Mustaf Ahmed

Directions

Mustaf Ahmed Mustafa digriyow

🚨 Manchester United ayaa la filayaa inay shaqada ka cayriso tababare Michael Carrick.Maamulka kooxda ayaa durba bilaabay...
10/11/2026

🚨 Manchester United ayaa la filayaa inay shaqada ka cayriso tababare Michael Carrick.
Maamulka kooxda ayaa durba bilaabay inay ka shaqeeyaan sidii ay u heli lahaayeen tababare cusub oo booskiisa la wareega.

Si kastaba ha ahaatee, Manchester United waxay sheegtay in aanu weli jirin go'aan k**a dambays ah oo laga gaaray mustaqbalka Carrick.

Mauricio Pochettino ayaa ka mid ah tababarayaasha sida weyn looga dhex hadal hayo inuu beddeli karo Carrick, iyadoo maamulka United ay magaciisa ka fiirsanayaan.

🚨🔴 MANCHESTER UNITED: SARTU HALKEE AYAY KA QUDHUNTAY?Manchester United maanta ma haysato oo keliya dhibaato natiijooyin ...
09/11/2026

🚨🔴 MANCHESTER UNITED: SARTU HALKEE AYAY KA QUDHUNTAY?

Manchester United maanta ma haysato oo keliya dhibaato natiijooyin xun ah; waxay haysataa dhibaato maamul, hoggaan, tababare iyo ciyaartoy.

Kooxdii dunida ka mid ahayd kuwa ugu awoodda badan ayaa maanta wajahaysa xaalad aan la filayn. Haddaba yaa masuul ka ah burburkan?

1️⃣ MAAMULKA:
Qorshe la’aan, go’aamo aan isku xidhnayn iyo hoggaan aan si cad u muujin jihada mustaqbalka kooxda. Dhibaatada United kuma bilaabato tababaraha, kumana dhammaato isaga.

2️⃣ TABABARAHA:
Michael Carrick wuxuu wajahayaa cadaadis weyn. Natiijooyinka liita, khaladaadka soo noqnoqda iyo su’aalaha ku saabsan nidaamka ciyaarta ayaa keenaya in la is weydiiyo: ma yahay qofka ku habboon mashruuca United?

3️⃣ CIYAARTOYDA:
Shaadhka United wuxuu u baahan yahay masuuliyad. Difaac aan isku duubnayn, feejignaan la’aan iyo hoggaan yari ayaa ka mid ah dhibaatooyinka garoonka ka muuqda. Ciyaartoyduna k**a baxsan karaan isla xisaabtanka.

4️⃣ TAAGEERAYAASHA:
Kalsoonidii way dhaawacantay. Taageerayaashu waxay doonayaan koox u dagaallanta magaca iyo taariikhda Manchester United, waxayna sii kordhinayaan baaqyada isbeddelka maamulka.

HALKEE AYAY SARTU KA QUDHUNTAY?

Maamul aan lahayn jihayn cad, tababare cadaadis ku jira, ciyaartoy aan si wadajir ah u shaqayn iyo taageerayaal kalsoonidii luminaya.

United uma baahna oo keliya tababare cusub; waxay u baahan tahay nidaam cusub, hoggaan cad iyo dib-u-dhis dhab ah.

Taariikh weyn laguma guulaysto kulamada maanta. Magaca Manchester United wuxuu u baahan yahay ficil, ee ma aha ballanqaadyo.

🔴 Adigu yaad u aragtaa masuulka ugu weyn ee dhibaatada United: maamulka, tababaraha mise ciyaartoyda?

TAN IYO SANADII 2022 REAL waa markii ugu h**eysay oo ay badineyso 8 KULAN Xiriir ahJOSE murinho waxaa uu Yiri xagaagan k...
09/11/2026

TAN IYO SANADII 2022 REAL waa markii ugu h**eysay oo ay badineyso 8 KULAN Xiriir ah

JOSE murinho waxaa uu Yiri xagaagan koobab ayaa isoo carfacaya kadib bandhigi kooxdiisa oo uu aad ula dhacay

Horyaalka China mucjiso aan abid h**e loo arag ayaa ka dhacday ..- 5 kulan kahor kooxda lugu magacaabo Chengdu Rongcheng...
09/11/2026

Horyaalka China mucjiso aan abid h**e loo arag ayaa ka dhacday ..

- 5 kulan kahor kooxda lugu magacaabo Chengdu Rongcheng ayaa 14 dhibic nadiif ah ku hogaamineesay horyaalka ayagoo 52 dhibic lahaa..

Kooxda Dalian Yingbo na kaalinta 4aad ayee kujirtay ayadoo 37 dhibic leh..

- Kooxdi Chengdu ee hogaanka heysay ayaa kaliya Hal dhibic ka heshay 5 kulan ugu dambeesay ee ciyaartay halka kooxdi kaalinta 4aad kujirtay ee wada badisay 5ti kulan ugu dambeesay sidaas ayeena horyaalka farqiga goolasha ugu qaaday..

Waxaa mucjiso iyo layaab aan h**e loo arkin ah in kooxda horyaalka laga qaaday ee kaliya 1 dhibic uga baahneyd afarti kulan ugu dambeesay balse dhamaan laga wada badiyay..

🚨Fermin idolkisa waa macsalaameye madama u xulka ka fariistay🐐❤️
09/11/2026

🚨Fermin idolkisa waa macsalaameye madama u xulka ka fariistay🐐❤️

🚨 𝐉𝐔𝐒𝐓 𝐈𝐍! Maamulka sare ee Manchester United ayaa hadda dib u qiimaynaya xaaladda shaqo ee Michael Carrick, iyadoo la g...
09/11/2026

🚨 𝐉𝐔𝐒𝐓 𝐈𝐍! Maamulka sare ee Manchester United ayaa hadda dib u qiimaynaya xaaladda shaqo ee Michael Carrick, iyadoo la golay fasaxa xulalka.

Carrick waxaa la siiyay saddex kulan kadib guuldarradii Bournemouth, si uu u muujiyo inuu awood u leeyahay inuu xaaladda kooxda wax ka beddelo.

Saddexdii kulanna waxay kusoo dhammaadeen, Hal guuldarro, Hal guul oo ay kooxdu sameysay soo laabasho, iyo hal bareejo oo waalli ah.

Natiijooyinkaas awgood, su'aalihii ku saabsanaa mustaqbalka Carrick weli jawaab looma helin. []

Man United 4-4 Aston Villa Daafax Xumada United ayaa Sababtay Inee Guul heli Waayaan Dalot Midee dhahaan Noloshiisa Inta...
08/11/2026

Man United 4-4 Aston Villa

Daafax Xumada United ayaa Sababtay Inee Guul heli Waayaan Dalot Midee dhahaan Noloshiisa Inta Ka dhiman Uma qalmo Inuu Kubadd Ciyaaro Waxu Damiinsanaa🙄

Xaqiiqdii United Weerarkeedii & dhaxda Waa u Fadhiisatay Daafaca Ayaa Holof Holof ah

Ciyaar Ciyaar dhaaftay ayaa La Daawada United Ma dhimato ee Waa Suuxdaaa

BURUNO ayaa hada dhaliyay 28 Penalty wuxuuna noqday ciyaaryahanka 6aad ee ugu rigoore dhaliska badan Taariikhda horyaalk...
08/11/2026

BURUNO ayaa hada dhaliyay 28 Penalty wuxuuna noqday ciyaaryahanka 6aad ee ugu rigoore dhaliska badan Taariikhda horyaalka Premier League..

Next haduu dhaliyo rigoore kale wuxu jabinaa rikorkii Steven Gerard..

HT: Manchester United 2-2 Aston Villa!0-2 ilaa 2-2! United oo mar kale dagaal ku soo laabatay, balse difaaca oo weli mus...
08/11/2026

HT: Manchester United 2-2 Aston Villa!

0-2 ilaa 2-2! United oo mar kale dagaal ku soo laabatay, balse difaaca oo weli musiibo ah!

⚽ 15' Bruno Fernandes
⚽ 44' Youri Tielemans

Manchester United ayaa si masiibo ah ku bilaabatay ciyaarta, iyadoo afar daqiiqo gudahood laba gool laga dhaliyay! Khaladaadka difaaca iyo goolhaye Lammens ayaa Villa u fududeeyay inay hoggaanka qabato.

Balse United ayaa muujisay dagaal iyo niyad adag. Cunha ayaa rigooro keenay, Bruno-na wuu dhaliyay. Intaas kaddib United waxay kordhisay cadaadiska, iyadoo Amad, Mbeumo iyo Mainoo ay fursado halis ah abuureen.

Youri Tielemans ayaa daqiiqaddii 44-aad dhaliyay goolkii barbaraha, isagoo Old Trafford dib ugu soo celiyay rajadii guusha!

Waa kulan kale oo kooxda ay sameeneeso Fal celin cajiib ah in kastoo ee fadeexo tahay in daqiiqadaha ugu horreeyo aysan is ilaali karin.

25/11/2025

Address

Banaadir

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Friday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mustaf Ahmed posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Nearby realtors & realty services