Abdikani Ahmed

Abdikani Ahmed Taariikhyahan|| Suugaanyahan|| Aqoonyahan|| Aftahan||

The Maestro.

Mug weynaa!
21/04/2023

Mug weynaa!

Mid khamri ka dhergay, mid wadaad ah, mid siyaasi ah, habar meel taagan, wiil yar iyo oday waayeel ah, meel uu joogayba Isaaq waxa uu liqi la' yahay in uu Garaad Jaamac Garaad Cali yiri: "laa yaa Isaaq, taladayada annagaa leh, waannu idinka weyn nahay taariikh, tiro iyo talaba, hanyaridiinna sooyaal noogama dhigi kartaan iyo qabiil la maquunin karo ma ahin". Waxa ay u qaadan la' yahiin in ay maanta malaayiin qof u darban yahiin eraygiisa iyo taladiisa. Waxa ay qaadan la' yahiin in uu jeexay manhaj iyo waddo gobonnimo oo cid walbaa oo haybtiisa ahi nafteeda ka dhex-aragtay, dabeedna ay kaga raalli noqotay. Waxa dacar kala kharaaraaday in uu yahay nin aan innaba kaga tanaasulayn wax uu gar u leeyahay dhihiddeeda iyo dhaqankeeda, wax aan u qalminna aan qaadanayn. Waxaana argagax ku wada riday oraahdii xaqa ahayd ee uu dhowrka milyan ee qof maalin dhegta ugu riday ee uu yiri "dagaalka gala", dabeedna sidii aayaddii loo wada qaatay...

Isaaq waxa uu maanta Garaad Jaamac u wada neceb yahay, kuna haystaa, waa in uu yiri: danaha qabiilkayga aniga ayaa u tashanaya. Halkaa in ay gaaraan ma aha wax iska dhacay, ee waxa keenay heer ay ka caroodaan 'aan dadkayga u taliyo', waa in ayan maalinna arag hoggaamiye dhab u fahansan iyaga, danteennana inoo tilmaama oo aynu gadaashiisa istaagno. Waxa kale oo ay arkeen in aynu muddo dheer ka hurudnay arrinkayaga, dabeedna waxay ina moodeen dad aan arrin, qab, jiritaan iyo lahaanshe dhowranayn.

Haddaba maanta nin neceb, nin caaya, nin habaara iyo nin daaddifeeyaba wax ma yeeli karo Garaad Jaamac, waayo waxa uu qiblo u yahay malaayiin qof oo haybtiisa ah oo dhulka Soomaaliyeed barkii deggan iyo malaayiin aan ku hayb ahayn ee Soomaalinimadiisa u maqlaysa.

21/04/2023

Tan oo kale waa waxyaabihii gacanta la isku saari jiray Wallaahi.
Haddii rag dhiig lihi joogo Sweden hadalkan jawaab ha ka bixiyeen.
Ama weekend ha noqoto ama weekdays e, waxan oo kale yaan laga aamusin.

Address

The Allien
Adelaide, SA
5252

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdikani Ahmed posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share