A.risaaq binu Jarlis

A.risaaq binu Jarlis ENG.Bulsho_Kaab

๐—”๐—ฏ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—บ๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐— ๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐—น๐—น๐—ถ๐—บ๐—ถ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐——๐—ต๐—ฎ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—ฆ๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—บ๐—ฎ ๐˜๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐˜† ๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐—พ๐—ฎ๐—ป ๐˜„๐—ฎ๐˜…๐—ฏ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ผ ๐—ผ๐—ผ ๐˜„๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—ด๐˜€๐—ฎ๐—ป? ๐— ๐—ฎ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—น๐—ฎ๐—ด๐—ฎ ๐—ฒ๐—ฒ๐—ด๐—ผ ๐—ฑ๐—ต๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐—ฐ...
16/05/2026

๐—”๐—ฏ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—บ๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐— ๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐—น๐—น๐—ถ๐—บ๐—ถ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐——๐—ต๐—ฎ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—ฆ๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—บ๐—ฎ ๐˜๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐˜† ๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐—พ๐—ฎ๐—ป ๐˜„๐—ฎ๐˜…๐—ฏ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ผ ๐—ผ๐—ผ ๐˜„๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—ด๐˜€๐—ฎ๐—ป? ๐— ๐—ฎ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—น๐—ฎ๐—ด๐—ฎ ๐—ฒ๐—ฒ๐—ด๐—ผ ๐—ฑ๐—ต๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ ๐˜๐—ฎ๐—ฐ๐—น๐—ถ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ, ๐—ฎ๐—ป๐˜€๐—ต๐—ฎ๐˜…๐—ฎ (๐—ฒ๐˜๐—ต๐—ถ๐—ฐ๐˜€), ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—บ๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถโ€™๐—ฑ๐—ฎ ๐˜„๐—ฎ๐˜…๐—ฏ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฐ๐—ฎ๐˜€๐—ฟ๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—ฎ๐—ต, ๐—ท๐—ฎ๐˜„๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ๐˜๐˜‚ ๐˜„๐—ฎ๐—ฎ ๐—บ๐—ถ๐—ฑ ๐˜‚ ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐—ป ๐—ณ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐—บ ๐—พ๐—ผ๐˜๐—ผ ๐—ฑ๐—ต๐—ฒ๐—ฒ๐—ฟ.
Jaamacaduhu waa xarumaha ugu muhiimsan ee lagu hormariyo aqoonta, xirfadaha, cilmi-baarista, iyo hoggaanka bulshada. Gudaha nidaamkaas, macallinku wuxuu leeyahay door ka weyn gudbinta casharro oo keliya; wuxuu noqdaa hagaha fikirka, dhiirrigeliyaha ardayga, iyo qof saameyn ku yeesha horumarka mustaqbalka bulshada. Sidaas darteed, waxaa mararka qaar soo baxa fikrad ah in ardaydu sanad kasta dhammaadkiisa u qabtaan macallimiintooda โ€œshort eventโ€ ama munaasabad gaaban oo lagu abaalmarinayo dadaalka, anshaxa shaqo, iyo sida wanaagsan ee ay ula dhaqmeen ardayda muddadii sanadka.
Cilmi-baarisyo badan oo ku saabsan maamulka waxbarashada iyo psychology-ga waxbarashada ayaa muujinaya in aqoonsiga dadaalka shaqsiyaadka uu kordhiyo dhiirrigelinta, qanacsanaanta shaqada, iyo tayada waxbaridda. Macallinka dareema in shaqadiisa la qiimeeyo wuxuu inta badan yeeshaa:
1. Dadaal dheeraad ah
2. Xiriir wanaagsan oo ardayda ah
3. Dhiirrigelin xirfadeed
4. Masโ€™uuliyad sare dhanka shaqadiisa ah.
5. Deegaan waxbarasho oo caafimaad qaba
Aragtida loo yaqaan Self-Determination Theory waxay sheegaysaa in dadka ay si weyn u dhiirrigeliso marka la siiyo qiimeyn, xiriir wanaagsan, iyo dareen ah in shaqadooda la qadariyo.
Marka ardaydu si ixtiraam leh ugu mahadceliyaan macallinkooda, tani waxay abuuri kartaa jawi waxbarasho oo ku dhisan kalsooni iyo is-ixtiraam.
Dhanka anshaxa, arrintu waxay noqotaa mid wanaagsan haddii ay buuxiso dhowr qodob:
1. Haddii munaasabadda lagu saleeyo anshaxa macallinka, tayada waxbaridiisa, iyo taageerada ardayda uu siinjiray.
waxaa loo arki karaa dhaqan caafimaad qaba oo kobcinaya โ€œacademic culture.โ€ Laakiin haddii ay isu beddesho xiriir shaqsiyeed, eex, ama raadinta dhibco iyo faaโ€™iido gaar ah, markaas waxay dhaawici kartaa kalsoonida nidaamka tacliinta.
2. Anshax ahaan, ardaygu waa inuusan dareemin in lagu khasbaayo lacag ururin, ama in macallinku filayo hadiyado si uu ardayda ula macaamilo si wanaagsan.
Haddii abaalmarintu noqoto wax isdhaafsi ama tartan sumcad raadis ah, waxay lumin kartaa qiimihii akhlaaqeed ee ay lahayd waxbarashada.
3. Tacliin ahaan, waxaa muhiim ah in la ilaaliyo โ€œprofessional boundaries.โ€ Jaamacaduhu waxay ku shaqeeyaan nidaam xirfadeed, sidaas darted munaasabadda waa inay noqotaa mid rasmi ah, kooban, ixtiraam leh, oo aan dhaawaceynin dheellitirka awoodda ee u dhexeeya macallinka iyo ardayga.
Waxbarashada casriga ah waxay dhiirrigelisaa student engagement, positive learning environment, iyo academic community building. Marka ardaydu muujiyaan qadarin. waxay xoojin kartaa xiriirka waxbarasho, waxay kobcin kartaa dhaqanka mahadnaqa waxayna dhiirrigelin kartaa macallimiinta wanaagsan.
Dalal badan iyo jaamacado badan oo caalami ah ayaa leh:
โ€ข Teacher Appreciation Events
โ€ข Faculty Recognition Days
โ€ข Outstanding Lecturer Awards.
Macallin wanaagsan mararka qaar wuxuu noqon karaa mid adag, laakiin heer tacliimeed sare leh. Sidaa darteed, qiimeynta waa inay ku salaysnaataa mid cadaalad ah.
Dhanka kale, waxaa jiri kara caqabado sida eex iyo kala saarid macallimiinta, Cadaadis dhaqaale oo ardayda la saaro si loo aruuriyo lacagta munaasabadda, ku xadgudbida xirfada macalinka iyo in ardaydu dareemaan inay khasbanyihiin.
Marka laga eego dhinaca waxbarashada iyo anshaxa, in ardayda jaamacaduhu sanad kasta dhammaadkiisa u qabtaan munaasabad gaaban oo lagu qadarinayo macallimiintooda asal ahaan waa fikrad wanaagsan, haddii ay noqoto mid anshax leh, aan khasab ahayn, lagu saleeyo aqoonsi qofeed, isla markaana aan loo adeegsan dano gaar ah ama eex.
Waxbarashadu ma aha oo keliya imtixaan iyo buundo; waa dhisidda bulsho aqoon, ixtiraam, iyo qiyam wadaag leh. Marka mahadnaq iyo professionalism la isku dheellitiro, munaasabaddan waxay noqon kartaa dhaqan caafimaad qaba oo kor u qaada tayada waxbarashada iyo xiriirka jaamacadeed.
Si kastaba, haddii ay ka leexato mabaadiโ€™da academic integrity iyo cadaaladda, waxay noqon kartaa arrin wax u dhimaysa nidaamka tacliinta halkii ay ka xoojin lahayd.

Abdirisaaq Binu Jarlis

๐Œ๐ƒ ๐‹๐š๐Ÿ๐ญ๐š๐ ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ง ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š๐ง ๐ค๐š ๐Ÿ๐ข๐ฅ๐š๐ง ๐ค๐š๐ซ๐ง๐š๐š  ๐ฌ๐ž๐๐๐ž๐ฑ๐๐š๐š๐ง ๐ฆ๐จ๐ฐ๐ช๐ข๐Ÿ ๐ฆ๐ข๐๐ค๐จ๐จ๐1. Isdhiibid xeeladaysan                                ...
30/03/2026

๐Œ๐ƒ ๐‹๐š๐Ÿ๐ญ๐š๐ ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ง ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š๐ง ๐ค๐š ๐Ÿ๐ข๐ฅ๐š๐ง ๐ค๐š๐ซ๐ง๐š๐š ๐ฌ๐ž๐๐๐ž๐ฑ๐๐š๐š๐ง ๐ฆ๐จ๐ฐ๐ช๐ข๐Ÿ ๐ฆ๐ข๐๐ค๐จ๐จ๐

1. Isdhiibid xeeladaysan
Maxay tahay go'aankan?
Inuu caddeeyo inuu xilka ka degay ama u tanaasulay danaha shacabka iyo nabadgelyada Baydhabo. Haddii uu arkay in ciidanka federaalka ee magaalada soo galay ay haystaan gacan sarreysa, isla markaana beesha caalamka iyo qaybo ka mid ah qabaa'ilka deegaanka ay la safan yihiin Muqdisho, iscasilaaddu waa wadada kaliya ee uu ku badbaadsan karo naftiisa iyo mustaqbalkiisa siyaasadeed. Taariikhda siyaasaddu waxay na baraysaa in hoggaamiyaha caqliga lihi uu dib u gurto marka laga awood bato si uu u noolaado oo uu maalin kale u dagaallamo (Live to fight another day).

2. Iska caabin iyo Diidmo
Inuu yiraahdo "Boggayga waa la jabsaday, qoraalku wuxuu ahaa been abuur, weli waxaan ahay madaxweynaha sharciga ah, dowladda dhexena waxay ku kacday inqilaab."
Tani waa tallaabo halisteeda leh. Waxay ka dhigan tahay inuu rabo inuu kiciyo dareenka qabiilka iyo dadka deegaanka ee Koonfur Galbeed si ay hubka u qaataan oo ay ula dagaalamaan wax uu ugu yeeri doono "duulaanka Muqdisho". Waxay u baahan tahay inuu haysto ballanqaad dhaqaale iyo mid milatari oo ka baxsan xuduudka. Haddii uusan ballanqaad heysan, waa ismiidaamin siyaasadeed.

3. Mid u dhexeeya labada h**e oo Inuu dhaho "Ma iscasilin, laakiin dalka dhib uma rabo. Waxaan ku dhawaaqayaa inaan ku wareejinayo awoodda guddi madax-bannaan ama aan qabanayo doorasho degdeg ah oo aanan ka qaybgalayn."
waa wadada inta badan ay qaataan madaxda rabta inay si sharaf leh meesha uga baxaan, Wuxuu badbaadsanayaa taariikhdiisa, dhiigna ma daadinayo, laakiin isla markaana wuxuu aqbalayaa xaqiiqda cusub ee ah in Muqdisho ay gacanta ku hayso Baydhabo.

Aniga fikirgayga waxay ila tahay in Xulashada 1aad ama 3aad ay yihiin kuwa ugu dhow ee uu qaadan karo, waayo dabeecadda siyaasadda Soomaaliya waxay ku dhisantahay isku-tanaasul marka xeeladdu daciifto tabartana taagdarnaato.

Mawqifkee ayaad adigu u malaynaysaa inuu Laftagareen qaadan doono saacadaha soo socda: Ma isdhiibid mise iskacaabin?

AI ma tarmi kartaa oo booska gabdhaha dhalmada ma kala wareegi doontaa? Ayada oo hadda hormarin lagu wado teknoolojiyooy...
24/09/2025

AI ma tarmi kartaa oo booska gabdhaha dhalmada ma kala wareegi doontaa?

Ayada oo hadda hormarin lagu wado teknoolojiyooyinkaan hoos ku xusan
1. Artificial wombs (ilmo galeen macmal ah)
2. Robotics iyo biotech
3. AI cloning iyo gene editing
4. synthetic biology

Hadii aad danaynaysaan jawaabta waydiintaas fadlan qaybta comments ka kusoo muuji waxaan ka soo samayn donaa maqaal dhamaystiran.

Qore: A.risaaq binu Jarlis

Mustaqbalka Muqdisho waxay ku xiran tahay Dib-dhiska Bullaacadaha iyo hab-maamulka wanaagsan QashinkaMuqdisho, oo ah hal...
11/05/2025

Mustaqbalka Muqdisho waxay ku xiran tahay Dib-dhiska Bullaacadaha iyo hab-maamulka wanaagsan Qashinka

Muqdisho, oo ah halbowlaha dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed, iyo bulsho ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sannadihii u dambeeyay si xawli ah u kobceysay. Waxaa la qiyaasaa in magaalada ay haatan ku noolyihiin in ka badan 3.2 milyan oo qof. Kobacaasi degdegga ah ee dadweynaha, fiditaanka iyo deegaameynta aan qorsheysneyn ee magaalada ayaa sababay culeysyo ballaaran oo ku yimid kaabeyaasha nolosha, gaar ahaan dhanka caafimaadka, deegaanka, adeegyada bulshada, iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Xilligii dowladdii dhexe ee h**e, Muqdisho waxay lahayd nidaam bullaacado casri ah oo u dhigma kuwa magaalooyinka horumaray ee qaaradda Afrika. Nidaamkan, oo naqshaddiisa ay diyaarisay dowladda Jarmalka halka dhismihiisuna ay hirgalisay shirkad Talyaani ah oo lagu magacaabi jiray EDILTER, wuxuu ka mid ahaa mashruucyadii Muqdisho ka dhigay in ay u muuqato mid kamid ah magaalooyinka ugu nadiifsanaa Africa. Muddo ku dhow shan sano ayuu nidaamkani si habsami leh u shaqeynayay, isagoo sahli jiray maaraynta biyaha roobka iyo kuwa wasakhda ee magaalada.

Nasiibdarro, burburkii ka dhashay dagaalladii sokeeye ee billowday sanadkii 1991 ayaa si xun u saameeyay dhammaan kaabeyaashii muhiimka ahaa ee magaalada, oo ay ka mid ahaayeen bullaacadaha, dhuumaha, iyo biyo-mareennada, waxayna ku keentay in ay bulaacadihii ka buuxsamaan carro, dhagxaan iyo qashin, taasoo magaalada ka dhigtay mid aan lahayn hannaan rasmi ah oo lagu xakameeyo biyaha roobka iyo wasaqda.

Sida ay muujinayso warbixin ay soosaartay Wasaaradda Howlaha Guud ee Soomaaliya, ayaa tilmaameysa in magaalada Muqdisho ay wajaheyso dhibaatooyin halis ah oo la xiriira nidaamka bullaacadaha. Qiyaastii 80% biyaha wasakhda ah ayaa si toos ah loogu shubaa deegaanka, iyada oo aan la marsiin wax nidaam nadiifin ah. Tani waxay keentay in cudurro faafa sida daacuunka iyo shuban biyoodka ay si joogto ah ugu faafaan bulshada. Mashruuca Nagaad, oo ka mid ah hindisadayaasha Wasaaradda Howlaha Guud Soomaaliya, ayaa haatan wado qorshe dib-u-dhis loogu sameynayo ilaa 6.5 km oo ah dhuumaha bullaacadaha si loo yareeyo khatarta fatahaadaha xilliyada roobka.

Nidaamka h**e ee bullaacadaha Muqdisho wuxuu ka koobnaa dhuumo waaweyn oo marayay degmooyinka Hamar Weyne, Shangaani, Hodan, Waberi, iyo Yaaqshiid. Dhuumahaasi waxay biyaha u gudbin jireen meelaha hoose ee magaalada, halkaas oo ay ku shubmi jireen ama ay sii mari jireen badda. Burburka kaabeyaashaasi wuxuu sababay in biyaha wasakhda ah ay haatan ku qulqulaan waddooyinka iyo xaafadaha magaalada, taas oo khatar weyn ku ah caafimaadka dadweynaha, nadaafadda deegaanka iyo guud ahaan kaabayaasha dhaqaalaha.

Khariidada hoose aan kasoo xigtay Hidisaha Nagaad ayaa muujinaya: Goobaha ay bullaacaduhu maraan, Meelaha khatarta sare ugu jira fatahaadaha, Xaaladda guud ee nidaamka bullaacadaha, Qorshaha cusub ee dib-u-dhiska dhuumaha iyo Xuduudaha degmooyinka ay mashruucu saameynayo. Khariidadan waxaa si gaar ah loogu iftiimiyay in meelaha u dhexeeya degmooyinka Hamar Weyne, Shangaani, Hodan, iyo Waberi ay yihiin kuwa ugu nugul fatahaadaha, iyadoo sababaha ugu waa weyn ay tahay biyo-xireen laโ€™aan, dhuumo jaban, iyo marinada biyaha oo inta badan aan shaqeynayn.

Sidoo kale, waxaa lagu muujiyay qorshaha dhismaha cusub ee bullaacadaha oo laga fulin doono degmooyinka: Dayniile, Hodan, Yaaqshiid, Kahda, iyo Waaberi, kuwaasoo la filayo inay helaan dhuumo cusub oo casri ah. Muqdisho maanta waxa ay ugu baahi badan tahay dib- u howlgalinta kaabeyaashii bullaacadaha, dardargalinta nidaam saxan oo qashinka magaalada lagu maareeyo, si magaalada loogu diyaariyo magaalo nadiif ah oo la jaan qaadi karta magaalooyinka waaweyn ee Afrika.

Abdishakur Daaha
Abdirisaaq Binu Jarlis
A.risaaq binu Jarlis

Wiilkaan yar oo dhigta fasalka 3aad ayaa ku geeriyooday isbitaalka Moi Hospital kaddib markii ay eedadii aabbihii qabo a...
01/04/2025

Wiilkaan yar oo dhigta fasalka 3aad ayaa ku geeriyooday isbitaalka Moi Hospital kaddib markii ay eedadii aabbihii qabo ay madaxa musmaar uga kawisay iyadoo ku haysata inuu fasax la'aan karsaday sidokalena cunay xabbad ukun ah.๐Ÿ˜ญ
Dhacdada oo aad loola yaabay ayaa waxaa ay kadhacday magalada Eldoret ee dalka Kenya ๐Ÿ‡ฐ๐Ÿ‡ช

Share dheh oo sii gaarsi asxaabta kale.

 .**Qaybta 1aadInkastoo Soomaalida iyo Itoobiya muddo dheer taariikh isku dhafan iyo xurguf colaadeed soo mareen, hadana...
17/09/2024

.

**Qaybta 1aad

Inkastoo Soomaalida iyo Itoobiya muddo dheer taariikh isku dhafan iyo xurguf colaadeed soo mareen, hadana waxaa marar badan la hadal hayaa sida labada dowladood iyo shacabkooduba uga falceliyeen xiriirka qaldan ee taariikhiga ah. Waxay dadka qaar u arkaan Itoobiya cadow taariikhi ah, halka kuwa kalena ay rumeysan yihiin inay jiraan xiriirro walaaltinimo oo u dhexeeya labada dal. Sida aan maqaalka ku faahfaahin doono, Soomaaliya iyo Itoobiya weli ma aysan shaacin mowqif dastuur ah oo tilmaamaya inay Itoobiya tahay cadow rasmi ah oo ay waajib tahay in laga fogaado. Tani waxay abuurtay jahwareer siyaasadeed iyo bulsho oo dhinaca xiriirka labada dal ah.

Madaxda Soomaalida, laga soo bilaabo xilligii xorriyadda ilaa maanta, waxay muujiyeen mowqifyo isburinaya oo ku aaddan Itoobiya. Mararka qaar madaxdu waxay Itoobiya ku tilmaamaan dal walaalo ah oo ay wadaagaan danaha gobolka, mararka kalena waxay ku dhawaaqaan inay tahay cadowga ugu weyn ee Soomaaliya. Tusaale ahaan, marka laga hadlayo heshiisyada nabadgelyada iyo horumarka gobolka, Itoobiya waxaa loo soo bandhigaa dal walaal ah oo ay Soomaaliya wada shaqeyn la leedahay. Laakiin marka xaalado siyaasadeed oo gaar ah taagan yihiin, sida xiisadaha soohdimaha ama arrimaha Galbeedka Soomaaliya, Itoobiya waxaa loo tusaa cadow faragelin ku haya Soomaaliya.

Marka loo soo noqdo shacabka, dadka qaarkood waxay aaminsan yihiin in Itoobiya ay tahay cadawga taariikhi ah ee Soomaalida. Si gaar ah, kooxaha mucaaradka ah iyo kuwa qabiil gaar ah taageersan waxay ku eedeeyaan Itoobiya inay mar walba soo farogeliso arrimaha gudaha ee Soomaaliya, iyadoo daneyneysa inay Soomaaliya daciifto si ay u sii xoogeysato gobolka. Tani waxay dhalisay in dadka qaarkood ay ku eedeeyaan dowladda inay la shaqeyneyso Itoobiya dantooda gaar ah, taasoo ah eedeymo qaainul wadanimo oo salka ku haya cadaawad qabiil ama siyaasad.Dhinaca kale, dadka qaarkood ayaa u arka Itoobiya dal muhiim ah oo Soomaaliya ka caawin kara horumarka iyo xasilinta gobolka. Tusaalooyinka ugu badan waa kuwa ganacsatada iyo siyaasiyiinta wax ka dhisaaya xiriirka labada dal, iyagoo u arka inay dan weyn ku jirto in Itoobiya lala yeesho iskaashi dhaqaale iyo mid amni.

: A.risaaq binu Jarlis

17/ Sep/2024

Shirkada openAi ayaa update cusub ku sameysey baramijkeeda chatgbt qaybtan cusub oy u bixiyeen GPT-4o ayaa gabi ahaanba ...
14/05/2024

Shirkada openAi ayaa update cusub ku sameysey baramijkeeda chatgbt qaybtan cusub oy u bixiyeen GPT-4o ayaa gabi ahaanba markale badalaya fahanka aynu ka haysano caqliyada macmalka ah iyo guud ahaan suuqa technologyga kordhinaysana filashada iyo cabsidii laga qabey in Ai gu badali doono shaqooyin badan oo aadanuhu xiligan hayo, update kan cusub ee chatgbt adeegyada iyo features ka uu wato waxa kamid ah:

in lagu tababarey inuu macalin iyo hage u noqdo qofka( personal mentor) kana caawiyo caqabadaha iyo laylisyada qofka ka haysta waxbarashada,ganacsiga,shaqada iyo wixi la mida.

Wuxu sido kale awood u leeyahay inad sida dadka caadiga ah uwada sheekaysataan,fikrado is dhaafsataan kalana tashato kolba wixi markas aad danaynayso lana soco caqliyada uu ku dhisanyahay una isticmalayaa waa heersare madama uu so akhrisanayo billions xogo ah oo jamacado,macalimiin,qorayaal iyo dadka ugu cilmiga badani internetka galinayeen tobanankii sano ee u dambeysay mana aha wax wakhti qadanaya oo inta su,aashu afkaga ka Dhammanayso unbu sugi(real-time conversation)

Waxa sido kale lagu so kordhiyey qaybta camera da taas oo iyada lafteedu isbadal badan wadata madamad sida video call ka ula macamilaysid, waydinaysid kuna aadinaysid kolba waxad u dan leedahay sida xisaabta aad ka shaqaynaysid,cilada code kaga ku timid, iyo xitaa inad dhahdid dharkan ma kuso baxayaa camal? Isaguna kula wadaagi waxa ka qaldan iyo waxad ku dari lahaydba taas oo noo ogolanaysa inan si dhammaystiran ula dhaqano Ai-ga.

Mida kale ee muhiimka ah waa in adeegan uu leeyahay turjumaan tayo badan leh luuqadaha ku jirana oo soomaligu kamid yahayna aad ba loo horumariyey kaliya waxad u sheegi qofka ku hortagan iyo adigu luuqadaha aad ku kala hadashaan wixi inta ka dambeeya wax walba od dhahdo qofkas ayuu u turjumi wixi u kugu jawabana adiga ayay dib luuqadada kugu so turjumi lana soco waxani maaha wax wakhti qadanaya oo waa turjumaan toos ah(live translation)

isku so wada duubo baramijkan ayaa ah mid calamka aad loga bogaadiyey, horumarinta laga sameyayna ay micno badan u sameysey Dhamman dadka xiiseeya technologyga iyo dhaqdhaqaqa Ai gaba, waxa ugu xiisaha badana waa in baramijkan gabi ahaanba yahay mid bilaash ah calamka dhana lo si dayn doono todobadada sosocda.

Abdirisaaq Binu Jarlis
A.risaaq binu Jarlis

Xig:Mohamed shariif mukhtaar

----------------- ๐’๐š๐›๐š๐›๐ญ๐š ๐š๐š๐ง ๐ฑ๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ ๐ฃ๐š๐œ๐š๐ฒ๐ฅ ๐ฎ๐ฌ๐š๐ฆ๐š๐ฒ๐ง๐ข๐ง -------------------Dumarka waxaa adag inay aqbalaan jacayl qalalan...
11/04/2024

----------------- ๐’๐š๐›๐š๐›๐ญ๐š ๐š๐š๐ง ๐ฑ๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ ๐ฃ๐š๐œ๐š๐ฒ๐ฅ ๐ฎ๐ฌ๐š๐ฆ๐š๐ฒ๐ง๐ข๐ง -------------------

Dumarka waxaa adag inay aqbalaan jacayl qalalan oo aan ficil la soconin, waxaase dhici karto ilaa waqti inay ku siiyaan balse waxaa hubaal ah hadii tareenka wiilka socon waayo ama tusi kari waayo riyo socon karta waxaa shaki ku jirin inay raaci doonto tareenka ugu dhow oo ay heli karto waliba horay u socnaayo, taana k**a dhigno dumarka inaysan lahayn wax qalbi ah balse dabciga dumarka ayaa ah inay jecelyihiin wax nacfi leh iyadana nolol fiican ka heli karto. Waxaa dhacda qofta dumarka ah inay u yaalaan boqolaal fariimood oo kala geddisan rag kala duwan soo kala diray hadana midna aynan furin fariintiis. Waxaa kale oo dhacda sawir ay leedahay inay boqolaal like ๐Ÿ‘ ama love โค gaareeyaan waliba iyadoo caan aysan ahayn sababtoo ah raggaas oo idil waa rajo sugiyaal aan riyo lahayn. Waxaase lagu tilmaami karaa raggaas inay yihiin macaamiisha dumarka ay ku dhaldhalaalaan gaarsiiyana qiimo aysan lahayn, waxaase nasiib daro ah inay noqdaan raggaas jaran jaro lagu gaaro wiilka riyada leh hadafka nolashiisana yaqaano kana dhowrsan nolosha qiyaaliga ah.


Abdirisaaq Binu Jarlis
A.risaaq binu Jarlis


#11/Apr/2024

07/03/2024

-----------------------------Raadinta Xidiga Nolashaada:----------------------------

Safarkaaga Jacaylka Dhabta ah Miyaad ka daashay inaad bidix iyo midig u leexato, adigoo rajeynaya inaad hesho Calafkaaga ugu fiican? Doonista Xidiga nolashaada mararka qaar waxaad dareemi kartaa in irbad dun ah lagu raadiyo, laakiin ma baqdaa! Dhammaadkaaga safarkaada waxaa laga yaabaa inuu ka dhawyahay sidaad u malaynayso. Ku qanac jaceylka naftaada ka hor inta aadan helin amiirka Nolashaada, ka bilow inaad naftaada jeclaato. Kalsoonida iyo is-qiimaynta waa hantidaada ugu wanaagsan ee raadinta jacaylkaada dhabta ah. Xusuusnow, waxaad tahay Xidig Qofeed oo adiga aqoonin! Sahmi aagaada cusub: Naftaada ha ku koobin aagga raaxada. Dibadda u bax, la kulan dad cusub, iyo ku hawlanaaw hawlaha aad xiisaynayso. Ma ogaan kartid goorta iyo meesha aad kula kulmi doonto saaxiibkaaga nolasha.
Qeex mudnaantaada Ogow waxa aad raadinayso.iswaydii Waa maxay qiimaha adiga ay kugu fadhiyaan, danaha, iyo hadafka aad wadaagtaan?
Damacaaga oo aad sawir cad ka haysataa waxay kugu hagaysaa qofka aragtidaada waafaqi doonta. Ahoow mid wanaagsan Safarku wuxuu lahaan karaa dhib iyo dheef, laakiin ilaalinta aragtida wanaagsan ayaa fure ah.
Rumayso in xidigaaga uu banaanka joogo, oo waxaa laga yaabaa adiga oo aanad filayn inuu noloshaada soo gala.
Jacaylku wuxuu leeyahay hab uu noogu yaabiyo mar aad filanayn. Ku kalsoonow waqtiga sheekada noloshaada, ogowna in waxyaabaha ugu fiican ay u qalmaan in la sugo. ๐Ÿ•ฐ๏ธSidaa darteed, saaxiib qaali ah, qalbigaaga furnaan iyo ruuxdaadu ha sarayso. Xidigaaga wuxuu joogi karaa geeskaada, wuxuu sugayaa inuu cagahaaga kaala hoos baxo.
Qisadaada jacaylku waa calaf, waxba k**a jiraan mucjiso!

: Abdirisaaq Binu Jarlis

A.risaaq binu Jarlis

MAGACA BUUGGA. : ISKUULKA NOLOSHA( SCHOOL OF LIFE )QORAA. : ISKUULKA NOLOSHA (QORAAGA), ALAIN DE BOTON (Qulaasayn)Waa bu...
01/03/2024

MAGACA BUUGGA. : ISKUULKA NOLOSHA( SCHOOL OF LIFE )

QORAA. : ISKUULKA NOLOSHA (QORAAGA), ALAIN DE BOTON (Qulaasayn)

Waa buug ka kooban 287 bog Kuna Qoran Afka ka. Waxaana kujira afkaaro mararka qaar aadan ladhacaynin ubaahanna filter inaad kusamayso.
Buugga waxaan kasoo qaadanayaa 7 cashar oo muhiim ah "Dugsiga Nolosha: Waxbarashada Dareenka leh".
"Dugsiga Nolosha: Waxbarashada Dareenka leh" waa buug bixiya aragtiyo iyo hagitaan ku saabsan fahamka iyo hagaajinta garaadkaaga shucuureed.
Waa kuwan toddobada cashar ee muhiimka ah ee buugga:

1. Ahmiyadda garaadka shucuureed ( The importance of emotional intelligence ): Buuggu waxa uu xooga saarayaa in garaadka shucuureed uu yahay xirfad muhiim u ah in lagu dhex maro qalafsanaanta dunidan casriga ah. Waxay naga caawinaysaa inaan si fiican u fahanno nafteena iyo kuwa kaleba, taasoo horseedaysa cilaaqaad buuxa iyo korriin shaqsiyeed.

2. Baahida is-milicsiga ( The need for self-reflection ): Buuggu waxa uu ku dhiirigeliyaa akhristayaasha in ay is-milicsadaan si ay si qoto dheer u fahmaan shucuurtooda, fikirradooda, iyo dabeecadahooda. Markaan baarno adduunkeena gudaha, waxaan horumarin karnaa is-wacyigelin weyn oo aan sameyn karno doorashooyin miyir leh.

3. Awoodda naxariista ( The power of kindness ): Buuggu waxa uu iftiiminayaa ahmiyadda naxariistu u leedahay dhisidda xidhiidh macno leh oo lala yeesho dadka kale. Waxay sahamisaa sida naxariistu inoo ogolaato inaan fahanno oo aan la xidhiidhno waayaha iyo shucuurta kuwa nagu xeeran, kobcinta naxariista iyo xidhiidhada adag.

4. Doorka adkeysigu (The role of resilience ): Buugu waxa uu ka hadlayaa muhiimada ay adkeysigu u leedahay ka hortagga caqabadaha nolosha. Waxay sahamisaa xeeladaha lagu dhisayo adkeysiga, sida dib u habeynta dib u dhacyada, kobcinta yididiilo, iyo horumarinta hababka la qabsiga si looga soo kabsado dhibaatada.

5. Qiimaha akhris-qoraalka shucuureed (The value of emotional literacy ): Buuggu waxa uu xooga saarayaa baahida loo qabo in la horumariyo akhris-qoraalka shucuureed, taas oo ku lug leh fahamka iyo muujinta dareenkeena. Waxay sahamisaa farsamooyinka lagu garto oo lagu caddeeyo dareenkeena, taasoo horseedaysa isgaarsiin iyo wanaag shucuureed.

6. Ahmiyadda isku naxariisashada(The importance of self-compassion ): Buuggu waxa uu u doodayaa ku-dhaqanka naxariista, taas oo ku jirta in aan nafteena kula dhaqanno naxariis iyo faham. Waxay sahamisaa sida isu-naxarisashada ay nooga caawin karto inaan ku soconno shucuurta adag, ka gudubno dhaleeceynta nafta, iyo inaan la yeelanno xiriir caafimaad leh nafteena.

7. Raadinta Nolol macno leh (Finding a Meaningful Life ): Buuggu waxa uu ku dhiirigelinayaa akhristayaasha in ay ka fikiraan qiyamkooda iyo mudnaanta ay leeyihiin si ay u abuuraan nolol macno leh. Waxay sahamisaa muhiimada ay leedahay in la waafajiyo ficiladeena iyo qiyamkeena, raadinta ujeedada, iyo raadinta buuxinta shakhsiyadeena iyo xirfadaheena.

: Abdirisaaq Binu Jarlis
A.risaaq binu Jarlis

19/02/2024

๐Œ๐š๐ฑ๐š๐š ๐ƒ๐ก๐š๐œ๐š๐ฒ๐š ??

Dalkeena Jiritaankiisa waxaa udub-dhexaad u ah 3 sheey.
1.Dawladnimo iyo Siyaasad baraxtiran.
2. Diin iyo Dhaqan Suuban.
3. Qoys Iyo Bulsho.

Horaybaa waxaa qadka laga saaray dowladnimadenii , Sanadii dambena waxaa dagaal toos ah iyo mid dadbanba lagula jiray diinteena iyo dhaqankeena suuban kaas oo wali lanaga faramorojin balse dadaal dheer iyo mid gaaban ba loogu jiro.

Sanadkaan maxaa cusub oo nagu soo kordhay ?
Inkastoo dhacdooyinkaan la arki jiray balse waxay noqdeen kuwo isdaba joog ah.
Waxaana kamid ah

1. Aabo caruurtiisa dilaayo
2. Hooyo xaajigeeda gubayso
3. Walaal walaashiisa kufsanaayo
4. Arday macalinkiisa dilaayo
5. Askari tooganaayo askari kle oo garabkiisa ah
6. Police kii oo noqday dhibane samarsiin yaal (" waa soo qabanaynaa , waa dadaalaynaa , cadaalada ayaa horkeeni donnaa iwm " )
7. Gacmihii garsoorkii oo la la'yahay
8. Madaxdii oo kafaala qaadayso qoyskii dhibanaha oo Wali nool dambiilihii
9. Dambiilihii oo og Cid damal ku qaabilayso
10. Cadaaladaradii oo huwan maradii cadaaladda

Dadkaygoo kaca oo kadhiidhiya dhibta


A.risaaq binu Jarlis
Abdirisaaq Binu Jarlis

Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when A.risaaq binu Jarlis posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to A.risaaq binu Jarlis:

Share