02/02/2025
Dulmi, cagajuglayn iyo cabiidinba bulshada deegaanku horey ugasoo dharagtay, mar kale in baalkaa xanuunka badan loo furo waxay marag ka tahay tijaabinta qooqa awoodeed, waxayna kicinaysaa hirarka dulmidiidnimada oo aan aqbalayn in si cusub loo cabudhiyo ama loo jidh-dilo.
Xasan Axmed osman (Xasan cagaf) waxaa si badheedh ah jidhdil wuxuushnimo ah loogu gaystay magaalada jijiga, waxaanna ugaystay oo gacantiisa ula tagay Commissioner-ka Booliska Magaalada Jigjiga, kornel iyo koox askar ah oo uu watey, jidh-dil xun oo bahalnimo ah kadib waxay ugu dareen xoriyad ka xayuubin ay uga dan leeyihiin inay qirayaan waxyeelada jidhkiisa soo gaadhay, si xabsiga loga sii daayo waxey shardi ka dhigeen bogsiimaha jugtiisa-jidheed (nabarada ay gaadhsiiyeen) iyo ka reebista dharkii uu xidhnaa sabab la xidhiidha in dhiig badan oo ka baxay ay leeyihiin dharku, taas oo macnaheedu yahay malaha in raad-lumin ay ku sameeyeen jidhdilkaa ay u gaysteen.
Waxaa xusid mudan Kornel Fu’aad Qorane inuu gaystay tacadiyo iyo kutakrifal awoodeed oo uu kula kacay shacabka Magaalada Jigjiga, awooda ka badbadiska ah ee uu isticmaalayo oo ta qoyskooda oo Deegaanka arimiya waxan xasuusinaynaa inay maanka kuhayaan in lala xisaabtami doono taariikhduna ayna cafin doonin falkasta oo sharciga baalmarsan oo ay gaystaan.
.