28/03/2026
Alxaqiiqah
IL WAREED: Ciidanka Itoobiya ayaa laga cabsi qabaa inay banneeyaan degmooyinka KGS ee ay dhowaan qabsadeen kooxaha maleeshiyaadka ee Muqdisho laga soo abaabulay.
Sarkaal ka tirsan mid ka mid ah hay'adaha samafalka ee ka hawlgala Baay iyo Bakool ayaa noo sheegay in xafiiskooda gobolka Bakool lagu wargaliyay inay shaqaalaha la baxaan iyadoo ay jirto cabsi ah in ciidanka Itoobiya ee jooga Xudur, Buurhakaba, Waajid, Qansax Dheere ay baneeyaan deegaanadaasi.
Waxaa iyana lasoo waraniyaa in kooxda Shabaab ay maleeshiyaad tiro badan ku soo daabuleen deegaanada miyiga iyo waddooyinka u dhexeeya degmooyinka Waajid, Xudur, Qansax Dheere, Yurkud iyo deegaanada ku teedsan Buurhakaba.
Haddii ciidamada Itoobiya ay ka baxaan degmooyinkan waxaa suuragal ah in Shabaab ay si fudud ku qabsan karaan dhammaantood, waana deegaano muhiim ah oo muddo ka badan 10 sano amni ahaa, oo Shabaab laga hortaagnaa.