Hareed Goodeey

Hareed Goodeey “Falanqeyn fudud • Fikrado qoto dheer
Waxbarasho, Wacyigelin la isku halayn karo iyo fikirka bulshada Soomaaliyeed”

Dhamaan hantidiisa ayuu u saxiixay xaaskiisa lacagtii bankiga u taalay, guryahiisa & gawaarida balse wuxuu ahaa shiid aa...
06/01/2026

Dhamaan hantidiisa ayuu u saxiixay xaaskiisa lacagtii bankiga u taalay, guryahiisa & gawaarida balse wuxuu ahaa shiid aan waxba haysan.

Dhalinyaro haddii xaaladdu kugu addag tahay oo saaxiibtaa ama saaxiibkaa kugu adkeeyey waxba ha iska waalin kaliya waxaa...
04/01/2026

Dhalinyaro haddii xaaladdu kugu addag tahay oo saaxiibtaa ama saaxiibkaa kugu adkeeyey waxba ha iska waalin kaliya waxaad u baahan tahay inaad xiriir la sameysid madaxweynaha mareykanka ee Donald J Trump isagaa daf Soo dhahayo.

Sawirka waxaa igu wehliye walaalkeey Ahmed Ali Ahmed oo taladaan ay muhiim u tahay.

Sheekada iyo sawirka isma lahan.

Sanadkii h**e niyada ayuu inoo dajiyey oo waxaa guuleystay saaxiibo badan, sanadkaana waxa aan rajeynayaa inuu qalbiga i...
02/01/2026

Sanadkii h**e niyada ayuu inoo dajiyey oo waxaa guuleystay saaxiibo badan, sanadkaana waxa aan rajeynayaa inuu qalbiga inoo daggo oo guulaha sii bataan.

28/12/2025

Ninkii wasiir dubbe ahaa waan u garaabay kadib markaan arkay gar dhigashadiisa xaqiiqda ku qotantay.

Hambalyo walaalkega qaaliga ah Daahir Abdiqadir Farah iyo marwadiisa Ayaan Abdisalaan 💍🎉Maanta waa maalin weyn oo taarii...
23/12/2025

Hambalyo walaalkega qaaliga ah Daahir Abdiqadir Farah iyo marwadiisa Ayaan Abdisalaan 💍🎉
Maanta waa maalin weyn oo taariikhi u ah noloshiina, waana ku faraxsanahay farxadda iyo nasiibka idiin bilowday. Guurku waa safar cusub oo ay ku dheehan yihiin jacayl, dulqaad, isfaham iyo masuuliyad.
Ilaahay ha idiinka dhigo guurkiinna mid barako leh, ha idiin barakeeyo ubad kheyr qaba, hana idinka dhigo lammaane is jecel, is ixtiraama, isna garab istaaga wakhti kasta. Farxaddiinna maanta ha noqoto mid sii jirta, noloshiinnana ha noqoto mid deggen oo cibaado iyo kalgacal ku dhisan.
Mar kale hambalyo arooska 💐❤️.

Wada noolaadoo nabad ku waara.

Ra'isul wasaare xamse Abdi Barre wuxuu ku jiray dadka laga soo badbaadiyey xasuuqii Garriisa massacre oo dhacay 1980 oo ...
24/11/2025

Ra'isul wasaare xamse Abdi Barre wuxuu ku jiray dadka laga soo badbaadiyey xasuuqii Garriisa massacre oo dhacay 1980 oo madaxweyne maxamed Siyaad Barre dalbaday in dadkaas ay yihiin soomaali laguna Soo celiyo dalkooda soomaaliyeed.

Maantase wakaas marxuumkii illahay sababta ugu dhigay inuu noolaado iska laadlaadiyey.

Waa maxaa jirto Cid ku qasban inaay Cid la noolaato haddaysan raali ka aheyn may qoysk kale u wareejiyaan.Waxaase yaab l...
24/11/2025

Waa maxaa jirto Cid ku qasban inaay Cid la noolaato haddaysan raali ka aheyn may qoysk kale u wareejiyaan.

Waxaase yaab leh siddee nin weyn ugu raaci karaa ooridiisa Dulmiga intaas le'eg.

19/11/2025

Haddiiba Madaxweyne Hassan Sheikh isagoo dadkiisa dhex joogo sidaan wax lagu meerinaayo dee markuu Qolka kujiro Sabuurad waa dhaaftay.

Waa madaxweynaha jabuuti casharo meeris ah waddo iyo gabadhiisa oo cadeyn reebeyso.

Maanta Magaalada muqdisho dadkeedu  waa mid shacuurtooda xad - dhaaf yahay. Madaxweynihii 9-aad ee jamhuuriyadda H.E Moh...
12/11/2025

Maanta Magaalada muqdisho dadkeedu waa mid shacuurtooda xad - dhaaf yahay.

Madaxweynihii 9-aad ee jamhuuriyadda H.E Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa berri (Khamiis) dib ugu soo laaban doono.

Ololaha oo caasimadda iyo guud ahaan Dalka gilgili doona.

Farmaajo ayaa fursad dheer oo 3 sano iyo lix bil ah siiyay dowladda MW HSM oo aan caqabad ku noqon sidii lagu sameeyey dowladdii uu hoggaaminayay, balse hadda oo mudda kooban ay ka hartay muddo xileedka dowladda wuxu bilaabi doonaa ololaha dib-u-doorashadiisa 2026.

Ku-soo dhowoow Madaxweyne Magaalada Muqdisho oo ah magaaladii aad ku dhalatay oo lagaa sugayo.

13/10/2025

Goobaha caafimaadka ee shaqsiga dadka waa shaqshaqdaan tusaalena waa kanaa.

"Masjidku wuu ina fashiliyay."Waxaan ku tukaday masjid salaaddii ka dib ayaa nin waayeel ah oo iga dambeeyay igu yidhi i...
03/09/2025

"Masjidku wuu ina fashiliyay."

Waxaan ku tukaday masjid salaaddii ka dib ayaa nin waayeel ah oo iga dambeeyay igu yidhi isagoo hoos iila hadlaya:

"fiiri safafka h**e ee masjidka oo eeg wejiyada dadka."

Waan fiiriyay, markaas ayaan ku iri: "Maxaad ula jeeddaa?"

Wuxuu yidhi:

"Ma Ku aragtaa qof ka mid ah dadka taajiriinta ah, dadka mansabka sare ama dadka sumcadda leh?"

Waxaan ku iri: "Tiro aad u yar ayaa Ku jirta."

Wuxuu yiri: "Intooda badan waa shaqaale: ama darawal, ama farsamo yaqaan, ama shaqaale hoose."

Waxaan ku iri: "Waa run."

Wuxuu yiri:
"Sidaas oo kale ayay Ka yihiin Alle agtiisa.

Anigana fiiri meesha aan ku jiro iyo adiga oo ku jira safka afraad ama shanaad. Sidaas oo kale ayay noqon doontaa maalinta Qiyaamaha."

Markaas ayuu yiri:

"Masaajidku wuu ina fashiliyay, wuxuu muujiyay booska aan kaga jirno Alle agtiisa."

Hadalkiisii aad buu iiga yaabiyay, wuxuuna i siiyay cashar culus. Waxaan xusuustay hadalka Eebbe:

" والسَّابِقُونَ السَّابِقُونَ (۱۰) أَوْلَئِكَ الْمُقَرَّبُونَ (۱۱)

> "Kuwa horreeya (ee camalka wanaagsan ku hormara), waa kuwa Alle agtiisa ugu dhow."

Sidoo kale waxaan xusuustay hadalkii Rasuulka SCW.

> "Haddii dadka ay ogaan lahaayeen waxa ku jira (ajarka) codka eedaanka iyo safka koowaad, waxay ku imaan lahaayeen iyagoo gurguuranaya"
Tani waa xusuusin ku saabsan kuwa dib u dhiga salaadda safafka dambe.

Haddaba maxaa laga yidhi kuwa aan salaadda tukan gabi ahaanba, ama keliya Jimcaha tukada?
Sharmake Mohamed Ali

31/08/2025

Xildhibaankayga qaaligaa Warsame Ali Jaama Gurxan Jmc ee igu matali doona golaha shacabka ee Galmudug hambalyo walaalka.

Marka loo fiirsho baahida loo qabay in la helo matalaad buuxdo runtii ninkii ugu mudnaa ayaad tahay waxaana rajeynayaa in bulshada deegaanka aad matasho ay kugu diirsan doonaan.

Warsame warsan buu wadaa wanaagna waa u dheer yahay.

Xildhibaanka waxa uu buuxiyey xil. Abdikadar Ahmed Isse oo dalka dibadiisa aaday.

Address

Wadnaha Road
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hareed Goodeey posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Hareed Goodeey:

Share