Golaha Halyeyga NOOL

Golaha Halyeyga NOOL Kaqeybqaado Halganka Dalka looga Xoreynayo "UGUS"

Maalin wanaagsan
15/10/2022

Maalin wanaagsan

09/10/2022
Xog Muhiim ah oo Warbaahinta Codka Ciidamada SNA RADIO  ay ka heshay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegeysa in Afhayeenka...
05/10/2022

Xog Muhiim ah oo Warbaahinta Codka Ciidamada SNA RADIO ay ka heshay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegeysa in Afhayeenka Argagixisada Alshabaab Dhagar Qabe Cali Dheere Axadii lasoo Dhaafay 04:30 galabnimmo uu ku geeriyooday degmada Aadan Yabaal ee gobolka Sh. dhexe.

Dhagar qabe Cali dheere ayaa maalmahaan Isbitaal la jiifay Dhaawac Culus oo kasoo gaaray Dagaal Ciidanka Xoogga & Shacabka Xoreynta Hiiraan ay argagixisada kula galeen
deegaanka Ceel-qooxle ee gobolka Hiiraan, Khamiistii lasoo Dhaafay oo taariikhdu ay ku beegneyd 29. Sep. 2022, dagaalkaas oo Cadowga looga dilay ku Dhawaad 80 Maleeshiyaad ah oo uu ku jiro horjooge lagu magacaabo Qoorgaab, kaasi oo qaabilsanaa waxa ay ugu yeeraan jabhadaha, gaar ahaan kuwa ku dhuumaaleeysta Shabeelooyinka.

Argagixisada Alshabaab ayaa sida looga bartay qarinaya Dhimashada Dhagar Qabe Cali Dheere oo kamid ahaa Horjoogeyaasha ugu Dhagarta Badan Cadowga AS

By SN Radio.

Talo walaalkiis Diide Waa Turunturooda
05/10/2022

Talo walaalkiis Diide Waa Turunturooda

04/10/2022

Waxaa soo baxaya calaamado layaab leh oo muujinaya Jabka gaaray Khawaarijta.

1- qaar ka mid ah Ganacsatada ay lacagaha baadda ah ka qaadanjireen ayay ku amreen in ay u hormariyeen labo Sano Baaddii ay ka qaadijireen ee ay Zakawaadka ugu magacdareen!

Micnaheedu waa in ay fahmeen in aanay joogayn sidaas awgeedna ay horay usii qaataan wixii ay helikaraan, balse waxaa nasiib wanaag ah in ganacsatadii ay bilaabeen in ay diidaan amarkaas baad doonka ah.

2- markii ay u adkaysanwaayeen xawliga uu ku socdo kacdoonka Shacabka ee ka dhanka ah, Khawaarijtu waxeey saaka soo sawireen koox Dad ah oo ay qoryo udhiibeen kuwaas oo isugu jira Shacabkii ay afduubteen iyo xubno iyaga ka tirsan.

3- iyadoo la ogyahay Weeraradii cabsigalinta ahaa ee ay Shalay ku qaadeen reer Hiiraan ayay halkii ay ka filayeen in laga cararo waxeey saaka reer Hiiraan dib ugala wareegeen dhul Balaaran oo ay Khawaarijtu haysatay

Arrimahaan oo dhan waxeey imaanayaan iyadoo aanu wali rasmi ubilaabaan dagaalkii k**a danbaysta ahaa iyo iyadoo hawshuba socoto wax ka yar Bil.

Tani waxeey muujinaysaa sida ay khawaarijtu utabaryartahay isla markaana loosoo gaaray xilli dhamaadkoodii, balse si ay taas uqariyaan waxeey isku dayayaan in ay qaadaan falal fulaynimo ah oo ay Shacabka ku argagaxgalinayaan, waxayse hilmaansanyihiin in aanay Shacabka Soomaaliyeed ufurnayn waddo aan ahayn in ay ka adkaadaan Kheaarijta Shabaab oo uu dhamaaday waqtigii la isla noolaankaray.

W/Q Wasiir ku xigenka wasarada warfafinta dhaqanka iyo dalxiska dowlada Somalia

Argagixisada Jil-jileec dhan yeysan idinka helin

DEG DEG Wiilka Hassa Dahir Awais Ee Ibraahim waxa uu la dhintay Cabdullaahi Nadiir, waxa ayna wada Saarnaayeen Gaari uu ...
03/10/2022

DEG DEG Wiilka Hassa Dahir Awais Ee Ibraahim waxa uu la dhintay Cabdullaahi Nadiir, waxa ayna wada Saarnaayeen Gaari uu Darawalka Horjoogaha ku sedexeeyay.

Cabdullaahi waxaa u dhexeysay Haweenay la dhalatay Hassan Dahir Awais.

Kowdii Bishan ayay u soo dhamaatay Maalmahoodii Wasaqaysnaa.

02/10/2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda" Al-shabaabka is qarxinaya waxaa ka daran ganacsadaha dhaqaalaha siinaya"

Address

Dabka
Mogadishu
25261

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Golaha Halyeyga NOOL posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Golaha Halyeyga NOOL:

Share

Category