Mohammed Dhalad Ogaden

Mohammed Dhalad Ogaden “~Geesigu ma liico ~ in Uu Geeriyoodo mooyee^

07/26/2026

Dabaqoodhi, dhidid dhoowr, macaan jecel .

Ma xishoode, Naaquute, Jaajuus .

Waa qayb ka midda Erayadii Aan oogu yeedhi jirnay Guumaysi kalkaal ama cadow lajireenka.

Tusaale : Fahiimo Qooje Waa macaan jecel 😇😇.

07/24/2026

السلام عليكم
Asc walalahayga soomaaliyeed ee sharafta iyo maamuuska leh :

waxaan wataa codsi waxaana lahadlayaa waxaan

ahayn Beesha sharafta leh Ee Ogaden !!

Mid waa mide waa waxaan u mahadcelinayaa cidkasta oon Ogaden ahayn oo ka qayb qaataday Halgankii xaqqa ahaa ee ONLF .

Siiba waxaan u mahadcelinayaa Beel waynta Hawiye oo si muuqata oo mugwayn ooga qayb qaatay halgankaas.

Aad baad u mahadsan tahiin Hawiyoow inaad halgankaas u aragteen in uu ahaa xaq naguna garabsiisaan.

Mahadnaqaas Marka laga soo gudbo. Gobolkaan magacyadda badan Ee somalidu wada dagto ee waqti xaadirkan loo yaqaan “ Dowlad Deeganka somalida " waxaa soo maray halgamo kala duwan oo midba magac lahaa waxaase ugu dheeraa halgankii ONLF (Ogaden Liberation National Front ) halgankaas inta ugu badan waxa lagu diiday ma ahayn Qadiyadda uu huwan yahay Ee magaca uu wato kaas oo loo arkayay halgan Ogaden u khaas ah waana sababta uu u guulaysan waayay maadaama oona loodhanayn halgankaas wadankana lawado d**o.

Hadaba hadaan usoo laabto gundhigga iyo Gunaanadka hadalkayga:

Qabiiladda somaliyeed een halgankaas aan horay uga qaybqaadan waxa Aan ka codsanayaa in ay igala shaqeeyaan sidii Aan magacaas ubadali lahayn xaqeenana aan si wadajir ah u heli lahayn!!!!

Xaqqu hasareeyo.
Wadatashi iyo wadajir baan ku howl gali doonaa (Insha Allah)

Fadlan umadda somaliyeed hala wada gaadhsiiyo qormadayda…..

Nabad iyo Naruuro Ayaan idinku dhaafayaa, Fii Amaani laah .

🫶🏽🤝Danwadaag iyo Dad qudhaynu nahay .
03/28/2026

🫶🏽🤝Danwadaag iyo Dad qudhaynu nahay .

Asalaamu calaykum , Mudanayaal iyo Marwooyin!Magacaygu waa Maxamed  cabdi muxumad(Dhabahaye).Waxaan ahay Xubin jabhadeed...
05/15/2025

Asalaamu calaykum , Mudanayaal iyo Marwooyin!

Magacaygu waa Maxamed cabdi muxumad(Dhabahaye).

Waxaan ahay Xubin jabhadeed oo Oo Dhaarsane ONLF ah .
Waxaan dhaartay maalintaan Qaan Qaadhka noqday,

2010 kii bishay ahayd ma xasusto, waliba maalintaan kitaabka marayay waaan xasuustaayoo maalin isniin ah ayay ahayd waxaa idhaariyay nin Aan ilma Adeer nahay oo Abdi Maalik Raabi layidhaahdo oo Hadana ah garabka Abdikarim Sheekh muuse (qalbidhagax) waqtigaas Waxaan ku sugnaa Xeryaha Qaxoontiga ee wadanka Eritrea , Gobolka Asab gaar ahaan magadaladiisa Emkulu. K**a sheekayn karo xalada iyo daruufta iyo dhibka Aan kusoo maray Goobtaas.

Mid waa mide waa xeeb oo waa meel kulul oo jidhku intuu mararka qaar ku diirmo ayaa hadaad isxoqdo duubku kaa mudhxi, mida labaadna wadanku wuxuu ahaa mid xero oodan ah oodan dhana uga bixi karin hadaad ka baxdo laba waa miduun waa inaad Sudan ka baxdo iyo Inaad jabuuti ka baxdo waliba si dhuumasho ah , qof ka baxay Eritrea oo nagu soo noqday maana arag haduu soo noqday waa haduu ahaa jabhad ONLF oo ku yimid Amar jabhadeed maadama Eritrea 🇪🇷 iyo ONLF ay lahaayeen xidhiidh wanagsan .
Anigu waxaan ku dhashay dalka D,jabouuti December,20.1995 kii ,Maalin isniin ah , Salaada subax waxyar ka hor. Hooyo macaan Allah Hay xafidee waxa ay ii sheegtay in ay igu dhiig baxday maadaama ay ahayd meesha aan ku dhashay meel kulul oo cadaab ah 😰😰..
Dhalashaydii ka dib Hooyo waxay ii gaysay Hooyaday labaad Hooyo Safiya Sheekh Abdiraahman iyo Habaryahay iyo Abtiyaashay.

Faatadaxa iigu mara Hooyo Safiya waxay dhimatay.
Wednesday, February,26 , 2025.

Bishi Ramadaan Ee barakaysnayd maalmo ka hor, wadanka Waan joogay, nasiib xumo K**a qayb qaadan Aaskii hooyaday oo inta u dhaxaysa Dhagaxbuur iyo Bulaale ayaan shil baa buur ku galay anagoo 7 qof oo hal qoys ah ka kooban Allah waxba nama gaadhsiin dhaawac mooyee, Anigoon Qabrigii hooyo gaadhin AYaan dhaqtarka kusooo noqonay, waxaa halkaas dhaawac daran kasoo gaadhay Eedaday Malyuun Maxamed muxumad siyaad.
Eedana faataxada iigu mara in Allah ii caafiyo.

Qormadu yayna ila fogaane…

Waxaan in mudo ahba ahaa xubin ka tirsanaa ururka xaq udirirka ah ee Guumaysi iyo Gunimodiid ka ahaa , Ee JWXO jabhadda wadaniga xoraynta Ogadenia ).

luuqadda qalaadna lagu yidhaahdo ONLF (Ogaden National Liberation Front).

Waxaan ku dhashay dalka Jabouti, balse waxaan u dhashay kuna soo barbaaray carliga Ogadenia Ee guumaystaha Gaamuray haysto Aniga iyo Ehelkayguba gaar ahaan Gobolka Jarar.

Hada Waxaan in mudo ahba dagnahay (Ku noolahay ilaa 2015kii) wadanka maraykanka.

Ogaadeeniya waxaan tagay ilaa 3 jeer is badalkii ka dib oo xagaas baan ku guursaday, xaaskuna ii dagan tahay !

Hadaba waxaa nasiibdaro ah in Halgankii aan dhibkas usoo maray in maanta xurmadle (Mujaahid) Abdikariim Shekh muuse iyo Mudane Halgame Abdirahman Madey Ay ku gorgortamayaan Aniga gudoomiye ah iyo ma tihid!

Soo tacab qasaar iyo iyo uurkutaalo ma aha , ONLF hoow sheedu!

Allah nama khasaariyee!

Waxaan ka codsanayaa xubnaha ururka iyo madaxda ururkaba in laysku tanaasulo!

Mid kalena aan ku darsadee!

Mustafe Cagjar waa Gacanyare ku shaqeeya Amarka Abiye Ahmed iyo Guumaystaha Abasiiniya ma qabo in Aad loogu mashquulo amaseba mudnaan lasiiyo, Mustafe waxba inalagama jiro waynu naqaan meesha ay hasheenii ku luntay iyo cidda lagala xaajoon karaba.

Fadlan Akhri Qormadan, lana wadaag cidda ay khusayso!

Waad mahadsan tahiin mudanayaal iyo Marwooyin!

Ethiopia Hadhacdo!

Somalia 🇸🇴 Ha midoowdo!

Free Ogadenia!

04/11/2025

Guulo wuxuuna kuu qorin orod laguma gaadho!

04/09/2025

Hadaad oomin haraad bixi maysid.

Hadaad rafaadina dhargi maysid.

Illahay garab ka dhigo .Aadamaha nabadgali.
04/07/2025

Illahay garab ka dhigo .

Aadamaha nabadgali.

Address

Green Bay, WI
54303

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mohammed Dhalad Ogaden posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Mohammed Dhalad Ogaden:

Shortcuts

Share