29/06/2022
GUD-GUDE iyo GARNAQSI, oo Hadraawi iyo Dhoodaan kale curiyeen; fahamkayga waa labada gabay ee ugu qiimaha badan guud ahaan gabayadii Abwaanada Soomaliyeed tiriyeen nus qarnigii u dambeeyay, safka h**e na ka galaaya guud ahaan suugaanta qowmiyada Soomalida. Labada halgamaa waxay cabirayaan dareenkooda ah, werwer ay ka qabaan xaalada uu ku sugan yahay halgankii ay horumuudka ka ahaayeen; waxay qawadsan yahiin sida ay wax u socdaan.
AHN Cabdullaahi Macallin Dhoodaan, wuxuu Garnaqsi tiriyey 1974; wuxuu ka cabanayaa dawladdii ay hiilka ka filayeen, kuna eedaynayaa inay gacan bidixaynayso, oo halgankii ummadda garaba duubayso, lagana dhigtay kaadh siyaasadeed oo marna cid culayska lagu saaro marna lagu gorgortomo. Wakhtigaa waxay Muqdishi marti galisay shirkii Midowga Africa ( OAU ), waxaa amar madaxweyne lagu xidhay qaarka mid ah saraakiisha Ururka sida Maxamed Diiriye Uurdoox, si aanay si hoose ula kulmin madaxda shirka ka soo qaybgalaysa.
Maxamed I Warsame (Hadraawi), isna wuxuu qawadsan yahay sida hoggaankii uu ka mid ahaa wax u wadaan; waxaa u muuqday in wixii loo halgaamayey laga baydhayo, oo dano gaar ah iyo arrimo kaloo guracan lagu foogan yahay. Hadraawi muu ahyn uun, nin suugaan ku dirir ah; wuxuu ahaa hoggaamiye siyaasadeed iyo mid ciidanba.
Wuxuu wakhtigaa ahaa Guddoomiyaha gudigga joogtada ah ee SNM, mansab ahaan waxaa kaliya ka sareeyay Guddoomiye Axmed Siilaanyo; sidoo kale wuxuu ka mid ahaa Sarkaashii hoggaaminaysey ciidaankii cuslaa ee 88kii galay Burco, ka dib hishiiskii dhexmaray Ethiopia iyo Soomaliya. Tamarta iyo ka go'naanta halganka ee Hadraawi waxaad ku garan kartaa maansadiisa ' Daalaley'. Taageeraysha SNM waxay u yaqaanaan " Daalaleydii, dal ba xoreysay". Labada gabay wax kow ka yahiin, suugaanta lagu curiyey dareenka u sareeya, oo godlasho awgeed uu Abwaanku iska burqamo.
• GARNAQSI
Markuu geed koraayaba ninkaan badhi-gantaalaayey
· Isna laanta ila goynayaan gacalka moodaayey
· Gabadhuu jeclaadiyo ninkaan gaaridaw mehershay
· Isna taydii iga guursadaan gacalkay moodaayey
· Guri aan furaashiyo ninkaan gogol macaan seexshay
· Isna dhaxanta igu guuliyaan gacalkay moodaayey
· Gurgurshaaga kii aan u rareen gabanada u saaray
· Isna kaygii soo gowracaan gacalkay moodaayey
· Gacantii maroodiga ninkaan galab kasii daayey
· Isna gaws libaax igu ridaan gacalkay moodaayey
· Garnaqsaday guddoonkiina waa nin iyo gaarkiise
· Gadaafada haddaad odhan lahayd laguma gaadhsiinin
· Ninkaa gebiga igu soo dunshayoow soow ku garan maayo
• GUD-GUDE
- Weli gumucu meel baydhsan buu, gawda ku hayaaye
- Gariirkaad maqlaysaan ka dhow, goobahaan rabaye
- Gadhqaadkeedu waa leexsanyahay, waana gudayaaye
- Garar loo maleeguu ku ridey, guura socodkiiye
- Guudkeedu waa wada fin iyo, gaatir iyo booge
- Hadday gooli-baadh tahay, waxaa gabay raggeediiye
- Guyaal iyo guyaal bay rarteen , gocorro shaydaane
- Iyadoon goblamin baa haddana , geelo loo hadhaye
- Gol-dalooladeedaa ka badan, galalka ciideede
- Inkastoo giyigu waa xormee, gaadhka lagu meershe
- Inkastuu gaggaabkii cuslaa, garangar duul duulay
- Xaajada god-raaca leh haddii, loo gabbala eego
- Sida ay u kala geysan tahay, way gun dheertahaye
- Kol haddaan garaad lagala hadhin, galabba sheeggeeda
- Inta maanku gaajeysan-yahay, guuli waa weliye
- Gashigayga way dhaqanyihiin, gaasaskii qabayem
cadaalada waa noolasha barkeeda