19/04/2020
"Waxaan ahaa shaqaale nadaafadeed. Waligey carruurteyda uma sheegin waxa aan ka shaqeeyo, waayo ma rabin in ay niyad jabaan. Markay gabadheyda yar i weydiiso shaqadeyda, waxaan si quus ah ugu sheegi jiray in aan ka shaqeeyo farsamada gacanta. Galabkii marka aan shaqada ka rawaxayo, waan qubeysan jiray, si aysan carruurteydu iiga fahmin shaqadayda.
Gabdhaheyga iskuul ayaan geeyay, si ay wax u bartaan, oo dadka sharaf iyo karaamo ugu dhex noolaadaan, waayo ma rabin in loo bahdilo sida aniga oo kale. Waxaan keydiyay kun kasta oo i soo galay si aan gabdhaheyga wax ugu baro. Weligey ma iibsan shaati cusub, ee waxaan ugu gadi jiray buugaag ay wax ka bartaan.
Curaddeyda ayaa iskuul soo dhameysatay. Hal maalin ayaa ka dhiman maalinka ay xirmayso isdiiwaangelinta jaamacadda. Ma hayo lacag aan ku diiwaangeliyo. Maalintaas murugo iyo quus ayaan la shaqeyn kari waayey. Waxaan ag fariistay sanduuqa qashinka, illin ayaa iga da'eysa, waxaan isku dayay in aan qariyo. Waa niyadjabsanahay, waayo ma hayo wax aan caawa ugu jawaabo gabadheyda markii aan guriga ku laabto ee ay i waydiiso lacagtii ay berri isaga diiwaangelin laheyd jaamacadda.
Waxaa halkii iigu yimid saaxiibadeydii shaqada. Qaar baa ogaa walwalka i haya. Dhinacyadeyda ayay soo fariisteen. Waxayna igu dhaheen: ha murugoonin, annaga ayaa ku garabtaagan, waxayna i siiyeen joornaatigii ay maalinkaas shaqeysteen oo ay iska soo aruuriyeen. Waan ka yara diiday, balse igama aqbalin, waxayna igu dhaheen: dhib ma laha, in aan maanta kaliya gaajoonno ayaan ka doorannay in ay curaddaadu berri jaamacad iska diiwaangeliso. Waan ka qaatay, waana uga mahadceliyay.
Maalinkaas ma marin musqushii aan ka sii qubeysan jiray inta aanan shaqada ka bixin, waxaana guriga tegay anigoo faraxsan oo ay iga muuqdaan daalkii iyo wasaqdii shaqada.
Nasiib wanaag, maanta curaddeydu waxay ku jirtaa sannadkii ugu dambeeyay jaamacadda. Way shaqeysa oo nolosha qoysku maanta iyada ayay ku tiirsan tahay, aniga shaqada way iga fariisisay, saddexda gabdhood ee kalena jaamacado ayay noo dhigtaan, Alle mahaddii.
Marmarka qaar ayay curaddeydu gaarigeeda iigu qaaddaa shaqadeydii h**e, waxaana la soo qadeynaa saaxiibbadeydii shaqada. Midkood ayaa maalin igu yiri: oo maxaad isu dhibtaan, oo qadadaan noogu keentaan? Gabadheyda ayaa ugu jawaabtay: Ma hilmaamin, abaalna waad idinkaga hayaa maalinkii aad darteey u gaajooteen si aan u gaaro heerka aan joogo!”
Alle mahaddii, maanta ma dareemayo in aanan faqiir ahayn, oo sidee ayaan saboolnimo u dareemaa aniga oo heysta gabdhaheygaan Aabbe Idiris ayaa sidaas yiri.
Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.
Sheekada aabbe Idiris waxaa daabacay bogga GMB Akash, waxaana tarjumay Hussein Sabrie.