15/01/2024
GANACSIGA SOOMAALIDA OO SUUQA KA BIXIDOONA HADDII AY SIDAAN KUSII SOCDAAN:
GANACSIGA DADKEENA AYAA LA SAADALINAA IN LAGALA WAREEGIDOONA SABABA BADAN AWGOOD, GANACSIGA BULSHADEENA SOOMAALIYEED BADANA WAXA UU YAHAY GANACSIGA WAX SII IIBINTA (TRADE).
GANACSADAHA SOOMALIGA AH WAX MA SOO SAARO, MA CASRIYEEYO (no innovative) ALAAB UU KA KEENAY CHINA, UAE IYO WADAMADA KALE AYUU INTA BADAN DIB U IIBIYAA.
GANACSATADEENA MA BARTAAN XIRFADA IYO AQOONTA GANACSIGA (modern Business study skills). GANACSIGOODA INTA BADAN OO MID H**E ( Traditional Trading Business). MANA LAHA XIRFADA IIBKA IYO TACAAMULKA MACAAMIILKA ( SELLING SKILLS AND CUSTOMER CARE), INTA BADAN LAMA QABSANKARAAN SUUQAYADA CAALAMIGA AH IYO GANACSIGA CAALAMIGA AH. SIDAA DARAADEED MA SII JIRIDOONA HADDII SOOMALIYA AY YIMAADAN GANACSATO AJAANIB AH SIDA KUWA BULSHADA BARIGA AFRIKA (EAC)
MANA JIRTO SHARCI U DIIDAYO IN AY SOOMALIYA SUUQYADEEDA AY KEENAAN ALAAB IYO ADEEG GANACSI OO HORMARSAN.
XITAA GANACSIGA ADEEGA AH AY BIXIYAAN SHIRKADAHA IYO GANACSATADA SOOMALIYEED AAD AYUU U LIITAA. HADDA SIDA AAN OGNAHAY GANACSIYADA SIDA, Hoteelada, Maqaayadaha, Isbitaalada, Dhismaha, Waxbarashada, Foornooyinka, iyo Farsamada waxaa kusoo batay AJAANIBTA.
SHAQOOYINKA AJAANIBTA MAANTA AY INOO QABTAA, AYAGA AYAA MULKIILA KA NOQONDOONO MUSTAQBALKA DHAW.
SHAQOOYINKA AJAANIBTA MAANTA UGU CAANSAN MUQDISHO WAXAA KA MID AH, DHAQTAR, BARRE (Macalin), CUNTO-KARIYE (chief ama cook👨🍳), ENGINEER AMA SHAQAALLE DHISMO, Duuliye (pilots 👨✈️ ), Farsamada Gacanta (sida KUWA Cilad bixiya Shirkadaha isgaarsinta), KUWA ushaqeeya Hay’adaha Maxaliga ah iyo Dowlada oo qabto shaqooyin badan oo Muwaadinka qaban karo!!
AJAANIBTA SOOMALIYA KA SHAQEYSO AAD AYEY USII BADANAYAAN, INTA BADANA DAQLI MASOO GELIYAAN WADDANKA WAX AY KA QAADAN MOOYE, tusaale waxaa muujinayo kiiskii Maxkamada G.Banaadir ee Musuqmaasuqa markii laga hadlaayey VISA PERMIT KA waxaa laga sheegay in hal bil kaliyah 2500 oo Visa Permit la siiyey Shaqaalle AJAANIB ah.
JANZIYADAHA SHAQAALLAHA AJAANIBTA SOOMALIYA KA SHAQEYSA INTA U BADAN,
1. Syria🇸🇾, 2. Yemen 🇾🇪, 3. Kenya 🇰🇪, 4. Uganda🇺🇬, 5. Ethiopia 🇪🇹, 6. Egypt 🇪🇬, 7. Sudan🇸🇩, 8. Turkey 🇹🇷, 9. South Africa 🇿🇦, 10. China 🇨🇳,11. India 🇮🇳 iyo KUWA kale oo badan.
SABABAHA LOO JECELYAHAY SHAQAALLAHA AJAANIBTA.
1. Aqoonta Oo Nagu yar, Xirfadooda oo loo bahanyahay.
2. Dadka Oo Aaminsan in qofka Ajaanibka ah oo ka Fiican yahay QOFKA SOOMALIGA ah. Tusaale (isbitaalada waxaa la aaminsan yahay Dhaqtarka Cad oo Ajaanibka ah ee Turkey ama Syrian ka ah in uu ka aqoon iyo cilmi badan yahay Dhaqtarkeena soomaliga ah ee kugu luuqada ah.
3. Daacadnimada SHAQAALLAHA AJAANIBTA oo laga Faaideysto, QOFKA SOOMALIGA laguma shaqeysankaro, lama amrikaro marwalibana Shaqadda Daacad uma ahan wuuna Marmarsiyo badan yahay.
4. Firfircoonida iyo iyaga oo Yaqaana Xirfada Isgadida ama Kasbashada Madaxda Shaqada.qosol been ah iyo soo jiidasho ay dheeryihiin Ku Muwaadiniinta ah. (Fake smile 😊 & attractiveness)
5. Dantooda iyo Shaqaddooda oo Kaliyah ayey ku Mashquullaan halka shaqaallaha Wadaniga ah oo ka sheekeyo Sirta Shirkada, Qiyaano sameeya, Xan Badan iyo iyaga oo Dhexdooda isdulmiya.
Dan miyaa inoogu jirta SHAQAALLAHA AJAANIBTA?
Haa, Dan weyn ayaa ku Qabnaa iyagana nagu Qabaan balse dhanka kale Dhibna wey jirtaa!
Keebaa badan Dhibtooda iyo Dheefta aan ku Qabno SHAQAALLAHA AJAANIBTA waa Arrin u Baahan si qoto dheer in loo darso. Fakir ahaanteyda Qasaaraha aan ku Qabno aad ayuu u weyn tahay oo uma baahnin in AJAANIB aan shillin siino oo u baahan yahay Wadaniga Wallaalka ah; sababtoo ah Xitaa Sadaqada Qaraabadaada Baahan ayaa ka mudan maskiinka kale.
Waxaan qabaa in aan Dan ku qabin Shaqaalle AJAANIB ah sababahan dartood;
1. Lacagta La siiyo SHAQAALLAHA AJAANIBTA oo Mushaarkooda ah Waxey Aadeysaa Wadan kale halka SHAQAALLAHA Wadaniga ah ay lacagta uu qaato suuqa laga dareemayo oo ay wareegeyso taas oo ka qeyb noqoneyso kobaca Dhaqaallaha wadanka (Currency circulation and Economic growth),
2. Isfahamka oo Aad u dhib badan(Communications and Culture difference) sababto ah SHAQAALLAHA AJAANIBKA AH, luuqada weykala duwan tahay, Xariirka iyo Dhaqanka la qabsigiisa oo Adag Una Baahan Turjumaan, taas oo lacag badan(lacagta turjumanka) iyo Waqtiba badan u baahan;
3. WUu ka Qarash badan yahay SHAQAALLAHA Wadaniga ah oo waxa uu u baahan yahay SHAQAALLAHA AJAANIBKA ah Sharciyad in aad u sameysid waa Qarash, Guri iyo Deegan uu D**o, Amnigiisa waxa ay u baahantahay Mas’uuliyad iyo Qarashka noloshiisa sida Cunnadiisa oo ka baxsan mushaarkiisa,
4. AQOONTA SHAQAALLAHA AJAANIBTA SOOMALIYA USOO SHAQO DOONATA OO YAR, sida aan la wada ogyahay Shaqaalle Aqoon Fiican leh Wadankiisa ayaa u Baahan mana soo Aadayo Marka h**e haddii aqoontisa Dhameystiran tahay waayo Dalkiisa iyo Dadkiisa ayaa u baahan mana soo aadayo Dal SOOMALIYA oo kale ah. In badan oo SHAQAALLE AJAANIB ah ayaa Ah Danbiile, dalkiisa kaga soo cararay Dambi uu ka Galay. Qaar badan ayaa xitaa Aqoontoda iyo Shahaadooyinkoda ka Been Sheega. Sidookale dhibaatoyin ay sababeen oo badan ayaa jirta oo aqoondaradooda ah sida in ay Qaliin ay aqoon u Laheen muwaadin ku dilaan waa kiisas badan oo jira
5. Ayaga oo SHAQADDA ka taga sababa in aad macaamil badan ku weyso, waxa uu Rabaa si ku MEEL gaar ah in uu kugu shaqeeyo markii wax isugu Aad-aadan waxuu ku laabana wadankiisa. Waana Qasaaro
6. KUWA kaloo badan
Adiga sidee kula tahay oo lagu Xakameenkaraa SHAQAALLAHA AJAANIBTA?
Dhallanyaradeena ma SHAQO la’aan ayaa heyso mise Xirfad la’aan?
UGU DAMBEYN SOOMALIYA AYAA KU MAAHMAHDA
“Rooti Nin aan Cunnowgiisa Aqoonin ayey agtallaa”
Waddankena fursadaha yaallo iyo sida ugu Gaajeesan nahay ismalahan?
W/Q Abdirahman Hajji Shafici