01/11/2024
Waxaa sharaf noo ah inaan kaalin muuqata ka qaadanno taabagelinta Bandhigga Suuq SIMAD oo ay soo qaban-qaabisay Jaamacadda SIMAD, laguna qabtay Beerta Nabadda ee Muqdisho, iyadoo halkudhigga sanadkan uu ahaa "Hal-abuur dhaafsiisan xuduudaha." Bandhiggan, oo shalay soo dhammaaday, ayaa xoogga lagu saaray dhiirrigelinta hal-abuurka ganacsi.
Future Properties waxay soo bandhigtay dhismayaal casri ah oo ay h**e u hirgelisay iyo kuwa hadda socda, kuwaas oo u taagan waartaanka iyo horumarinta hantida ma-guurtada ah, annaga oo la wadaagnay aragtideenna ku aaddan mustaqbalka dhismayaasha casriga ah.