ku waday ee dadkii waxoogaa koray ayaa uu ku dhawaaqay Jahaadka.

Halkaas ayaa lagu bixiyey magaca Daraawiish. Labadii qori ee ugu horreeyey waxa Sayidka u keenay niman Aadan Madoobe iy Yeesif ugu jira. (Habarjeclo).

La soco Qaybta 4aad.

Sayid Maxamed waxa yimi magaalada Berbara waqti ku beegan 1895 meelahaa. Waxa uu muddo ku sugnaa magaalada Berbara halka...
19/12/2025

Sayid Maxamed waxa yimi magaalada Berbara waqti ku beegan 1895 meelahaa. Waxa uu muddo ku sugnaa magaalada Berbara halkaas oo uu ku guursaday gabadh Dhulbahante ah.

Muddadii uu Sheekhu joogay Berbara waxa uu kala kul dhawr dhacdo oo cajiib ah.
1- Waxa cashuur lagaga qaaday dhulkii uu ku dhashay ee xuduntiisu ku aasnayd, taasi oo uu ka dagaallamay waa sidii nin gobi yeeli lahaaye.
2- Waxa khilaaf wayn dhex maray wadaaddadii Qaadiriyada ee reer Berbera. Waxa la isku maandhaafayna waxa ugu waynaa, la shaqaynta gaalada iyo xaaraannimada qaadka.
3- Waxa uu magaalada Berbara maalin ku arkay nin baadari ah oo wiilal Soomaaliyeed wata. Waxaana la sheegaa in uu dhulka dhagax ka qaatay oo ku dhuftay gaalkii, ka dibna waxa uu yidhi, " Ilaahayoow! intaasaan maanta awoodaa".
4- Waxa uu maalin booqday laba iskuul-gaalaad oo ku yaallay tuulada Mijacase iyo Dhaymoole, halkaas oo uu kula kulmay wiilal yaryar oo loo dhigo diinta kiristanka. Waxa uu wayddiiyey mid la mida "Adeer magacaa"? Ka dibna waxa uu yidhi, "Joon". "Markii h**e maxaa lagu odhan jiray?" Waxa uu ku jawaabay "Maxamed". Waxa uu yidhi "Tollaay sawtaa careerteennii la duufsaday".

Waxa Sayidku magaalada Berbara xagga gobolka Togdheer. Waxa uu sii maray meesha hadda Burco tahay oo ceelal xooluhu ka cabbaan ah. Waxa uu aakhirkii tegay magaalada Oodwayne oo lixdan KM Burco kaga beegan Galbeed. Waxa halkaa ku soo dhaweeyey beesha wayn ee Habaryoonis oo uu hoggaaminayo suldaankoodu guud suldaan Nuur Axmed Ammaan.

Labada beelood ee Habaryoonis iyo Habarjeclo ayaa taariikhdu xustaa in ay aheeyeen ciddii ugu horraysay ee Sayidka soo dhawaysa iyo ciidankii ugu horreeyey ee uu helo.

19/12/2025

Abwaan Dhagawayne Macallin waa mid dadka hal-abuurka nool ugu farxashansan.

Ina Samatar Feeljeex nool, lagugu suureeye. Ina Samatar Fooljeex garanmaayaan caruurtu, laakiin aabbayaashiin baa waraysan doontaan.

Taariikhdii DaraawiishQaybta 2aad. Sayid Maxamed waxa uu ku dhashay duleedka magaalada Buuhoodle. Sannadka uu dhashay Sa...
18/12/2025

Taariikhdii Daraawiish
Qaybta 2aad.
Sayid Maxamed waxa uu ku dhashay duleedka magaalada Buuhoodle. Sannadka uu dhashay Sayidku waxa ay reer guuraagii waagaasi u yaqaanneen Gobaysane. Sida uu sheegay sheekh Jaamac Cumar Ciise, Cali Dhuux Aadan Goraya ayaa ay laba habeen oo is xiga dhasheen Sayidka.
Waxa uu Qur’aanka ka bartay wadaad lagu magacaabi jiray Kudquraan. Waxa loogu bixiyey sida sheekh Jaamac sheegay cilmiga dheeraadka ah ee uu u lahaa Quraanka Kariimka ah. Sayid Maxamed waagii uu yaraa waxba dadka caadiga ah kagama duwanayn. Waxa la sheegaa in uu aad u jeclaa fardo-fuulka. Waxa kale oo cilmiga ka qaatay nin la odhan jiray, Sheekh Abokor ‘Fooldheere’.
Waxa uu Sayidku safar xaj u aaday Sucuudiga, isaga oo ay la socdaan kow iyo toban nin oo reer Nugaaleed ah dhammaantood. Waxa la sheegayaa in Sayid Maxamed xajka gadaashii ku hadhay magaalada Makka. Raggii kale qaarna way ka soo noqdeen kuwana way ku hadheen. Waxa ka mida ragga culimada ahaa ee Makka ku hadhay sheekh Axmed Fiqi oo qabiilka Abgaal ka dhashay, aakhirkiina darwiish wayn noqday. Waxa uu sheekh Axmed ku dhintay markii danbe meel Beledwayne u dhaw.

Sayidku markii uu soo noqday waxa uu soo maray Magaalada Cadan oo markaa Soomaalidu aad u deganyiin. Halkaa waxa la sheegaa in isku dhacii ugu horreeyey ku dhex maray Sayidka iyo Ingiriiska. Safarkiisii waa uu sii watay, waxaanu aakhirkii gaadhay magaalada Berbera. Halkaa ayaa haddana gaalkii ka dalbaday cashuur uu dadka dekedda ka soo dega ka qaadi jiray, balse Sayidku waxa uu ku yidhi gaalkii, “Adigu halkan markii aad ka soo degaysay yaa kaa qaday cashuurta?” Waana halka uu ka raacay magaca “WADAAD WAALAN” ee gaaladu u bixisay Sayidka

Wilaayada baraha bulshada ismuujiya.Waxa aan baahin doonaa taariikhda halgankii Daraawiishta. Wada shaqaynta iyo fogaynt...
17/12/2025

Wilaayada baraha bulshada ismuujiya.

Waxa aan baahin doonaa taariikhda halgankii Daraawiishta. Wada shaqaynta iyo fogaynta maqaalku waa xaggiina.

Waxa laga wariyey qoraaga caanka ah ee sheekh Jaamac Cumar Ciise AHN in Sayidka awawgii sheekh Xasan cilmiga diinta ka bartay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, ka dibna uu ka hayaamay oo degay dhulkii Nugaal la odhan jiray, halkaana uu ka bilaabay faafinta diinta islaamka, Isaga oo xer uu sameeyey cilmiga u meerin jiray. aadna looga aflixi jiray dugsiga sheekh Xasan.

Waxa uu sheekh Xasan AHN la degay qabiilka wayn ee Dhulbahante oo uu gabdho dhawr ah ka guursaday. Waxa halkaa ugu dhashay dhammaan wiilashiisa tobanka ah ee sheekh Cabdille na ku jiro.

Address

Mogadisho

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Darwiishka Nool posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category