Ma Sheegee Marka

Ma Sheegee Marka Follow dheh Page-kaan waxad ka heleysa Xogo wax ku ool ah oo noloshaada wax ka badala insha Allah ..

🚨🇺🇸🇮🇷 WAR DEG-DEG AH: TRUMP OO SI QARSOODI AH TURKEY UGA DUULAY, SABAB LA XIRIIRTA HANJABAAD DILWarbaahinta The Washingt...
12/08/2026

🚨🇺🇸🇮🇷 WAR DEG-DEG AH: TRUMP OO SI QARSOODI AH TURKEY UGA DUULAY, SABAB LA XIRIIRTA HANJABAAD DIL

Warbaahinta The Washington Post ayaa sheegtay in madaxweynihii Mareykanka Donald Trump uu bishii h**e si qarsoodi ah uga baxay dalka Turkey, kadib markii sirdoonka Mareykanka uu helay xog lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan hanjabaad Iran ay ku doonaysay in lagu dilo Trump.

Inkasta oo Trump uu si fagaare ah u sheegay inuu ku safrayay diyaaradda madaxtooyada ee 🇺🇸 Air Force One, haddana warbixintu waxay sheegaysaa in Trump uu markii h**e diyaaraddaas fuulay iyadoo kamaradaha warbaahintu duubayaan.

🔴 Kadib ayaa dhacdo aan la filayn dhacday:

Trump wuxuu ka degay dhinaca kale ee Air Force One, isagoo galay gaari loo adeegsado adeegyada diyaaradaha. Gaarigaas ayaa kadib u qaaday diyaarad milateri oo nooca C-32A ah, taas oo uu si qarsoodi ah ugu safray.

Xitaa suxufiyiin ku jiray Air Force One ayaa la sheegay inay aaminsanaayeen in Trump uu isla diyaaraddaas ku safrayay.

🇺🇸🇮🇷 Tallaabadan ayaa timid xilli ay sare u kacsanaayeen xiisadaha u dhexeeya Mareykanka iyo Iran.

📌 The Washington Post ayaa sheegtay in sababta ugu weyn ee loo qariyay safarka Trump ay ahayd walaac laga qabay isku day dil oo Iran lala xiriirinayo.

➡️ Ma Sheegee Marka — La soco wararka muhiimka ah iyo xogta cusub.

Spain beats argentina and wins the 2026 world cup.A win for the whole world 🏆
19/07/2026

Spain beats argentina and wins the 2026 world cup.
A win for the whole world 🏆

A win for the whole world 🌎 🙌Congratulations spain 🇪🇸 🎊 What spectacular game !
19/07/2026

A win for the whole world 🌎 🙌
Congratulations spain 🇪🇸 🎊

What spectacular game !

19/07/2026

A win for the whole world 🌎 🙌
Congratulations spain 🇪🇸 🎊

What spectacular game

War Degdeg ah:Israaiil ayaa Michael Lotem u magacaabtay safiirkeeddii ugu horreeyay ee u fadhin doona Somaliland.Fikrad:...
26/04/2026

War Degdeg ah:

Israaiil ayaa Michael Lotem u magacaabtay safiirkeeddii ugu horreeyay ee u fadhin doona Somaliland.

Fikrad:

Marka laga eego dhinaca istiraatiijiyadda, Israel waa dal si weyn ugu xooggan xaga milatari, sirdoon, iyo saameyn diblomaasiyadeed. Haddii uu si dhab ah u xoojiyo joogitaan ama iskaashi amni oo uu la yeesho Somaliland, gaar ahaan meel u dhow marinka muhiimka ah ee Bab al-Mandeb oo wajahaya Yemen, arrintan waxay leedahay miisaan culus oo gobolka oo dhan ah.

Marinkan Bab al-Mandeb waa halbowlaha ganacsiga caalamka iyo maraakiibta shidaalka. Dal kasta oo saameyn ku yeesha halkaas wuxuu helayaa awood uu ku ilaaliyo ama ku carqaladeeyo socodka ganacsiga. Haddii Israel ay halkaas ka hesho marin ama saameyn, waxay xoojin kartaa dabagalka dhaqdhaqaaqyada milatari ee gobolka, gaar ahaan waxa ka socda Yemen iyo Badda Cas.

Dhanka kale, tani waxay keeni kartaa falcelin xooggan oo ka timaada dalalka kale ee gobolka sida Iran ama xulafadeeda, maadaama ay u arki karaan kordhinta saameynta Israaiil ee meel aad u xasaasi ah. Taas waxay kordhin kartaa tartanka awoodaha iyo xiisadaha milatari ee Geeska Afrika iyo Badda Cas.

Marka laga hadlayo Soomaaliya, haddii arrintan loo arko in ay tahay “faragelin dibadeed” ama qayb ka mid ah loollan weyn oo caalami ah, waxay keeni kartaa:

-Kala qaybsanaan siyaasadeed oo sii xoogeysa
-Dareen dadweyne oo ka falceliya joogitaanka Israaiil
-Iyo khatar amni oo ka dhalata in Soomaaliya ay noqoto goob ay ku loolamaan quwadaha waaweyn

Si kooban, arrintani ma aha oo kaliya xiriir diblomaasiyadeed; waxay noqon kartaa qayb ka mid ah ciyaar istiraatiiji ah oo weyn oo saameyn karta amniga, siyaasadda, iyo xasilloonida Geeska Afrika.

War Deg-Deg : Wargeyska caanka ee New York Post ayaa ogaatay, in Donald   haddii uu Cuba weeraro, Dalka ku xiga ee uu do...
13/04/2026

War Deg-Deg : Wargeyska caanka ee New York Post ayaa ogaatay, in Donald haddii uu Cuba weeraro, Dalka ku xiga ee uu doonayo inuu weeraro ay Soomaaliya 🇸🇴.
Dalka ma Difaaci Doontaa ? 😁

🚨🇺🇸🇮🇷 BAYAN KA SOO BAXAY GOLAHA AMNIGA QARANKA SARE EE IRAN:Maraykanka ayaa aqbalay guuldarro fadeexad leh, wuxuuna oggo...
07/04/2026

🚨🇺🇸🇮🇷 BAYAN KA SOO BAXAY GOLAHA AMNIGA QARANKA SARE EE IRAN:

Maraykanka ayaa aqbalay guuldarro fadeexad leh, wuxuuna oggolaaday dhammaan shuruudaha xabbad-joojinta ee Iran, kuwaas oo saldhig u noqon doona wadahadallada mustaqbalka:

1. Ballanqaad aan weerar lagu qaadin (non-aggression).

2. Sii wadidda xakamaynta Iran ee marin-biyoodka Hormuz.

3. Aqbalidda in Iran ay sii waddo kobcinta uranium-ka.

4. Ka qaadista dhammaan cunaqabateynta tooska ah iyo kuwa labaad (secondary sanctions).

5. Joojinta dhammaan go’aannada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Guddiga Maamulka ee IAEA.

6. Bixinta magdhowga Iran.

7. Ka bixitaanka ciidamada dagaalka ee Maraykanka ee gobolka.

8. Joojinta dagaalka dhammaan jihooyinka.

07/04/2026

❤️🇮🇷 DEG-DEG:

Muwaadiniinta Iran ayaa bilaabay inay sameeyaan silsilado dadweyne (human chains) oo ka socda guud ahaan dalka, gaar ahaan buundooyinka iyo agagaarka kaabeyaasha muhiimka ah, si ay u ilaaliyaan dalkooda ugana difaacaan weerarro suurtagal ah oo kaga iman kara Mareykanka iyo Israa’iil.

🚨DEG-DEG:Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in walaac xooggan uu ka jiro gudaha kooxda la-taliyeyaasha hadda iyo kuwii h...
07/04/2026

🚨DEG-DEG:
Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in walaac xooggan uu ka jiro gudaha kooxda la-taliyeyaasha hadda iyo kuwii h**e ee Trump, kuwaas oo ka cabsi qaba in madaxweynuhu tixgelin karo amar ku saabsan weerar nukliyeer ah oo ka dhan ah Iran.

Xigasho: The Guardian

DEG-DEG: Trump oo Hanjabaad kulul u diray iiraan.“Dhmaan ilbaxnimadda(Horumarka) iiraan ayaa caawa baabi’i doonta, mana ...
07/04/2026

DEG-DEG: Trump oo Hanjabaad kulul u diray iiraan.

“Dhmaan ilbaxnimadda(Horumarka) iiraan ayaa caawa baabi’i doonta, mana jiri doonto mar kale oo dib loo soo celiyo. Ma doonayo in arrintaas ay dhacdo, balse waxay u badan tahay inay dhici doonto.

Si kastaba ha ahaatee, hadda oo la gaaray isbeddel buuxa oo nidaam (Complete and Total Regime Change), halkaas oo maskaxyo ka duwan, ka caqli badan, isla markaana ka yar xagjirnimo ay hoggaanka la wareegeen, waxaa laga yaabaa in isbadal dhab ah oo cusub oo cajiib ah ay dhacaan — yaa garanaya?

Caawa ayaan ogaan doonnaa; waa mid ka mid ah waqtiyada ugu muhiimsan taariikhda dheer ee adag ee dunida. 47 sano oo ah cadaadis, musuqmaasuq iyo dhimasho ah ayaa ugu dambeyn soo afjarmi doona. Ilaahay ha barakeeyo shacabka weyn ee Iran!”

Address

Earth
Mogadishu

Telephone

+252614945508

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ma Sheegee Marka posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share