19/12/2023
SHEEKADII AYAAN DARAN QEYBTII LABAAD
Dugsiga Macallin Jaamac, Asli waxay ku baratay gabar ugu yaraan Shan sano ka weyn oo la yiraahdo Canab oo ay isku fasal noqdeen. Canab waxay ka dhalatay qoys aad ugu dheggan dhaqankii h**e, looma oggoleyn gabadhu in ay guriga ka baxdo amar la'aan, haddii ay soo daahdana ul iyo suunka aabbaheed baa lala dhici jiray. Cadaadiskii Canab qoysku ku hayey k**a nabad gelin in
ay ku kacdo xumaatadii waalidku ka cabsanaayey.Canab iyadoo mar marsiinyo macquul ah sheeganeysa bay ballan la dhigan jirtay rag aan mustaqbalkeeda dan ka lahayn, waxayna gaartay heer ay qaadka haddii aanay helin xay-raanto,sigaarkana midba mid bay ku daari jirtay.Shariif Macow iyo Xaajiyo Xaliimo oo ahaa waalidkii Canab waxba k**a ogayn amuuraha dhacaaya, waxayna la ahayd maaddaama aan cidna gurigooda Soo gali karin oo loo oggalayn, in gabadhoodu bed qabto.
Asli waxay tegi jirtay guriga Canab oo ciddii oo dhan ay is barteen, Canabna sidoo kale ayey ahayd.Maalin maalmaha ka mid ah waxaa Canab iyo Asli dhex maray doodda soo socota:
Walaal Asli horta saaxiib ma leedahay?
Saaxiib aah! Maya,ma lihi,adiguna?
llaahay saaxiib la'aan ima dhigo...sannadkii h**e waxaan saaxiib la ahaa wiil magiciisa la yiraahdo Axmed oo Sarkaal ahaa, waa is dagaalnay, kaddibna waxaan la saaxiibay wiil kale oo Macallin ah, isna waa heshiin weynay sannadkanna waxaan bartay wiil kale oo caafimaadka ka shaqeeya oo ah inan aad u dabci fiican, waana aad taqaanaa waa wiilkii galabtii aan imtixaanka u soo noqoneynay illinka noo taagnaa oo aan tagsiga wada raacnay, kaddibna labadayadu aan la gudubnay waxaana magiciisa la yiraahdaa Khaliif.
Asli waxaa ka soo haray dheygag iyo dhafoor hays,faraxii lagu aqoon jirayna wuxuu isu beddelay yaab, waayo k**a ay fileyn saaxiibteed barnaamijka ay guda gashay. Asli oo yaabban baa waxay tiri:
__“ Canabey goormaad khaliif is guursaneysaan”?
__ Waxaan is guursaneynaa sanadka dambe markaan fasalka 8aad ka baxo.Khaliif oo ahaa nin daacad ah markiiuu ogaaday taariikhdii Canab uuna la kulmay raggii ay h**e isu yiqiinneen buu goostay in uu ka haro, inkastoo uusan rasmi ahaan ugu sheegin, wuxuuna deriska ku oran jiray ma joogo dhaha haddii ay isagoo guriga ku jira aay
timaaddo.Canab waxay maalintii dambe ku soo kadisay Khaliif oo aanay ka qasnayn oo la jooga gabar Canab ay h**e sheekadeeda u maqashay ayna ku tuhunsanayd in Khaliif saaxiib layahay, Canab oo idhaheeda ilmo ku soo joogsatay oo caraysan baa barsadda kursi jiif yaalay saldhaysatay intay gurigii dib uga noqotay, Khaliif oo qoslaaya baa intuu gabadhii soo kaxeeyay iyada iyo Canab is baray,markaa kaddibna Canab buu dibadda u soo galbiyay, wuxuuna daaradda ugu sheegay in uu yeeshey
saaxiibad cusub,iyadana wuxuu ka codsaday in ay ka harto oo mar dambe aysan gurigiisa imaan.Canab oo kacsan baa tagtay gurigii Asli, waxaayna u sheegtay
wixii qabsaday,Asli waa qososhay, waxayna ku tiri, “ maxaa ka macna ah ma nin baad waayeeysaa
Laso qeybta sadexaad
Biri 10:00Am
Waayaha Danbe